Nuxur

Nuxur Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nuxur, Social Media Agency, E, Nairobi.

๐—๐จ๐  ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐จ๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐›๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐šQoraalkan waxaan kusoo koobay qaar kamid ah xogo mu...
11/04/2026

๐—๐จ๐  ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐จ๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐›๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Qoraalkan waxaan kusoo koobay qaar kamid ah xogo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan mashruuca qodista shidaalka Soomaaliya ee uu wado dalka Turkiga.

๐‘ป๐’‚๐’‚๐’“๐’Š๐’Š๐’Œ๐’‰๐’‚๐’‰๐’‚ ๐’Ž๐’–๐’‰๐’Š๐’Š๐’Ž๐’Œ๐’‚ ๐’‚๐’‰
โ€ข7 Maarso 2024: Soomaaliya & Turkiga waxay kala saxiixdeen heshiiska hydrocarbon-ka (shidaal & gaas).
โ€ข Dhammaadka 2024: Markabkii baaritaanka Turkiga Oruรง Reis wuxuu bilaabay sahmin shidaal oo nooceedu yahay 3D seismic, wuxuuna sahminta waday (234 maalin).
โ€ข 15 Febraayo 2026: Markabka qodista qotaha-dheer ร‡aฤŸrฤฑ Bey ayaa usoo dhaqaaqay Soomaaliya.
โ€ข 7 Abriil 2026: ร‡aฤŸrฤฑ Bey wuxuu soo gaaray xeebta caasimadda Soomaaliya si uu u bilaabo qodistii shidaalka ee ugu horreysay.
โ€ข 10 Abriil 2026: waxaa Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweynaayo ร‡aฤŸrฤฑ Bey.

๐‘ฟ๐’๐’ˆ๐’•๐’‚ ๐’„๐’†๐’†๐’๐’Œ๐’‚
โ€ข Magaca ceelka: ceelka shidaal ee uu Turkiga ka qodi doono badda Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa CURAD-1.
โ€ข Aaga ceelka: ceelkan wuxuu xeebta Muqdisho u jiraa qiyaas ahaan 370 km (safar 4โ€“6 saac diyaarad yar ah ama 1โ€“2 maalmood markab)
โ€ข Dhererka ceelka waa 7,500 meter: moolka biyaha (water depth) 3,495 meter iyo 4,005 meter gunta hoose biyaha kadib.

๐‘ฟ๐’๐’ˆ ๐’Œ๐’– ๐’”๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’”๐’‚๐’ ๐’”๐’‰๐’‚๐’’๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’‰๐’‚
โ€ข Tirada shaqaalaha: waxaa la rajeynayaa qayaas ahaan 500 oo shaqaale iney ka qeyb qaataan hawlgalka; oo isugu jiro injineero, joolajistayaal, farsamayaqaana, badmaaxyo iyo shaqaalo kale.
โ€ข Nooca shaqada: waa shaqo 24/7, shaqaalahana waxey isku badali doonaan saacadaha.

๐‘ฟ๐’๐’ˆ ๐’Œ๐’– ๐’”๐’‚๐’‚๐’ƒ๐’”๐’‚๐’ ๐’’๐’๐’…๐’Š๐’”๐’•๐’‚
โ€ข Masuuliyadda: waxaa masuul ka ah mashruucaan TPAO (Turkish Petroleum Corporation)
โ€ข Markabka qodista: ร‡aฤŸrฤฑ Bey โ€“ waa 7th-generation ultra-deepwater drillship. Waxaa la dhameystiray sameyntiisa 2024, waxaana lagu sameeyey dalka South Korea.
โ€ข Awoodda markabka: markabkaan wuxuu awood u leeyahay inuu qodo 12,000 m, halka ceelka Soomaliya laga qodi doono uu yahay kaliya ~7,500 m.

