23/04/2024
Garoowe: 22 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada socota, hawlihii qabsoomay iyo qorshaha ku aadan doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka hadhay, isaga oo ku bogaadiyey shaqadii baaxada lahayd ee ay soo qabteen.
Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Guddiga faray in ay dar-dargeliyaan habsami-u-socodka iyo hannaanka daah-furnaanta qabashada doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka hadhay. Inta la ogyahay degmooyinka garoowe dangoroyo iyo godobjiiraan ayaa la filayaa in ay ka qabaoonto doorasho looga dabageynayo degmooyinkii h**e ay doorashadu uga qabsoontay
Dhamaad waab tv