Somali Global Media

Somali Global Media Falanqaynta Siyaasadda Wararka Dalka iyo Horumarka Deegaanka

  1-da October iyo Dhismaha Xukuumadda Cusub ee DDS1-da October 2026 waxaa si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 1-aad ee Baa...
18/09/2026



1-da October iyo Dhismaha Xukuumadda Cusub ee DDS

1-da October 2026 waxaa si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 7-aad ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaana kalfadhigan ka soo bixi doona go’aanno muhiim u ah jihada siyaasadeed ee deegaanka.

Ajandayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

1-Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa.

2-Doorashada Madaxweynaha DDS iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

3-Ansixinta Golaha Wasiirrada iyo dhismaha Xukuumadda cusub.

Dhismaha xukuumadda cusub ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu qeexayo wejiga cusub ee maamulka deegaanka. Waxa si gaar ah isha loogu hayaa cidda qabanaysa xilalka muhiimka ah, wejiyada cusub ee soo baxaya iyo qaabka loo dhisayo Golaha Wasiirrada.

Sidoo kale, doorashada Afhayeenka Baarlamaanka 7-aad waxay noqon doontaa arrin si dhow loo raadin doono, maadaama Afhayeenka iyo ku-xigeenkiisu ay door muhiim ah ku yeelan doonaan shaqada iyo jihada golaha cusub.

Marka la eego baaxadda isbeddellada la filayo, 1-da October waxay noqonaysaa maalin muhiim ah oo calaamad u ah bilowga wejiga cusub ee hay’adaha siyaasadeed iyo xukuumadeed ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Xogta rasmiga ah ee Xafiiska Madaxweynaha DDS waxay hadda ku taxdaa Mustafe Muhumed Omar Madaxweynaha iyo Ibrahim Osman Madaxweyne-ku-xigeenka.

Indhaha siyaasadda deegaanka waxay hadda ku wajahan yihiin:

Baarlamaanka cusub, hoggaanka cusub iyo Golaha Wasiirrada cusub.




21-ka Maskaram: 13 Maalmood Kadib Waxaa Furmaya Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 7aad ee DDS21-ka Maskaram ayaa la filaya...
18/09/2026

21-ka Maskaram: 13 Maalmood Kadib Waxaa Furmaya Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 7aad ee DDS

21-ka Maskaram ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 1aad ee Golaha Baarlamaanka 7aad ee Dawlad Deegaanka Soomaalida. Kalfadhigan ayaa noqonaya mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo bilowga wejiga cusub ee hay’adaha sharci-dejinta iyo hoggaanka siyaasadeed ee deegaanka.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee la filayo waxaa ka mid ah ansixinta Afhayeenka cusub iyo Afhayeen-ku-xigeenka Baarlamaanka 7aad, kuwaas oo door muhiim ah ku yeelan doona jihaynta hawlaha Golaha iyo maamulka shaqadiisa sharci-dejineed.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Golaha uu ka doodo oo uu ansixiyo Mudane Mustafe Muxumed Cumar inuu noqdo Madaxweynaha DDS muddada lixda sano ee soo socota, haddii hannaanka dastuuriga ah iyo ansixinta Golaha ay sidaas u dhacaan, idanka Alle.

Kalfadhigan wuxuu yeelan karaa muhiimad siyaasadeed iyo mid hay'adeed, maadaama go'aannada laga gaadho ay saameyn ku yeelan karaan jihada maamulka, qaab-dhismeedka hoggaanka iyo mudnaanta siyaasadeed ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.

21-ka Maskaram wuxuu noqonayaa maalin indhaha lagu hayo, iyadoo la sugayo go'aannada Golaha Baarlamaanka 7aad iyo wejiga cusub ee hoggaanka DDS.

OGAYSIIS XAFIISKA GOLAHA XILDHIBAANNADA DDSXafiiska Golaha Xildhibaannada Deegaanka Soomaalida  ayaa ku wargelinaya dham...
18/09/2026

OGAYSIIS XAFIISKA GOLAHA XILDHIBAANNADA DDS

Xafiiska Golaha Xildhibaannada Deegaanka Soomaalida ayaa ku wargelinaya dhammaan xildhibaannada Golaha 7aad in si rasmi ah loo furi doono kal-fadhiga koowaad ee Golaha 7aad, 21-ka bisha Meskerem.

