09/02/2026
𝙌𝙤𝙧𝙖𝙖𝙜𝙪 𝙬𝙪𝙭𝙪𝙪 𝙨𝙞 𝙙𝙝𝙖𝙗 𝙖𝙝 𝙪 𝙨𝙖𝙬𝙞𝙧𝙖𝙮 𝙭𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙗𝙩𝙖 𝙖𝙝 𝙚𝙚 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖, 𝙢𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙢𝙚𝙚𝙡 𝙖𝙮 𝙨𝙝𝙖𝙧𝙘𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙪 𝙠𝙪 𝙡𝙞𝙞𝙙𝙖𝙩𝙤, 𝙖𝙬𝙤𝙤𝙙𝙙𝙪𝙣𝙖 𝙞𝙨𝙠𝙪 𝙙𝙖𝙮𝙚𝙮𝙨𝙤 𝙞𝙣𝙖𝙮 𝙠𝙖 𝙨𝙖𝙧𝙧𝙚𝙮𝙨𝙤 𝙣𝙞𝙙𝙖𝙖𝙢𝙠𝙖. 𝙎𝙝𝙚𝙚𝙠𝙖𝙙𝙞𝙞𝙨𝙖 𝙠𝙪 𝙨𝙖𝙖𝙗𝙨𝙖𝙣 𝙘𝙖𝙦𝙖𝙗𝙖𝙙𝙞𝙝𝙞𝙞 𝙖𝙢𝙣𝙞, 𝙭𝙖𝙣𝙣𝙞𝙗𝙖𝙖𝙙𝙙𝙞𝙞 𝙗𝙖𝙖𝙧𝙡𝙖𝙢𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙘𝙖𝙗𝙗𝙪𝙧𝙞𝙣𝙩𝙞𝙞 𝙭𝙞𝙡𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙣𝙣𝙖𝙙𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮 𝙩𝙪𝙨𝙖𝙖𝙡𝙚 𝙘𝙖𝙙 𝙪 𝙩𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙙𝙖𝙨𝙩𝙪𝙪𝙧𝙠𝙖 𝙡𝙖 𝙙𝙖𝙮𝙖𝙘𝙤, 𝙙𝙞𝙢𝙪𝙦𝙧𝙖𝙖𝙙𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙪 𝙨𝙞 𝙛𝙪𝙙𝙪𝙙 𝙪 𝙗𝙪𝙧𝙗𝙪𝙧𝙩𝙤.
—————————————————————————————
𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐃𝐢𝐟𝐚𝐚𝐜𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚
Xilliyada ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan bulsho, difaacidda dastuurku ma aha hawl farsamo ama mowqif xisbi gaar ah. Waa doorasho akhlaaqeed iyo istiraatiiji ah oo qeexaysa mustaqbalka dalka: in dawladdu isku maamusho sharci iyo oggolaansho dadweyne, mise ay ku dhacdo dano degdeg ah, cabburin iyo xoog.
𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒎𝒂𝒂𝒏𝒕𝒂, 𝒅𝒐𝒐𝒓𝒂𝒔𝒉𝒂𝒅𝒂𝒏 𝒎𝒂 𝒂𝒉𝒂 𝒎𝒊𝒅 𝒎𝒂𝒍𝒂-𝒂𝒘𝒂𝒂𝒍 𝒂𝒉. 𝑾𝒂𝒂 𝒎𝒊𝒅 𝒅𝒆𝒈𝒅𝒆𝒈 𝒂𝒉 𝒐𝒐 𝒍𝒆𝒉 𝒄𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒊𝒃 𝒕𝒐𝒐𝒔 𝒂𝒉.
Subaxnimadii Sabtida, 7 Febraayo 2026, anigoo ku sii jeeda Baarlamaanka, qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ma uusan ahaan aragti ama dood, balse wuxuu isu beddelay xaqiiqo muuqata. Waxaan maray sagaal bar-koontarool oo amni, kuwaas oo ay joogeen booliis, cutubyo ciidan iyo ilaalada madaxtooyada. Goob kasta, ciidamada amnigu waxay wateen liisas ay ku qornaayeen magacyada iyo sawirrada Xildhibaannada Baarlamaanka. Gelitaanka looma oggolayn si waafaqsan sharci ama habraaca baarlamaanka, balse waxaa lagu go’aaminayey aragti daacadnimo siyaasadeed.
Xubnaha lala xiriiriyey maamullada Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale xildhibaanno mucaarad ah ama madax-bannaan, si ula kac ah ayaa loo bartilmaameedsaday. Gudaha xarunta baarlamaanka xaaladdu way kasii dartay. Booliis ayaa hareereeyey xubnaha. Xuquuqda hadalku ma ku xirnayn xeerarka baarlamaanka, balse waxay ku xirnayd daacadnimada nidaamka talada haya.
Xildhibaannadii keenay diidmo habraaceed waxaa loogu hanjabay ganaaxyo iyo in la saaro. Anigana qudheydu waxaan la kulmay is-hortaag toos ah, waxaana ciidamada amnigu igu xannibeen gudaha hoolka muddo ku dhow laba saacadood.
Tani ma ahayn nidaam baarlamaan. Waxay ahayd cabburin.
Dhacdooyinkani ma aha kuwo gooni ah. Waxay ka tarjumayaan hannaan ballaaran oo isbeddel dastuuri ah lagu riixayo cabsi gelin, laaluush iyo ciriiri siyaasadeed, halkii laga adeegsan lahaa sharci, wadatashi iyo oggolaansho. Hab-dhaqankan ma muujinayo kalsooni ku saabsan dib-u-habayn dastuuri ah; wuxuu muujinayaa cabsi iyo diyaar u ahaansho in xoog lagu beddelo sharciyad.
