05/06/2026
Wiilkan wuxuu gacmihiisa ku waayay mobile.
"Magaceygu waa Zakariye. Waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dhibka igu dhacay iyo ciddii ii geysatay dhibkaan. Waxaan si naxariis leh idinka codsanayaa inaad fariinteyda dad badan gaarsiisaan si aan caddaalad u helo.
Maalin ayaan booqday xero ciidan oo aan deris nahay, si aan ula soo kaftamo dhalinyarada halkaas ku sugan. Waxaa xerada joogay askar dhalinyaro ah oo aan isku xaafad nahay.
Goobtii ayaan tagay, dhalinyaradii ayaan waqti yar halkaas kula qaatay. Cabaar markii la joogay ayaa askari nala fadhiyay yiri: 'Waxaa la iga xaday taleefankeyga!' Waa la raadiyay taleefankii, ugu dambeyntiina waa la waayay.
Isla markiiba qori ayaa la igu qabtay anigoo meesha fadhiya. 'Sheeg!' ayaa la igu yiri, 'Adiga ayaa qaaday taleefanka.' Waxaan ku iri: 'Ma qaadin, meeshii aan fadhiyay k**a kicin, ee xaggee geynayaa taleefanka?'
La igama aqbalin arrintaas. Si naxariis darro ah ayaa la igu xiray; xarig adag oo fiilo (silig) ah ayaa gacmaheyga iyo lugaheyga la isugu xiray. Waxaa la i dhigay oo la i seexiyay bacadka qorraxda. Muddo sagaal saacadood ah ayaan qorraxda yiilay, bishuna waxay ahayd bisha Maarso oo ahayd bil aad u kulul.
Casirka marka la gaaray, ayaa la iga furay fiiladii igu xirneyd gacmaha. Dhiiggii gacmaha ayaa istaagay, waliba si xad-dhaaf ah ayee u barareen. Waxaa la ii qaaday isbitaalka, balse si fiican la iima daaweynin. Maalmo markaan isbitaalka ku jiray xaaladdii gacmaheyga way kasii dartay. Waxaa la ii qaaday isbitaal dibadda ah, waxaana la ii sheegay in ay dhinteen unugyadii/xubnihii qaar ee gacanteyda. Kadib halkaas ayaa la iga jaray gacan, halka gacantii kalena qalliin la igu sameeyay.
Muddo yar kadib waxaa lasoo ogaaday taleefankii aan gacmaheyga ku waayay ee la igu eedeeyay. Waxaa xaday isla askari iyaga ka mid ahaa oo asxaabtooda ah, kaas oo dib ka soo saaray taleefankii."
Ragi dhibkas ii geestay waan aqaana, balse nasiib xumo dowlad waxbo ima qabanayso . Fadlan garab igu sii in ay fariinteyda meeldheer gaarto”
Xigasho