  Xildhibaannada Cusub iyo Bilowga Marxalad Siyaasadeed oo CusubXildhibaannada cusub ee Deegaannada iyo Baarlamaanka Fed...
16/09/2026


Xildhibaannada Cusub iyo Bilowga Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Xildhibaannada cusub ee Deegaannada iyo Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa Addis Ababa looga yeedhay, iyadoo loo qabanayo tababar 3-da maalmood ah oo qayb ka ah diyaar-garowga shaqada baarlamaanka cusub.

Kaddib tababarka, xildhibaannada Deegaannadu waxay dib ugu laaban doonaan deegaannadooda, halka kuwa Federaalka ay sii joogi doonaan Addis Ababa.

Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xilli la filayo in laba toddobaad kadib la guda galo dhismaha dowladda cusub, haddii Alle idmo.

Marxaladdan cusub ayaa la filayaa inay horseeddo isbeddello ku yimaadda hoggaanka, qaab-dhismeedka dowladda iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Itoobiya waxay u gudbaysaa marxalad cusub, iyadoo shacabka iyo siyaasiyiintu si dhow ula socdaan tallaabooyinka xiga.

XOG: Madaxweyne Mustafe ayaa qorsheynaya inuu isbeddel ku Sameyo hoggaaminta xukuumadda cusub ee uu qorshaynayo inuu soo...
14/09/2026

XOG: Madaxweyne Mustafe ayaa qorsheynaya inuu isbeddel ku Sameyo hoggaaminta xukuumadda cusub ee uu qorshaynayo inuu soo dhiso

Xogaha laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe uu qorsheynayo inuu Isbeddel ballaaran kusameeyo hoggaaminta Xukuumadda cusub ee la filayo in dhawaan la soo dhiso.

Sida xoguhu tilmamayan Madaxweyne Mustafe Ayaa Xukuumadda cusub ee uu qorshaynayo inuu soo dhiso waxaa meesha ka bixi doona hoggaamin farabadan oo hada kaa miida Xukuumaddisa

Madaxweyne Mustafe ayaa doonaaya Xukuumadda cusub in lagaa dareemo Isbeddel ballaaran oo dhanka hoggaaminta cusub ayaa lagu salaynaya casharradii & waayo-aragnimadii uu ka helay siddeeddii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo doonaya in la saxo daldaloolooyinkii jiray, lana helo masuuliyiin awood u leh inay si dhab ah uga soo baxaan xilalka loo igmaday.

Soo laabashada Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo sii wadista hoggaamintiisa Deegaanka Soomaalida waxay shacabka badankoodu u arkaan fursad lagu sii ambaqaado nabadda, xasilloonida iyo horumarka la gaadhay sannadihii la soo dhaafay.

Hase yeeshee, marka la eego dhismaha Dawladda cusub, waxaa si weyn uga dhex muuqata rajada iyo filashada shacabka ee ah in la keeno wajiyo cusub, tamar cusub iyo fikrado cusub.

Marka laga hadlayo Golaha Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada, Maamulka Gobollada, Maareeyayaasha hay'adaha iyo masuuliyiinta kale ee dawladda, dad badan waxay filayaan in laga gudbo qaybo ka mid ah wajiyadii h**e ee muddo dheer ku jiray dhismaha maamulka, si loo helo hoggaan cusub oo la jaanqaadi kara waqtiga iyo isbeddellada socda.

