Zeey Media

Zeey Media camera women🫰🌸

1M i.a

Xisbiga sinaanta iyo cadaalada oo maalin labaadkii   qabtay shaqo ololo ah oo aad u qurux badan bulshada reer Baydhabo a...
06/05/2026

Xisbiga sinaanta iyo cadaalada oo maalin labaadkii qabtay shaqo ololo ah oo aad u qurux badan bulshada reer Baydhabo ayaa aad ugu taageerey sida wacan ee xisbiga u dhaqdhaqaaqayo ayagoo u muujiyeen soo dhoweyn

bulshada qaar ka mida ay ahaayeen kuwa aad ugu xamaasadaysan howsha Xisbiga sinaanta iyo cadaalada ee SINCAD



Xisbiga SINCAD oo Cududdiisa iyo Taageerada Shacabka oo maanta ku soo Bandhigay Ololihii ugu Ballarnaa Koonfur Galbeed S...
05/05/2026

Xisbiga SINCAD oo Cududdiisa iyo Taageerada Shacabka oo maanta ku soo Bandhigay Ololihii ugu Ballarnaa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxay maanta martigelisay mid ka mid ah isku-soo-baxyadii ugu xoogganaa abid ka dib markii howl-wadeenadda Olalaha
Xisbiga SINCAD ay isugu soo baxeen jidadka iyo fagaarayaasha halbowlaha u ah caasimadda kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Ololahan oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa lagu soo bandhigay nidaam iyo kala-dambayn muujinaya bisaylka siyaasadeed ee xisbiga.

Waxaa safafka h**e kaga jiray dhalinyaro, aqoonyahanno, iyo qaybaha bulshada oo ku dhawaaqayay halku-dhegyo ay ku dalbanayaan

Sinaan, Caddaalad, Hiigsi iyo Horumar waara.

Goobaha ay kooxaha ololuhu tageen, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay shacabka reer Baydhabo oo muujiyay inay u oomman yihiin isbeddel dhab ah oo ka fog eex iyo dib-u-dhac.

Hoggaanka xisbiga ayaa farriin mahad-celin ah u diray bulshada, iyagoo xasuusiyay in codkoodu yahay furaha kaliya ee lagu gaari karo mustaqbal ifaya.

Nuxurka Farriinta:

Maanta ma ahayn uun olole xisbi, waxay ahayd dareen shacab iyo dhaqdhaqaaq bulsho oo muujiyay in isbeddelku uu ka bilaabanayo midnimadeenna.

Dhaqdhaqaaqan maanta ka dhacay Baydhabo ayaa loo arkaa fariin xooggan oo ku aaddan tartanka loogu jiro hoggaanka sare ee Koonfur Galbeed, iyadoo Xisbiga SINCAD uu u muuqdo mid kasbaday qalbiyada dhalinyarada iyo aqoonyahanada gobolka.




Olalaha xisbigga SINCAD iyo wax qabadka ay u hayaan bulshada
25/04/2026

Olalaha xisbigga SINCAD iyo wax qabadka ay u hayaan bulshada



  Musharaxa Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdifatah Mohammed Ibrahim Geesey Oo maanta Booqday Xarunta Kaar qaad...
25/04/2026

Musharaxa Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdifatah Mohammed Ibrahim Geesey Oo maanta Booqday Xarunta Kaar qaadashadda Ee Dhifishinka halkaas oo isaga iyo Qaar Ka tirsan Xisbiga SINCAD Ka qaatayn Kaar kooda Codaynta.

Tani waxay Muujinaysaa dardargelinta Dowladnimo iyo aqbalidda Dastuurka lagu Heshiiyay.

Kadib qaadashadda Kaarka Codbixinta Musharaxa Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdifatah Mohamed Ibrahim wuxuu ku dhiirogeliyay Dhammaan Bulsha weynta Qaadatay Kaarka Codbixinta in ay Dhiibtaan Codkooda kaasoo Xaquuq u siinaya Qaanuunka lagu Heshiiyay ee Baarlamaanka Soomaaliya Ansaxiyeen


Xaflada musharax madaxweyne kgs mudane Abdulfatah mohamed ibrahim (geesey)
23/04/2026

Xaflada musharax madaxweyne kgs mudane Abdulfatah mohamed ibrahim (geesey)




Mid kamida masuuliyiinta magaalada kgs
23/04/2026

Mid kamida masuuliyiinta magaalada kgs

Gudoomiyaha xisbiga sincad Eng Maxamud KhalifIyo masuuliyiin ka tirsan ayaa xaflada ka soo qeyb galay
23/04/2026

Gudoomiyaha xisbiga sincad Eng Maxamud Khalif
Iyo masuuliyiin ka tirsan ayaa xaflada ka soo qeyb galay


Waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacday munaasabad balaaran oo musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku shaac...
23/04/2026

Waxaa Magaalada Baydhabo ka dhacday munaasabad balaaran oo musharaxnimada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku shaacinayay Cabdifataax Ibraahim Maxamed ( Geesay) kaas oo ka tartamaya xisbigga SINCAD.

Munaasabaadaan oo ka dhacday Danbar Baydhab waxaa kasoo qayb-gallay boqolaal qof oo isugu jira madaxda xisbigga, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu h**eyn madaxda xisbigga ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa bulshada usoo bandhigay aragtidda siyaasadeed ee xisbigga iyo mida musharax Cabdifataax Maxamed Geesay.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ayaa boggaadiyay xisbigga SINCAD, waxay sidoo kale amaan u jeediyeen musharax Cabdifataax Geesay kaalintiisa la xiriirta waxqabadkii uu ka gaystay Koonfur Galbeed mudadii uu xilalka kala duwan hayay.

Xoghayaha guud ee Xisbigga Cabdifataax Xasan Afraz ayaa sheegay in Xisbigga SINCAD uu reer Baydhabo saaxiib la yahay, wuxuu xusay in musharax Geesay uu ku yimid rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed, codkooda uu madaxweyne ku noqonayo.

Gudoomiyaha Xisbigga SINCAD Eng Maxamuud Khaliif Jabiye oo hadlay ayaa sheegay in xisbigga SINCAD uu waayo-aragnimo u leeyahay arimaha doorashada. wuxuu sheegay in Musharax Geesay iyo reer Koonfur Galbeed, ay yihiin dad is yaqaan. shacabka ayuu ugu baaqay inay codkooda kula soo baxaan dad matali-kara.

Musharax Madaxweyne Cabdifataax Geesay ayaa khudbad dheer jeediyay wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono baahiyaha bulshada reer Koonfur Galbeed, Midnimada iyo xoojinta wadajirka amnigga, wuxu ka hadlay xaaladaha ka taagan Koonfur Galbeed gaar ahaan arimaha siyaasadda isaggoo sheegay inuu saxayo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Address

Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zeey Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share