06/04/2026
Waxaa si guul leh inoogu socda workshop-keena Cybersecurity Essentials, kaas oo noqday madal aqooneed muhiim u ah ardayda iyo dhammaan ka qaybgalayaasha.
Workshop-kan wuxuu diiradda saarayaa faham qoto dheer oo ku saabsan ilaalinta xogta, ka hortagga hanjabaadaha cyber-ka, iyo isticmaalka hababka amniga casriga ah si loo xoojiyo badbaadada dhijitaalka.
Ujeeddada workshop-kan waa in uu ka qaybgalayaasha siiyo aqoon wax ku ool ah iyo xirfado casri ah oo ay uga faa’iideysan karaan waxbarashadooda, shaqadooda, iyo isticmaalka maalinlaha ah ee tiknoolajiyadda.