Dhacdooyinka24

Dhacdooyinka24 fadlan waxaad like garaysaa pagekan follow daaduna waa noo muhiim mahadsanid.

 : wasiirka gaashaandhiga JFS wasiir axmed macallin fiqi oo booqasho ugu tagay cutubyo katirsan xooga dalka soomaaliyeed...
15/01/2026

: wasiirka gaashaandhiga JFS wasiir axmed macallin fiqi oo booqasho ugu tagay cutubyo katirsan xooga dalka soomaaliyeed iyo daraawiishta Dawladda Waqooyi Bari soomaaliya isagoona ku bogaadiyey shaqada balaadhan ee ay dalka uhayaan iyo kashaqaynta midnimada dalka oo ay foolaad uyihiin.

15/01/2026

Dhalinyarada tiktokers ka iyo youtuberska Soomaaliyeed baa yaguna kusoo wajahan caasimada Dawladda Waqooyi Bari soomaaliya ee Las Anod yadoo loo madlan yahay inay halkaas kadhacdo xaflada caleema saarka madaxwayne firdhiye.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cali, oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo wa...
14/01/2026

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cali, oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo wafti heer sare ah oo maalinta Khamiista soo gaari doona caasimadda Laascaanood.
Waftigan ayaa ka qayb geli doona xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), taas oo ka dhacaysa Caasimadda Laascaanood, isla markaana ay ka soo qayb galayaan madax kala duwan oo isugu jirta masuuliyiin heer qaran iyo kuwo caalami ah.
Imaanshaha waftigan oo uu Hoggaaminayo Xildhibaanka Jabuuti ayaa muujinaya xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Elon Musk, ayaa dadka ku sugan gudaha Iiraan , wuxuu u furay inay si bilaash ah meel kasta oo ay joogaan u adeegsan kara...
14/01/2026

Elon Musk, ayaa dadka ku sugan gudaha Iiraan , wuxuu u furay inay si bilaash ah meel kasta oo ay joogaan u adeegsan karaan internetka Starlink, xilli ay socdaan bannaanbaxyo, halka Trump uu ka fakarayo weerar uu Mareykanka ku qaado gudaha Iiraan, sida ay werisey Bloomberg.
Fiiro gaar ah;
Elon , wuxuu u muuqda inuu dhiirrigelinayo weerar lagu qaado Iiraan, waxayna tallaabadan u muuqataa mid looga danleeyahay in Trump lagu tuso wax kasta oo ka dhacaya gudaha Iiraan , si uu u arko wax ku filan inuu qaato go’aanka duullaan lagu qaado Iiraan.

Deg Deg: Ciidamada ICE ayaa qabqabashadeeda balaarisay ka dib markii daqiiqado ka hor wiil Soomaaliyeed ka qabteen magaa...
08/01/2026

Deg Deg: Ciidamada ICE ayaa qabqabashadeeda balaarisay ka dib markii daqiiqado ka hor wiil Soomaaliyeed ka qabteen magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota.

Dawladda Iiraan ayaa caawa hawada ka saartay Internetka iyo isgaarsiintii telefoonnada, kaddib markii bannaanbaxyada ka ...
08/01/2026

Dawladda Iiraan ayaa caawa hawada ka saartay Internetka iyo isgaarsiintii telefoonnada, kaddib markii bannaanbaxyada ka dhan ah nidaamka kacaanka iyo sicir bararka saameeyay nolosha dadka Iiraan ay ku baaheen magaalooyinka waa weyn oo caasimadda Tehran ay ku jirto, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP.

08/01/2026

They knocked on the wrong door.

08/01/2026

ICE waxay hurdada ka toosisay darawal Soomaali ah oo ku dhex hurda baabuurkiisa oo yaala xarun lagu nasto oo ku taala magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota. They knocked on the wrong door.
Dhacdooyinka24

Somaliland ayaa Madaxweyne Trump ku ammaantay soo qabashada Madaxweynihii Venezuela Nicolas maduro iyo xaaskiisa.
04/01/2026

Somaliland ayaa Madaxweyne Trump ku ammaantay soo qabashada Madaxweynihii Venezuela Nicolas maduro iyo xaaskiisa.

