19/07/2026
MUXUU SHIINUHU KUBADDA CAGTA MUDNAANTA U SIIN WAAYAY?
Jawaabtu waxay ku bilaabmaysaa imtixaan la yiraahdo Gaokao (ι«θ).
Waa imtixaanka gelitaanka jaamacadda qaranka ee Shiinaha, mid ka mid ah kuwa ugu tartanka badan adduunka. Sannad kasta, qiyaastii 13 malyuun oo arday ayaa qaata kadib in ka badan 12 sannadood oo ay wax dhiganayeen, sababtoo ah natiijadu waxay go'aamin kartaa jaamacadda ay dhigan doonaan, takhasuskooda, iyo xitaa mustaqbalkooda xirfadeed iyo xaaladdooda bulsheed.
Inta lagu jiro muddada imtixaanka, Shiinuhu wuxuu galaa xaalad degdeg ah; waddooyinka qaar waa la xiraa, buuqa waa la mamnuucaa meelaha u dhow xarumaha imtixaanka, hawlaha qaarna dib ayaa loo dhigaa si ardaydu ay imtixaanada ugu galaan si deganaan buuxda ah. Dowladda iyo bulshadu waxay u arkaan imtixaankaan maalgashi mustaqbalka qaranka ah.
Ka gudubka imtixaanka lagama maarmaan uma ahan inuu dammaanad qaado gelitaanka jaamacadaha ugu fiican. Tartanka boosaska maamuuska leh waa mid aad u daran, oo keliya ardayda ugu dhibcaha badan dalka oo dhan ayaa la qaataa.
Sababtan awgeed, inta badan ardayda iyo qoysaskoodu waxay doortaan inay waqtigooda iyo dadaalkooda ku bixiyaan waxbarashadooda halkii ay ka raadin lahaayeen xirfad ciyaareed oo kubbadda cagta ah. Iyaga dhankooda, shahaadada jaamacadda ee maamuuska leh waxay u furaysaa albaabo ballaaran oo guul iyo xasillooni ah marka loo eego riyo laga yaabo inaan lagu xaqiijin garoonka dhexdiisa.
Taas bedelkeeda, dalal badan kubadda cagtu waxay noqotay mashquulka ugu weyn ee dadka lagu mashquuliyo. Dhallinyarada qaar ayaa xifdisan safafka kooxaha Yurub, haddana ma yaqaanaan magacyada saynisyahannada ama hal buug ma akhriyaan sannadkii.
Kubadda cagtu waa ciyaar madadaalo ah... halka waxbarashadu ay tahay mashruuc lagu dhisayo qaran.
Shiinuhu ma noqon mid warshadeed iyo tignoolajiyadeed sababtoo ah waxay soo saareen weeraryahannada ugu fiican, laakiin sababtoo ah waxay mudnaanta siiyeen hoolalka imtixaanka marka loo eego garoomada, buugaagta marka loo eego kubadda cagta, iyo aqoonta marka loo eego caannimada.
Qaramadu waxay ku dhisan yihiin caqli, ee ma aha goolal laga dhaliyo shabaqa.
Waan soo tarjumay: Abdulkadir M. Nur