Ujeeddadu ma aha oo keliya in xilalka la kala beddelo ama Boosas cusub la magacaabo. Waxa muhiimka ahi waa in la helo hoggaan fahamsan dareenka shacabka, si dhow ula xidhiidhi kara bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, isla markaana leh aragti iyo karti uu kula jaanqaadi karo isbeddellada ka socda Itoobiya iyo guud ahaan Deegaanka Soomaalida

Deegaanku maanta wuxuu u baahan yahay leadership understands the people connects with the youth and moves with the changing times

Haddii dhismaha dawladda cusub lagu saleeyo karti, hufnaan, aragti cusub iyo masuuliyiin si dhab ah u fahmaya baahida shacabka, waxaa jirta fursad weyn oo lixda sano ee soo socota ay noqon karaan xilli cusub oo horumar iyo barwaaqo

Dhaarta Madaxweynaha DDSWaxaa la filayaa in dhawaan la dhaariyo Madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Dowladda Deegaanka...
11/09/2026

Dhaarta Madaxweynaha DDS

Waxaa la filayaa in dhawaan la dhaariyo Madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Dowladda Deegaanka Soomaalida, iyadoo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar uu sii wadi doono hoggaaminta xukuumadda DDS muddo-xileedka cusub.

Dhaarintu ma aha oo keliya munaasabad rasmi ah, balse waa astaan muujinaysa bilowga sharci iyo siyaasadeed ee muddo-xileed cusub. Waxay sidoo kale noqotaa xilli dib loogu milicsado halkii laga soo bilaabay iyo jihada loo socdo.

18-kii Oktoobar 2021, markii Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar la dhaariyey muddo-xileedkiisii h**e, dhaarta waxaa akhriyey Guddoomiyihii Maxkamadda Guud ee DDS xilligaas, Mudane Cabdilaahi Siciid Cumar.

Hadda, iyadoo la gelayo muddo-xileed cusub oo ku beegan bisha Meskerem ee kalandarka Itoobiya, waxaa la filayaa in dhaarinta Madaxweynaha uu akhriyo Guddoomiyaha hadda ee Maxkamadda Guud ee DDS, Mudane Cabdikariim Axmed.

Waxa dhacdooyinkan ka dhigaya kuwo leh xiise gaar ah ayaa ah in labada Guddoomiye ay kasoo jeedaan Gobolka Faafan, isla markaana ay wadaagaan asal beeleed isku dhow.

Isku-beeggan wuxuu leeyahay xusuus taariikhi ah iyo fasiraad siyaasadeed, isagoo muujinaya sida ay mararka qaar isku dhexgalaan taariikhda, hay'adaha dowladda iyo hoggaanka siyaasadeed ee Deegaanka Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha dhabta ah ee muddo-xileedka cusub laguma cabbiri doono oo keliya munaasabadda dhaarta, balse waxaa lagu qiimeyn doonaa go'aannada xukuumadda, tayada adeegyada shacabka, caddaaladda, horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ay shacabka DDS dareemaan.

Muddo-xileed cusub wuxuu la yimaadaa rajo cusub, laakiin rajadaas waxaa xaqiijin kara oo keliya waxqabad muuqda.

📌 Aragtidaada nala wadaag.
🔁 Share | Like | Follow Somali Global Media

Donald Trump oo Ballanqaad Lacageed u Sameeyay Cod-bixiyeyaasha MareykankaMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shee...
11/09/2026

Donald Trump oo Ballanqaad Lacageed u Sameeyay Cod-bixiyeyaasha Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii Xisbiga Jamhuuriga uu guuleysto doorashooyinka xilliga dhexe, uu qorsheynayo in muwaadiniinta qaangaarka ah ee Mareykanka la siiyo $5,000 oo dollar.

Trump ayaa sheegay in guusha Jamhuuriga ay noqon doonto guul ay wada leeyihiin xisbiga iyo shacabka taageeraya.

Doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa noqon doona kuwo si weyn isha loogu hayo.

Madaxweyne Mustafe Ummad sheeko-xariir kuma xorowdo.Madaxweyne Mustafe ayaa dhaliil adag u jeediyay kooxo uu sheegay ina...
09/09/2026

Madaxweyne Mustafe Ummad sheeko-xariir kuma xorowdo.

Madaxweyne Mustafe ayaa dhaliil adag u jeediyay kooxo uu sheegay inay muddo ka badan 42 sano wadeen halgan aan weli wax natiijo ah dhalin, isla markaana maanta shacabka ku mashquulinaya ballanqaadyo ku saabsan isbeddel soo socda.