๐‘ฒ๐’‰๐’†๐’š๐’“๐’‚๐’‚๐’…๐’Œ๐’‚ ๐’”๐’‰๐’Š๐’…๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐’ƒ๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘บ๐’๐’๐’Ž๐’‚๐’‚๐’๐’Š๐’š๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐’”๐’‚๐’‚๐’Ž๐’Š ๐’’๐’†๐’š๐’ƒ๐’”๐’Š๐’ˆ๐’‚
โ€ข Soo-celinta kharashka (Cost Recovery): Turkiga waxaa loo ogalaaday inuu helo 90% dakhliga kasoo baxa ceelka; si uu iga soo ceshado qarashkii ka galay sahminta iyo qodista. Halka dalka Soomaaliya uu heli doono kaliya 5% inta ey socoto mudada soo kabashada ah.
โ€ข Badda Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in laga heli karo: 30-40 bilyan oo foosto (barrels) oo shidaal (oil) iyo gaas dabiici ah (gas), laakiin ma ahan xog rasmi ah.

๐‘บ๐’–๐’ˆ๐’ˆ๐’Š๐’…๐’‚ ๐’‚๐’Ž๐’๐’Š๐’ˆ๐’‚, ๐’”๐’‚๐’‰๐’‚๐’š๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐’”๐’‰๐’‚๐’’๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’‰๐’‚
โ€ข Ilaalinta amniga: Ciidamada badda Turkiga ayaa gacan ka geysan doona amniga, iyagoo qaban doona hawla ey kamid yihiin; ilaalinta markabka qodista, ka hortagga khataraha badda, iyo sugidda ammaanka aagga qodista.
โ€ข Maraakiibta amniga: waxaa ka hawlgali doona amniga maraakiibta kala ah TCG Sancaktar, TCG Gรถkova, iyo TCG Bafra
โ€ข Maraakiibta Altan, Korkut, iyo Sancar oo uu Turkigu leeyahay waxay bixin doonaan taageero logistics (gaadiid & sahay) shidaal, qalab, iyo agab kale oo lagama maarmaan ah.

W/Q Axmed Bashir

Ciid wanaagsanIlaahay ha naga abaalmariyo soonkii aan soo gudanay  maanta waxay ku astaysan tahay maalin farxadeed gacan...
20/03/2026

Ciid wanaagsan

Ilaahay ha naga abaalmariyo soonkii aan soo gudanay maanta waxay ku astaysan tahay maalin farxadeed gacanta iyo jeebkaba hala furo.

Ciid wanaagsan

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.-----1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.2-Xildhibaannada waxaa doorana...
05/03/2026

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
-----
1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.

2-Xildhibaannada waxaa dooranaya shacabka.

3-Raโ€™iisul wasaaraha waxaa magacaabaya madaxweynaha.

4-Raโ€™iisul wasaaraha waxaa xilka ka qaadi kara Baarlamaanka.

5-Qofku labo jeer ayuu dalka madaxweyne ka noqon karaa.

6-Da'ada ugu yar ee qofka noqonaya madaxweyne waa 40 sano, da'ada weynaanta lama xadidin.

7-Madaxweynuhu waa inuu yahay Soomaali iska dhal ah. Micnaha qof hooyadii ajinabi tahay madaxweyne k**a noqon karo Soomaaliya.

8-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, labada gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare waxaa ka mamnuuc ah iney yeeshan jinsiyad labaad. Waa iney celiyan jinsiyadda ajinabiga ah markii la doorto ama la magacaabo.

9-Madaxweyne, ra'iisul wasaare, gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare ma noqon karo qof leh xaas ajinabi ah.

10-Maqaamka Muqdisho wuxuu noqonaya gobal caasimad ah, dadka caasimadda degan ayaa dooranaya Golaha deegaanka oo dooranaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo Golaha caasimadda oo iyaguna dooranaya duqa magaalada. Dowladda Federaalka ah ayaa Muqdisho usoo magacaabeysa masuul sare oo maamulaya amniga iyo siyaasadda Muqdisho, halka duqa magaaladu uu masuul ka noqonayo heer maamul.

