Heydar pro

Heydar pro Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Heydar pro, Advertising agency, Delhi.

15/02/2026

Content ka adiga ama tartamayaashaadu jecel yihiin mar kasta iib ma keeno.

Iibka dhabta ah wuxuu yimaadaa marka aad macaamilka u muujiso faa’iidada muuqata, sida alaabtaada ama adeeggaagu u xalliyey dhibkooda una fududeeyey noloshooda.

Halkii aad ku mashquuli lahayd farsamada, xoogga saar faai'dada dhabta ah. Markaas ayaad arki doontaa macaamiil badan iyo iib kor u kaca.

Waxaa laguugu yiri page furo kadibna bilow ina wax post-gareso ugu dambeyn intaba waad sameysay.Laakin 2-3 bilood kadib ...
15/02/2026

Waxaa laguugu yiri page furo kadibna bilow ina wax post-gareso ugu dambeyn intaba waad sameysay.
Laakin 2-3 bilood kadib :

❌ No followers
❌ No customers
❌ No monetization

Xiligan lataganyahay waxa daremeysa jahwareer waxana isweydiineysaa halka ay wax ka qaldanyihiin.

Waatan xaqiiqda laga qariyey islamarkana aysan rabin inaad ogaato.

Inaad wax soo post-gareyso oo kaliya marnaba ma ahayn strategy-yada dhabta ah.
Taas waxay ahayd un iridda laga soo galo.

Dadka badankoodna way kufashilmeen sababtoo ah waxa labaray iney wax sameyan lkn lambarin habkii ay usameenlahayen.

Waxalaguu sheegay ina “consistent noqoto” laakin cidna kuma shareegin waxa lagunoqonayo consistent-.

Waxay kugu dheheen post value leh so dhig
Lakin maysan kushegin cida uu quseeyo value gaas. Markaa adiguna waad iska so post gareysay halka Algorithm kana uu iska
Daawanayo halgankaga.

Run kale oo qadhaadh: Content-kaagu wuu hadlayaa, laakiin ma sheegayo wax "muhiim ah".

Dadku iskama follow gareyan pages ka, waxay follow gareyan Clarity.

Haddii boggaagu uunan si cad u sheegayn cidda uu u furan yahay iyo sababta ay hadda muhiim u tahay, dadku way iska kaa scroll garenayan iyadoon wax dhibata ah kuu arkin.

Haddaba waxaa xigta lacag ka samaynta (monetization). Qodobkani wuu xanuun badan yahay.

Ma samaynaysid lacag sababtoo ah wali uma ekid qof lacag samayn karo. Taas mahan inadan ficneen, balse wa nooca content ee ku jira boggaaga sababtoo ah ma muujinayaan jihayn, kalsooni iyo awood (authority), ama tallaabada xigta ee qofku qaadi karo.

Dadku way bixiyaan lacag marka ay dareemaan ammaan iyo kalsooni, ee maaha marka ay dareemaan jahwareer.

Page yada badankood waxay u fashilmaan sababtoo ah qofka iska leh ayaa weli "fagaaraha ku baranaya" isagoon lahayn qaab dhismeed (structure) cad. Waxaad ku jirtaa tijaabo (experimenting) halkii aad ka xulan lahayd halka aad taagan tahay (positioning). Waxaad samaynaysaa tijaabin joogto ah halkii aad go'aan gaadhi lahayd. Waxaadna rajaynaysaa in "viral" aad noqoto ay ku badbaadiso, halka ay ahayd in caddaan (clarity) ay ku xaliso dhibkaas.

Akhristaha qaaliga ah,

Korintaanku mahan nasiib.
Monetization kuna maahan wax hallmark iska imanayo oo magic camal ah.
waxay ku yimaadaan qof si ula kac ah isu‑meeleeya oo caddeeya waxa uu yahay, cidda uu u adeego, iyo sababta.

Dhisidda Sumcadda Shakhsiga ah (Personal Branding)Haddii aad rabto inaad ka dhex muuqato tartanka suuqa shaqada, dhisidd...
31/01/2026

Dhisidda Sumcadda Shakhsiga ah (Personal Branding)

Haddii aad rabto inaad ka dhex muuqato tartanka suuqa shaqada, dhisidda sumcaddaada shakhsiga ah waa tallaabada koowaad ee laga maarmaanka ah.

Mar haddii aad go’aansatay inaad raad muuqda ku reebto baraha bulshada, markaa waxaa muhiim ah inaad barato qaabka saxda ah ee loo sameeyo.