Sida uu sheegay Madaxweyne Mustafe, kooxahani ma laha awood, qorshe cad iyo taageero ay isku hallayn karaan gudaha iyo dibaddaba, balse waxay rajadooda ku xireen xoogag kale, gaar ahaan TPLF.

Wuxuu xusay in qaar ka mid ah kooxahan ay aaminsan yihiin in haddii TPLF isbeddel siyaasadeed ka samayso dalka, ay iyaguna fursad u heli doonaan inay awood ku yeeshaan Deegaanka.

Anigu weligay ma arag ummad ku xorowday sheeko-xariir,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe, isaga oo carrabka ku adkeeyay in halgan dhab ahi u baahan yahay qorshe, awood, taageero shacab iyo hoggaan masuul ah.

Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay kooxaha maanta qiraya inay h**e u khaldanaayeen, isagoo yiri: Haddii ay mar h**e qaldameen, maxaa dammaanad qaadaya inaysan mar kale khaladkii ku noqon?

Hadalka Madaxweyne Mustafe wuxuu xambaarsan yahay dood siyaasadeed oo muhiim ah: isbeddel dhab ah laguma gaadho sugitaanka xoog kale, balse wuxuu u baahan yahay aragti cad, taageero shacab iyo qorshe la isku hallayn karo.

07/09/2026

Hambalyo

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan hoggaaminta cusub ee loo magacaabay 25-ka maamullada magaalooyinka cusub ee Deegaanka Soomaalida.

Masuuliyiinta loo magacaabay xafiisyada kala duwan ee maamul Magaalooyinka kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Duqa Magaalada
2. Maareeyaha Adeeg Bixinta
3. Xafiiska Maaliyadda
4. Xafiiska Dakhliga
5. Xafiiska Waxbarashada
6. Xafiiska Caafimaadka

Waxaan idiin rajaynayaa in Eebbe idinku asturo xilka culus ee la idiin igmaday, kana dhigo hoggaan daacad ah oo shacabka iyo horumarka magaalooyinka u adeega.

Hambalyo dhammaantiin!

Sida ay sheegayaan xogaha ay Idaacadda Wazema ka heshay ilo xog-ogaal ah, isbeddelka siyaasadeed ee la filayo inuu dalka...
06/09/2026

Sida ay sheegayaan xogaha ay Idaacadda Wazema ka heshay ilo xog-ogaal ah, isbeddelka siyaasadeed ee la filayo inuu dalka ka hirgalo wuxuu saamayn ballaaran ku yeelan karaa Hoggaanka sare ee Xisbiga Barwaaqo, iyadoo la sheegayo in boqolkiiba 70 ilaa 80 masuuliyiinta sare ay noqon doonaan wajiyo cusub.

Marka dhinaca deegaankeena laga eego, xaaladdu waxay u muuqataa mid xasaasi ah. Deegaanku wuxuu hadda ku leeyahay dowladda iyo hoggaanka sare hal wasiir, hal Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, kaas oo sidoo kale ah madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa inta badan lagu tiriyaa masuuliyiinta dhinaca xisbiga, maadaama xilkiisa ugu weyn uu yahay hoggaaminta xarunta dhexe ee xisbiga. Sidaas darteed, haddii isbeddelkan ballaaran uu dhab noqdo, waxaa muhiim noqon doonta in si dhow loo eego saamiga iyo kaalinta uu deegaanku ku yeelan doono dowladda cusub iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qaar ka mid ah masuuliyiinta hadda haya xilalka muhiimka ah laga yaabo in xilalka laga wareejiyo ama loo magacaabo masuuliyado kale. Arrintani waxay sii adkaynaysaa saadaasha ku saabsan cidda sii haysan doonta awoodda iyo cidda kusoo biiri doonta hoggaanka cusub.

Isbeddellada noocan ah ma aha oo keliya magacaabis iyo xil-wareejin, balse waxay inta badan muujiyaan jihada cusub ee awood-qaybsiga siyaasadeed, saameynta deegaannada iyo cidda yeelan doonta codka ugu weyn ee marxaladda soo socota.



Address

Jigjiga
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Global Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share