11-Hadii uu xildhibaanku wasiir noqdo wuxuu luminaya kursiga xildhibaanimada. Qofka badalaya waxaa la waafajinaya xeerka doorashada.

12-Daโ€™ada qaangaarnimada diiniga ah waa 15 sano, daโ€™ada qaangaarnimada masuuliyadda ama xilkasnimada waa 18 sano.

13-Mudo xilleedka rasmiga ah ee Dowladdu waa 5 sano.

14-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo labada gudoomiye Baarlaman waa iney hantidooda guurtada iyo ma guurtada ah u gudbiyan Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka guusha doorashada ama magacaabista kadib.

15-Da'ada xildhibaanka ugu yaraan waa 25 sano, da'ada ugu yar ee wasiirkana waa 30 sano.

Dastuurkan hadii ay xildhibaannadu berri u codeeyaan wuxuu sharciyan dhaqangalaya markii uu madaxweynuhu saxiixo, halka qodobbada heer maamul ay dhaqangalayan 4 bilood ilaa lix bilood gudahood.

Follow iyo share dheh

Suaashu dad badan ay is weydiinayaan  ee ah maxay Iran u weerartay dalalka carbeed? Jawaabtu waa tanUgu h**eyn.Ma ahayn ...
03/03/2026

Suaashu dad badan ay is weydiinayaan ee ah maxay Iran u weerartay dalalka carbeed? Jawaabtu waa tan

Ugu h**eyn.

Ma ahayn waalli.
Mana ahayn khiyaano.
Waxay ahayd istaraatijiyad dagaal.

Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood, waa markii iiraan laga burburiyey nuclearkii ay samaysanaysay Iiraan waxay baratay cashar adag:
gantaaladu hawada kuma baabaโ€™aan โ€” marka h**e waa la arkaa argagax ayey abuuraan.

Haddii ay dalkaaga yaallaan:

Raadaarro digniin-h**e siinaya isr11l.
Nidaamyo qabta gantaalada (interceptors).
Saldhigyo Maraykan ah oo lagu beeray dalal Muslim ah โ€”Taasi ma aha oo kaliya inay martigeliyaan ciidamo Balse waa inay noqdeen indhaha iyo gaashaanka Israaโ€™iil.

Gantaal kasta oo la rido waa la daba-galayaa iyadoo la isticmaalayo hawada carbeed
Meesha uu ku began yahayna waa lala sii wadaagay si Qabashadiisu u sahlanaato.
Marka carabtu waxaa loo adeegsanayaa si loo ilaaliyo yuhuudda.

Markaan, Iiraan k**a bilaabin duqeynta hadafka saxda ah

Waxay ka bilawday indhaha iyo dhagaha
Ma ahayn inay dalalkaas ciqaabto,
balse inay indho-tirto nidaam dhan.

Marka nidaamyada digniintu ku yaallaan dhulkaaga,
dhulkaagu wuxuu noqonayaa qayb ka mid ah goobta dagaalka.

Taasi waa runta aan la rabin in cod dheer lagu sheego.

Tani ma ahayn โ€œIiraan oo weerartay deriskeeda Muslimka ah.โ€
Waxay ahayd Iiraan oo si cad ugu sheegaysa gobolka hal arrin:

Dhexdhexaadnimo ma jirto marba haddii aad sensor ku casuumto dhulkaaga.

Xilligaan dagaalladu kaliya bam-gacmeed laguma qaado.
Waxaa lagu qaadaa raadaarro, xog, iyo aamusnaan.

Markaanna, Iiraan waxay dooratay
inay jebiso aamusnaanta
ka hor inta aysan gantaaladu duulin.

Si qoto dheer u fiiri.
Sababtoo ah waxa u muuqda qalalaase
badanaa waa xisaab iyo qorshe.

share Iyo follow-ba dheh page-ka.

Address

E
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuxur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share