Bama media

Bama media Bama Media waa warbaahin soo gudbisa wararka, dhacdooyinka, madadaalada, iyo xogaha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo caalamk

23/06/2026
Marka laga reebo Puntland oo muddo ku dhow soddon sano jirta, Galmudug waxay maanta noqotay mid ka mid ah maamullada ugu...
23/06/2026

Marka laga reebo Puntland oo muddo ku dhow soddon sano jirta, Galmudug waxay maanta noqotay mid ka mid ah maamullada ugu horreeya Soomaaliya marka laga hadlayo dhinacyada horumarka, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Guulahaas, Alle ka sokow, waxaa door weyn ku leh Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Maanta, Galmudug waxaa suurtagal ah in baabuur lagu maro inta u dhexeysa Matabaan iyo Gaalkacyo iyadoo aan la dareemayn cabsi amni oo weyn, isla markaana aan loo baahnayn waardiyayaal ama ilaalo gaar ah oo ku wehelisa safarka. Tani waa isbeddel weyn marka loo eego xaaladihii amni iyo kala qaybsanaanta ee deegaannadaasi h**e u soo mareen.

Sidoo kale, Galmudug waxay hirgelisay nidaam canshuureed oo mideysan, waxayna leedahay wasaarado badan oo ku shaqeeya xarumo dowladeed oo casri ah oo si wanaagsan loo dhisay. Waxaa socda mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta iyo dhismaha garoonka diyaaradaha, dhismaha waddooyin laami ah oo casri ah, iyo sameynta marinnada biyaha roobka si looga hortago fatahaadaha xilliyada roobka.

Dhanka kale, maamulka ayaa xoogga saaray dib-u-heshiisiinta bulshada, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga, iyo dhisidda kalsoonida shacabka iyo dowladda. Arrimahan ayaa saldhig u noqday xasilloonida iyo koboca maanta laga dareemayo deegaannada Galmudug.

Xaqiiqdu waxay tahay in Galmudug ay ka soo gudubtay marxalad adag oo ay dadkeedu kala xirnaayeen, deegaan walbana uu maamul u gaar ah sheegan jiray, isla markaana ay adkayd isu socodka iyo wadajirka bulshada. Caqabadahaas waxaa si tartiib tartiib ah looga gudbay dadaal, dulqaad iyo hoggaan joogto ah.

Wax badan ayaa weli dhiman, laakiin lama dafiri karo in Madaxweyne Qoor Qoor uu door muuqda ka qaatay in Galmudug gaarto heerka ay maanta joogto. Waxaa la dhisay saldhig wanaagsan oo lagu sii ambaqaadi karo horumarka, si Galmudug u noqoto maamul xasilloon, horumarsan, isla markaana shacabka u adeega.

GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA DALKA OO KA ARINSADAY FURITAANKA KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA.Muqdisho, Soomaa...
22/06/2026

GUDDOONKA LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA DALKA OO KA ARINSADAY FURITAANKA KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA.

Muqdisho, Soomaaliya - 22 June, 2026: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, waxaana kulanka diiradda lagu saaray katashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.*

Kulanka Guddoonka labada Aqal ayaa looga dooday laguna falanqeeyey muhiimadda ay leedahay dib u furista kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11aad, si uu u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Kulanka ayaa lagu adkeeyey in Baarlamaanku kaalin muhiim ah ku leeyahay horumarinta dowladnimada Soomaaliya, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah iyo ka qayb-qaadashada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Guddoonka ayaa sidoo kale isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad la shaacin doono maalmaha soo socda, kaddib marka la xaqiijiyo diyaar garowga lagama maarmaanka ah iyo helitaanka guntanka ama kooramka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka Labada Aqal ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan oo masuuliyad leh u guto waajibaadkiisa qaran, isla markaana uu dardargeliyo hawlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro kalfadhiga soo socda.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghaye Ku-xigeenka Aqalka Sare BJFS.

