21/12/2023
QISO FAA’IDO LEH
Waxa jiray aabe buug akhrinayey daarada gurigiisa, waxa wareeriyey wiil yar oo uu dhalay isagu oo uu ka akhrin kari waayey waxa uu wiilku ku ciyaarayey aabihi kadib abihii ayaa fikir kadib waxa uu is idhi sideed iskaga dirtay wiilka yar waxa uu abihii so qaaday jaraa’id map ka (khariirada) aduunku ku sawirantay waanu jeexjeexay kadib wuxu ku idhi orod isku soo hagaaji map ka.
Kadib wiilki yara isaga oo an waxbadan abihii ka maqneen ayuu kusoo noqdey oo uu dhahay wakan wan dhameeyey aabihi ayaa yaabay oo yidhi sideed kusoo dhamaysay wayba adagtahe. Wiilkii yara oon is dhibin ayaa yidhi aabo khariirada halkeeda danbe waxa ku sawirna qof wajigii kadib isagii ayaan isku hagaajiyey kadip map kii aduunka ayaa isku hagaagay.
Dulucda sheekadu wa
“Hadii qofka shaqsiyadiisa la dhiso wa hubaal in uu aduunku dhismayo”
🗣 sheikh mustafe xaaji ismaciil haruun