Kani waa koorso dhammaystiran oo soconaysa 5 saacadood. Haddii aadan waqti badan haysan, link-ga geli LLM notebook-gaaga si aad uga hesho koobitaan faahfaahsan.

malin wanaagsan 🤍

30/01/2026
30/01/2026
Dadka noocan ah kuguma tixgeliyaan qofnimadaada ama dadaalkaaga, waxay kuu arkaan kaliya "Tool" ay ku fushadaandanahooda...
28/01/2026

Dadka noocan ah kuguma tixgeliyaan qofnimadaada ama dadaalkaaga, waxay kuu arkaan kaliya "Tool" ay ku fushadaandanahooda. Marka aad u baahato, marna ma helaysid.

• Xalka: Baro inaad tiraahdo "Maya" adigoon dareemin wax dambi ah.

26/01/2026

Elon Musk ayaa shirka World Economic Forum kaga yaabiyay dadka aragti aad u qoto dheer oo ku saabsan nolosha. Wuxuu yiri:

Way ka wanaagsan tahay inaad noqoto Optimist (yididiilo-low) oo aad khaldanto, intii aad noqon lahayd Pessimist (quus-low) oo aad saxnaato.

Waa maxay ujeedadu?

Haddii aad mar walba dhinaca xun wax ka eegto, waxaa laga yaabaa inaad "saxantahay" oo dhib dhaco, laakiin noloshaada oo dhan waxay ahaanaysaa mid madow iyo walwal ah. Laakiin haddii aad rajo yeelato, tayada noloshaada iyo farxaddaada ayaa kor u kacaysa, xataa haddii caqabado ku la kulanto.

22/01/2026

Shaki la’aan ninka guriga leh waa Android 😆

20/01/2026

Run ahaantii waa wixii aan mudada badan ku cel-celinayay:

Programming-ka iyo culuumta kaleba, waxa isbeddelka dhabta ah sameeya waa khibradda iyo mashaariicda (Projects) aad gacantaada ku dhistay.

Maanta, dunida AI ay hoggaaminayso, farqiga u dhexeeya qofka guulaysanaya iyo midka kale maahan inta buug uu akhriyay, balse waa:

• Sida uu u adeegsado AI si uu u dhiso nidaamyo waara (Sustainable projects).

• Fahanka moolka ah ee uu u leeyahay xalinta dhibaatooyinka (Problem Solving).

• Khibradda dhabta ah ee uu ka helay dhisidda mashaariic hirgalay.

Injineer si heer sare ah ayuu u qeexay fikirkaas, isagoo si cad u sharaxay in aasaaska (Fundamentals) ay muhiim yihiin, laakiin dabacsanaanta iyo xalinta caqabadaha waaweyn ay ka yimaadaan adoo dhex dabaashay mashaariic dhab ah.

Muuqaal aad u xiiso badan iyo macluumaad dhaxalgal ah! Haddii aad rabto inaad heer sare ka gaarto barashada software-ka ama tech-ga, haku joogsan akhris kaliya—BILOW DHISIDDA MASHAARIIC DHAB AH.

500 qof waxay u ekaan karaan tiro yar marka la eego algorithm-ka, laakiin aniga aad bay iila weyn tahay.Maanta ayaan eeg...
13/01/2026

500 qof waxay u ekaan karaan tiro yar marka la eego algorithm-ka, laakiin aniga aad bay iila weyn tahay.

Maanta ayaan eegay profile-kayga, tiradana waan arkay.

Dunida maanta ay dadku ku mashquulsan yihiin viral iyo growth degdeg ah, Way fududahay in la iska indho tiro guulaha yaryar.

Markaa waxaan rabaa inaan u mahadceliyo 500 oo qof oo go'aansaday inay taageeraan safarkayga.

Arrintan marnaba uma qaadanayo si fudud. Aad baad u mahadsan tihiin dhammaantiin

Heydar Pro

My AI & Machine Learning Workshop Experience Was Truly Inspiring! 🤖🔥I'm so glad I attended the 7 Days AI Bootcamp by AI ...
08/12/2025

My AI & Machine Learning Workshop Experience Was Truly Inspiring! 🤖🔥

I'm so glad I attended the 7 Days AI Bootcamp by AI Somalia at University of Science and Technology, It was a fantastic journey from zero to ML Hero with Eng. Bicir.

The course clarified the entire ML process from data preparation to building and deploying real, interactive models. I left with practical knowledge, a new perspective, and incredible connections.

Looking forward to improving my skills and growing in this exciting world of AI.

Address

Delhi
34100

Telephone

+256703967239

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Heydar pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Heydar pro:

Share