10/06/2026
Sahro Rucker, oo sidoo kale loo yaqaan Sahro Somali, ayaa dib ula kulantay aabaheed Maxamud Xuseen Xirsi kadib 48 sano oo ay baadi goobaysay iyadoo natiijada baaritaanka DNA ay si rasmi ah u xaqiijisay xiriirkooda qoys.
Sahro oo hadda 48 sano jir ah, ahna macalimad barta luuqadda Isbaanishka, ayaa ku nool Mareykanka. Waxay guursatay 22 sano kahor waxayna haystaa laba carruur ah oo dhigta jaamacad.
Nolosheeda oo dhan, waxay aaminsaneyd inay asal ahaan ka soo jeedo qoys Latin American ah, halka qaar ka mid ah dukumentiyadeeda dhalashada ay sidoo kale u muujinayeen asal kale oo aysan si buuxda u hubin.
Sanadkii 2021 Sahro ayaa iska qaaday baaritaan DNA ah si ay u ogaato asalkeeda qowmiyadeed halka uu xiriirka la leeyahay Natiijada ayaa si tartiib tartiib ah u furtay albaab cusub oo ay ku fahantay in raadkeedu uu ka fog yahay halka ay ka raadinaysay 40kii sano, isla markaana uu u jiheeyay dhanka iyo qowmiyada Soomaaliyeed.
Sahro ayaa muqaalo Tiktok ku baahisay iyadoo shegtay inay somali tahay sidokale ay baadi goobayso aabaheed waxay sheegtay inuu somali badan uu gaaray muqaalkeeda dad badan ay lasoo xirir sidookale la gartay aabaheed.
Bishii December 2025, baaritaan dheeraad ah oo DNA ah ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Maxamud Xuseen Xirsi uu yahay aabaheed dhabta ah, natiijo soo afjartay raadis socday ku dhawaad nus qarni.
Sheekada Maxamud Xuseen Xirsi ayaa la sheegay in ay ka bilaabatay Mareykanka sanadkii 1976 xilli uu dalkaas ku yimid fiisaha shaqo ama safar halkaas ayuu kula kulmay hooyada Sahro waxaana ay sheekadooda gaartay heer ay gabadhu dhalato. Si kastaba duruufaha waqtiga iyo kala fogaanshaha ayaa sababay kala go'a qooyska.
Sanado badan kadib Sahro ayaa ugu dambeyn heshay xaqiiqadii ay raadinaysay, iyadoo sheekadani noqotay mid murugo iyo farxad isugu jirta murugo ka dhalatay waqtiga lumay, iyo farxad ah in ay ugu dambeyn heshay aabaheed iyo asalkeeda dhabta ah.