Aragti Media

Aragti Media Warar, aragtiyo iyo codka bulshada — xaqiiqo, hufnaan iyo horumar.

01/09/2026

Boorama

31/08/2026

Beesha Bahahar muuse ayaa siidaysay maxaabiis beesha Ciisa ah oo lagu qabtay dagalaadii xeebaha galbeed ee Somaliland .

WAR DEGDEG AH | DAGAAL KA SOCDA DEEGAANKA OSOLIWararka naga soo gaadhaya deegaanka Osoli ee galbeedka Somaliland, gobolk...
23/08/2026

WAR DEGDEG AH | DAGAAL KA SOCDA DEEGAANKA OSOLI

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Osoli ee galbeedka Somaliland, gobolka Awdal, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan dhinacyada dagaallamaya iyo khasaaraha ka dhashay. Ilaa hadda ma jiraan xog rasmi ah oo dhammaystiran oo xaqiijinaysa tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Aragti Media waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii warar cusub iyo xog la xaqiijiyey ah ee kasoo kordha.

Ilaahay nabad ha ku soo dabaalo shacabka iyo guud ahaan deegaannada galbeedka Somaliland.

Aragti Media

22/08/2026

WAR DEGDEG AH | XIISAD CULUS OO KA TAAGAN GALBEEDKA SOMALILAND

Wararka naga soo gaadhaya galbeedka Somaliland, gaar ahaan qaybo ka mid ah gobollada Awdal iyo Salal, ayaa sheegaya xaalad amni oo aad u kacsan iyo dagaallo ka socda deegaanno ka tirsan xuduudaha galbeedka.

Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa xaaladda ku tilmaamay duullaan iyo faragelin dibadeed oo lagu soo qaaday Somaliland, iyagoo sheegay in bartilmaameedku yahay amniga iyo xasilloonida gobollada galbeedka dalka.

Wixii warar cusub iyo xog la xaqiijiyey ah, Aragti Media way idinla wadaagi doontaa.

Aragti Media — Xaqiiqo • Hufnaan • Horumar

24/07/2026

Boqor Buurmadow: “Haddii Hargeysa caasimadda Soomaaliya laga dhigo, beesha Isaaq waxay diyaar u tahay midnimo Soomaaliyeed.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in beesha Isaaq ay diyaar u noqon karto inay dib uga mid noqoto Soomaaliya, haddii caasimadda dalka laga soo raro Muqdisho oo laga dhigo magaalada Hargeysa.

Boqor Buurmadow ayaa hadalkan ku xidhay in beesha Isaaq ay hesho hoggaanka iyo maqaamka caasimadda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in arrintaasi abuuri karto waddo cusub oo dib loogu wada hadlo midnimada Soomaalida.

22/06/2026

Madaxweyne h**e Daahir Rayaale Kaahin iyo haddalo dhaxal gal ah .

10/06/2026

Boorama oo rooban . Maashaa allaah

08/06/2026

Saaka waa soo dhaweyntii Suldaan Abiibakar Elmi Waber . Reer Boorama diyaar matihiin ?

Bahda Awdal Voice waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, ciidanka Asluubta iyo guud ahaan shaca...
02/06/2026

Bahda Awdal Voice waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, ciidanka Asluubta iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Gaashaanle Sare Siciid Xuseen Caynaan (San Yare), Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Awdal.

Marxuumku wuxuu ahaa sarkaal qaran oo lagu xasuusan doono hawlkarnimo, dadnimo, iyo adeegii uu u hayay bulshada iyo qaranka. Waxa uu ka tegay taariikh wanaagsan iyo xusuus mug leh oo qalbiyada dadka ku noolaan doonta.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu janatul firdowsa ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, saaxiibbadiisii iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Awdal Voice
Codka Bulshada, Codka Runta.

01/06/2026

Muqdisho magaalo Hawiye miyaa ?

Address

25263
Borama
25263

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aragti Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Aragti Media:

Shortcuts

Share

Category