25/05/2026
Sawiro Drone:
Waxaa si heer sare ah u qabsoomay xafladda dhaabuur xirashada fasalka 12aad ee Galbeed Primary and Secondary School. 💙📚
Ardayda maanta qalin jebinaysa waxay soo mareen dadaal, sabir iyo juhdi badan si ay u gaaraan heerkan muhiimka ah. Waa maalin lagu faano guulahooda iyo mustaqbalka ifaya ee hortooda yaalla. 🌟
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka iskuulka oo door weyn ka qaatay guushan qiimaha badan.
Aaran Studio
Dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Koonfurgalbeed