Cabsi xamar haddee ka jirto qofka godane u duceynayo meel logu xiran lahaa kkkkkkkk.FG:Xamar dhibaato aan eheen ciyaalka...
22/06/2026

Cabsi xamar haddee ka jirto qofka godane u duceynayo meel logu xiran lahaa kkkkkkkk.

FG:Xamar dhibaato aan eheen ciyaalkaan xunoo wecelada cirka laga soo riday eheen k**a jirto dowlada liidato waa inee arinkaas mid dhab u qaadataa niman waa weyn 20 jiro gacmaha taag taagayo midiyo wataan waxey soo wadaan baa ksii weyn, Timaha in laga xiiro wasaqda magaalada halagu xaaqo waa dad iska macnawi nolol kale xaq uma lahanee.

Jilaaga la dhaho Giancarlo Esposito oo taxanaha Breaking Bad ku jiri jiray wuu soo islaamay. Sida ay warbaahinta oo ay A...
22/06/2026

Jilaaga la dhaho Giancarlo Esposito oo taxanaha Breaking Bad ku jiri jiray wuu soo islaamay. Sida ay warbaahinta oo ay Al-Jazeera ugu h**eyso qoreyso.

Masha Allah. Awal h**e ayuu ahaa shaqsiyad qiimo badan, maantana walaalkeena ayuu noqday.

Sawirka hoose ee dadka tukanaya ayuu ku dhex jiraa.

Maalin wanaagsan.

Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa tilmaamaysa in Israel ay h**e u geysay koox yar oo ciidamo ah Somaliland bilih...
22/06/2026

Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa tilmaamaysa in Israel ay h**e u geysay koox yar oo ciidamo ah Somaliland bilihii la soo dhaafay, kadib markii ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii December, isla markaana ay u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Hargeysa.

Sida warbixintu sheegtay, ilo sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku andacooday in ku dhawaad 50 askari oo Israel ah loo diray Somaliland, kuwaas oo la sheegay in si gaar ah loo soo xulay, qaarna ay ka soo jeedaan qowmiyado Afrikaan ah si aysan u soo jiidan dareen badan bulshada deegaanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Israel ay h**e u lahayd xiriir amni oo qarsoodi ah oo ay la yeelatay Somaliland, isla markaana hadda ay doonayso in iskaashigaas loo beddelo mid muuqda oo sii ballaaran.

Dhanka kale, wasiirka difaaca Somaliland ayaa beeniyay jiritaanka saldhig milatari oo Israel leedahay gudaha Somaliland, balse wuxuu qiray in ay jirto iskaashi tababar iyo taageero amni oo ay ka helaan Israel.

Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaamaysa in Somaliland laga yaabo inay noqoto meel istiraatiiji ah oo Israel u adeegsan karto dhaqdhaqaaqyo militari iyo marin hawadeed, gaar ahaan marka la eego xiisadaha gobolka iyo dagaallada Iran.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo walaac siyaasadeed oo ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto xiriirka Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika, iyo loollanka quwadaha caalamiga ah.

DEG;DEG Wadadalkii oo fashil kusoo dhamaday qoor qoor ku dhagay inuusan kasoo bixin Madaxtooyada uu sharci darada ku joo...
22/06/2026

DEG;DEG Wadadalkii oo fashil kusoo dhamaday qoor qoor ku dhagay inuusan kasoo bixin Madaxtooyada uu sharci darada ku joogay isaga oo leh waan tartamaya.

Sidoo kale waxaa baaqday RW Xamse cabdi barre oo la rabay inuu tago dhusmareeb sidoo kale Saaka waxaa Xamar kusoo laabanaya Mahad salad oo kusoo fashilmay inuu xal ka keeno qoor qoor uu isagu markii h**e soo nooleyay oo rajo galiyay.

Haddaba dowladu talaabada ey qaadi doonto miyaan dhihi doona iyada gardaran.?
Mise lafta-gareen waxaa ka fiican qoor qoor .?

Address

Mogadishu
Banadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bama media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share