08/10/2026
Waxaan walaac weyn ka qabaa warka sheegaya in Prof. Maxamuud Warsame Ruush laga joojiyey shaqadii Jaamacadda Camuud sababo la xidhiidha aragtiyihiisa iyo ka hadalka tabashooyinka bulshada. Haddii arrintaasi xaqiiqo tahay, waxaan si adag u cambaaraynayaa tallaabadaas.
Aqoonyahanka laguma ciqaabi karo inuu dareenka dadkiisa cabbiro ama uu dhaliilo wax uu u arko khalad. Shaqada macallinka oo lagu xidho aamusnaantiisu waxay dhaawacaysaa karaamada aqoonta, madaxbannaanida jaamacadda iyo kalsoonida bulshada.
Camuud waxay bulshada ugu fadhidaa qiime ka weyn maamul iyo dano siyaasadeed oo isbeddela. Sumcaddeeda waa in lagu ilaaliyaa caddaalad, dood furan iyo ixtiraamka aragtiyaha kala duwan. Jaamacaddu sidee ayay u kobcin kartaa fikirka ardayga haddii macallinku ka baqayo inuu fikirkiisa cabbiro?
Waxaan maamulka Jaamacadda Camuud ka dalbanayaa inuu si cad uga jawaabo warkan, bulshada u sharraxo sababta go’aanka la sheegay, Prof. Ruushna la siiyo fursad caddaalad ah oo uu ku difaaco mowqifkiisa. Haddii shaqada looga joojiyey aragtidiisa oo keliya, waa in go’aankaas laga noqdaa.
Camuud sharafteedu waxay ku jirtaa inay aqoonta iyo xorriyadda fikirka difaacdo. Aamusnaan lagu khasbo aqoonyahanku sharaf uma kordhiso!