GAALKACAYO: Xarunta Dowladda-hoose ee Puntland ayaa maalintii saddexaad u xidhan koox hubaysan oo la sheegey in ay doona...
04/01/2026

GAALKACAYO: Xarunta Dowladda-hoose ee Puntland ayaa maalintii saddexaad u xidhan koox hubaysan oo la sheegey in ay doonayaan lacago ay ku leeyihiin mas'uuliyiin ka tirsan xarunta.
Mas'uuliyiinta Dowladda-hoose ayaa ku shaqaynaya guryaha, iyada oo ay hakad ku jiraan badi shaqooyinka muhiimka ah ee degmada.
Tan iyo doorashadii qof & cod ee Puntland, Dowladda-hoose ee Gaalkacayo ayaa la kulmaysay loolan-siyaasadeed, iyada oo la tuuray dhowr maayir.
Mohamed Salh

Akhri oo Hadda Ogow Beelaha ay kasoo jeedaan Golaha Wasiirada Maamulka Woqooyi-bari ee Madaxweyne Firdhiye magacaabay.1-...
19/10/2025

Akhri oo Hadda Ogow Beelaha ay kasoo jeedaan Golaha Wasiirada Maamulka Woqooyi-bari ee Madaxweyne Firdhiye magacaabay.

1- Wasiirka Cadaalada & Arrimaha Diinta; Yusuf Maxamed Cali. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Barkad.

2- Wasiirka Arrimaha Gudaha; Ahmed Cali Yakhle. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bah-ogayslabe.

3- Wasiirka Maaliyadda; Cabdiqani Xuseen Hiirad. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Naaleeye Axmed, Reer Aadan.

4- Wasiirka Caafimaadka; Dr Adam Jaamac Muuse Hayb ahaan waa Dhulbahante, Xasan Ugaas.

5- Wasaaradda Qorsheynta; Cali Dhakaawe Warsame; Hayb ahaan waa Dhulbahante, Bah-hararsame

6- Wasaaradda Amniga; Cabdirisaaq Faarax Warsame Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bihidoor.

7- Wasaaradda Tamarta & Biyaha; Cabdi Xasan Maxamed. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cumar Waceys.

8- Wasaaradda Macdanta & Batroolka; Mustafe Cabdinaasir Cismaan. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubeys.

9- Wasiiradda Waxbarashada; Daahir Cabdirisaaq Axmed. hayb ahaan waa Dhulbahante, Khaalid.

10- Wasiiradda Kaluumaysiga; Ismaacil Shiikh Saalax. Hayb ahaan waa Warsangeli, Warlabe.

11- Wasaaradda Arrimaha Qoyska; Saynab Calwaash. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Yaxye.

12- Wasaaradda Deegaanka; Siciid Maxamed Abdirahman. Hayb ahaan waa Warsangeli, Aadan Siciid.

13- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha; Mahad Siciid. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubays.

14- Wasaaradda Hawlaha Guud; Jaamac Faarax. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Reer Hagar.

15- Wasaaradda Duulista; Axmed C. Shire; Hayb ahaan waa Warsangeli, Reer Xaaji.

16- Wasaaradda Ganacsiga; Abdiweli Xuseen. Hayb ahaan waa Jibraahil, Ogaadeen.

17- Wasaaradda Warfaafinta; Axmed Abdirasaq Diiriye. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Qayaad.

18- Wasaaradda Beeraha; Cabdikarin Maxamuud Cabdi. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cali-geri.

19- Wasaaradda Gargaarka; Maxamed Diiriye Faarax Shariif. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Nuur Axmed.

20- Wasaaradda Ciyaaraha; Ibraahin Reygal. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Hayaag.

21- Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda; Cabdulqadir M. Ducaale. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Nuux Cumar.

Wadar-guud

Dhulbahante: 12
Warsangeli: 8
Ogaadeen: 1
Fiqishini: 0
Majeerteen: 0
Madhibaan: 0
Axmed Harti: 0
Dir: 0

FG. K**a dhigna Qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa inaad si fudud u fahamto metelaada beeshaadu ka heshay Golaha Wasiiradda Maamulka Woqooyi-bari.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhacdooyinka24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhacdooyinka24:

Share