24/08/2026
Qisadan dhabta ah waxay ku saabsan tahay Hadden Clark, oo ahaa nin u shaqayn jiray kuug (cunto kariye) balse qabay xanuun iyo dabeecad bahalnimo ah oo aad u argagax badan.
Sannadkii 1986-kii, Hadden wuxuu gurigiisa ku dhex dilay gabadh yar oo 6-jir ahayd oo la odhan jiray Michelle Dorr. Halkii uu meydkeeda qarin lahaa oo kaliya, wuxuu sameeyay fal naxdin leh: wuxuu ku dhiiraday inuu hilibka gabadha yar jaro, ka dibna uu karsado oo uu cuno. Markii uu falkaas naxdinta leh dhammaystay, ayuu intii meydka ka hartay u qaaday meel duur ah oo ku taal gobolka Maryland halkaasna ku aasay.
Lix sano ka dib, sannadkii 1992-dii, wuxuu haddana dilay gabadh 23-jir ah oo la yiraahdo Laura Houghteling oo uu u ahaa beerta-ka-shaqeeyaha guriga hooyadeed, meydkeedana wuxuu ku aasay aag kaymo ah.
Runta waxay soo baxday markii boolisku ay qolka Laura ka heleen faro-suulkiisa oo dhiig leh, taas oo keentay in la qabto. Isagoo xabsiga ku jira, wuxuu maxbus kale u sheegay sirahiisa madow, wuxuuna si furan u qirtay inuu Michelle Dorr hilibkeeda cunay ka hor intaanu aasin.
Hadden wuxuu booliska u horseeday meelihii uu ku aasay meydadka labadaas gabadhood, maxkamadduna waxay ku xukuntay xabsi daa'im dhowr ah oo uu ilaa maanta ku dhex jiro.