Soomaaliya h**e ayay u soo martay marxalad sidan oo kale ah, marxalad lagu asteeyey awood dhexe oo xooggan, xukun shaqsiyeed iyo burburinta hay’adaha. Boggaas waa in gebi ahaanba la xiraa. Mustaqbalkeenna laguma dhisi karo ku celcelinta hababkii burburiyey dawladda, balse waxaa lagu dhisi karaa nidaam federaal iyo dimuqraadi ah oo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo oggolaansho dadweyne.
Mowqifkaygu ma aha mid aragti ku salaysan oo keliya. Wuxuu ka yimid waayo-aragnimo nololeed iyo qiime shakhsiyeed oo aan bixiyey. 2017, gurigayga ayaa la weeraray; shan ilaalo ah ayaa lagu dilay xaruntayda, anigana waan dhaawacmay dabadeedna waa la i xiray. 2021, mudaharaad nabadeed ayaa rasaas nool loo adeegsaday, aniga iyo hoggaamiye kale ayaana si gaar ah loo beegsaday.
Sanadihii la soo dhaafay, waxaan wajahday cadaadis joogto ah, hanjabaad, cabsi gelin iyo laaluush, oo ay ku jiraan ballanqaadyo jagooyin siyaasadeed iyo abaal-marin maaliyadeed. Arrimahani igama aysan leexin jidkayga; waxay ii caddeeyeen masuuliyaddayda ah inaan difaaco dastuurka iyo mabaa’di’da dimuqraadiyadda.
Dastuurku ma aha oo keliya dukumeenti sharci. Bulshooyin kala qaybsan, waa heshiiska bulsho ee lagu maareeyo khilaafaadka, lagu xaddido awoodda, laguna suurto geliyo nabadda. Haddii aan la ilaalin dastuurka, dawladdu ma sii ahaanayso mashruuc wadajir ah; waxay isu beddeshaa abaalmarin uu qaato kii xoogga haysta.
Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee Soomaaliya si kama’ ah uma jirin. Wuxuu u jiraa maadaama ay jiraan arrimo qaran oo aasaasi ah oo weli aan xal loo helin,sida qaybsiga awoodda iyo kheyraadka, xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, arrinta Somaliland, afti dadweyne oo aan dhicin, iyo amni darro joogto ah oo ay ka mid yihiin khataraha kooxaha xagjirka ah. Dastuurka waxaa loo dejiyey inuu maareeyo marxalad kala guur ah, ee looma dejin in gebi ahaanba dib loo qoro iyadoo dalku weli kala daadsan yahay.
Sidaas darteed, habraacyada dib-u-eegista dastuurku waxay xoogga saaraan wadajir, is-afgarad iyo taxaddar. Isbeddel dastuuri ah oo hal dhinac laga sameeyo bulsho jilicsan waa mid khatar weyn leh. Ka boodista ilaalintan ma dardar geliso dhismaha dawladnimada, way wiiqdaa.
Awoodda siyaasadeed ee maanta Soomaaliya si ballaaran ayay u kala firdhisan tahay. Marka awooddu sidaas u kala qaybsan tahay, dastuurku wuxuu noqdaa isha ugu weyn ee sharciyadda. Haddii si hal dhinac ah loo beddelo, ma xoojinayo dawladda; wuxuu sii kala fogeeyaa kalsoonida iyo oggolaanshaha.
Waqtigu sidoo kale waa mid halis sii kordhinaya. Muddada Baarlamaanka waxay dhammaanaysaa bartamaha Abriil, halka muddada Madaxweynaha ay dhammaanayso bartamaha May. Kalsoonida dadweynaha way hooseysaa, halka tartanka awoodda iyo kheyraadku sareeyo. Gaabisyo sharciyeed ma xalliyaan khilaafaadka; way sii adkeeyaan.
Difaacidda dastuurku ma aha diidmo isbeddel. Waa shuruudda isbeddel waara. Dhibaatada Soomaaliya ma aha sharci la’aan, balse waa ku dhaqmi la’aanta sharciyada jira. Ma suuragal ahan in si kalsooni leh dib loo qoro dastuur aan la fulin.
Waqtigani wuxuu dalbanayaa masuuliyad. Hoggaanka federaalka, dowlad-goboleedyada, mucaaradka, baarlamaanka, bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka, waa inay ka wada shaqeeyaan xal loo dhan yahay. Sharcinimadu waxay ka timaaddaa wadajir, hufnaan iyo lahaansho guud, ma aha go’aan hal dhinac ah.
Saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamkuna masuuliyad ayay leeyihiin. Taageeradoodu waa inay xoojisaa ixtiraamka dastuurka, ee ma aha inay dhiirrigeliso ku tumashada.
Waxaan difaacayaa dastuurka ma aha sababtoo ah waa mid qumman, balse sababtoo ah waa difaaca ugu dambeeya ee muwaadiniinta marka siyaasadu fashilanto, isla markaana waa xadka ugu xooggan ee lagu xakameeyo awoodda.
Bulsho kala qaybsan, midnimo xoog laguma dhiso. Waxaa lagu dhisaa xeerar wadajir ah oo qof walba aqbalo,xitaa marka natiijadu aysan ku qanacsanayn.
Maanta, difaacidda nidaamka dastuuri ah ee Soomaaliya ma aha fal mucaaradnimo. Waa fal masuuliyadeed, ku wajahan shacabka, hay’adaha, iyo mustaqbalka qaranka.
W/Q: Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame.