War-shiil Tv

War-shiil Tv War-shiil Tv waxa aad kala soconaysaan warar hufan, Barnaamijyo, dhacdooyinka Dunida, arrimaha Bulsha

12/04/2026

Wiil Aabihii Diidey inuu Daynta ka bixiyo oo Hooyadiina fariin qalbi taabada ayay bulshada u Dirtey

https://www.facebook.com/share/p/1CeG71ezYo/
06/04/2026

https://www.facebook.com/share/p/1CeG71ezYo/

Danyarta Burco oo ka digaya Quus iyo Rajo-xumo ka dhalatay sicir-bararka

Ganacsatada Suuqa weyn ee Burco ayaa banaanbax wey isugu baxay, iyagoo ka cabanaya sicir-bararka, korodhka maciishada, iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee bulshada danyarta.

Waxay sheegeen in Shilinka Somaliland uu lumiyay qiimaha wax kala iibsiga, iyadoo 110 Dolar uu gaadhay Milyan 237,000 oo shilin, taasoo ka dhigaysa in wax kasta lagu bixiyo Dollar, sida biyaha, raashinka, waxbarashada iyo shidaalka.

Litirka Shidaalka ah ayaa gaadhay 14,000 oo shilin, taasoo keentay in adeegyada iyo gaadiidka ay hakad ku yimaadaan.

Ganacsatadu waxay digniin u direen Madaxweynaha JSL, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto sicir-bararka ka hor inta aanu keenin khatar nololeed oo ka dhalata guryaha iyo bulshada dhexdeeda, taaso ay xuseen in bulshada qaar Geeri iyo nolol u dhaxeeyaan.

Banaanbaxayaashu waxay fariin murugo iyo dhiilo xambaarsan u direen Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto sicir-bararka iyo xaaladda nololeed ee sii xumaanaysa.

Waxaaney yidhaadheen."Suuligii iyo Xamaamkii la galeyay ayaa la kordhiyay, kadib markii ay yidhaahdeen booyadihii biyaha ayaa qaali noqday, koobkii shaaha ahaa ayaa nagu kacay, baabuurtii ayaa nagu kacday, madaxweynaha waxaan leeyahay dadkaagu yaanu kugu hoos bakhtiyin, ee waxna dhageyso waxna maqal, hadalna, oo sicir-bararka go'an naga soo gaadh.

Shidaalku saaka 14 kun oo shilin ayuu nagu maraya, anigu tig ayaan wata, halkaasi ayay taagan tahay marka rakaabkii waxba ka soo bixi waayeen shalay marbaan is idhi ma gubta, kaidb markii aan litirkii shidaalka ahaa u waayay.

Toddobaadkan, toddobaadka ka danbeeya haddii aan waxba laga bedelin haddii aan dad geeriyoodey guryaha laga soo saarin madaxweyne hanala soo gaadho, hala soo gaadho, ayaanu leenahay.

Ciidanka idin ilaaliya ee Qaranka waxaad wax ku siisaan waa Shilinka JSL, Laanta aad siisaan qoysaskoodii waxba wey ugoyn weyday, waaney ku bakhtiyeen."

https://www.facebook.com/share/p/1AsXt6dPVT/
01/04/2026

https://www.facebook.com/share/p/1AsXt6dPVT/

WARBIXIN : Sicir-barar, Quus Bulsho iyo Mustaqbal Madoow Waa Xaaladda Dhaqaale ee Somaliland

Sicir-bararka xadhkaha goostay iyo sarif-bararka is-barkan ayaa maanta noqday laba isbiirsaday oo si toos ah u wiiqaya laf-dhabarta nolosha.

Marka lacagtii Shilinka Somaliland ay si xawli ah u qiimo dhacdo, halka doollarku noqdo halbeegga wax kasta lagu cabbiro, waxa meesha ka baxaya kalsoonidii dadku ku qabeen lacagtooda.

Taasi ma aha oo kaliya arrin dhaqaale waa arrin nafsaani ah oo saameynaysa sida dadku u arkaan mustaqbalkooda.

Maanta, adeeg kasta oo muhiim ah laydh, biyo, waxbarasho, caafimaad iyo xitaa cuntada maalinlaha ah waxaa lagu qiimeeyaa doollar.

Taasi waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo dakhligiisu ku xaddidan yahay Shilinka Somaliland uu si joogto ah u dareemayo inuu ka hadhayo tartanka nolosha.

Qiimaha $100 oo gaadhay heer aad u sarreeya marka loo eego shilinka ayaa noqday calaamad muujinaysa sida miisaanka dhaqaaluhu u leexday.

Waxaanu 100-ka Dollar maraya Milyen iyo sodon kun oo Shilinka Somaliland.

Dhinaca kale, aamusnaanta ama gaabiska xukuumadda ee wax ka qabashada xaaladdan waxay sii kordhinaysaa dareenka quusta.

Ballanqaadyadii ololaha ee la xidhiidhay xakamaynta sicir-bararka iyo sarifka haddii aanay noqon kuwo la taaban karo, waxay isu beddelaan niyad jab guud.

Marka hay’adihii masuulka ka ahaa ilaalinta dhaqaalaha aaanay muuqan ama tallaabo muuqata qaadin, dadku waxay bilaabaan inay dareemaan in ay keligood yihiin.

Saamaynta ugu daran waxay ku dhacday ganacsiyada yaryar, kuwaas oo ahaa laf-dhabarta dhaqaalaha hoose.

Markay xidhmaan, ma aha oo kaliya in ganacsade uu khasaaro, balse qoys dhan ayaa dhaqaale ahaan burbura.

Huteello xidhmaya, shaqooyin luma, iyo guryo dabku ka damayo waa silsilad isku xidhan oo muujinaysa burbur hoose oo sii fidaya.

Qiimaha shidaalka oo cirka isku shareeraya wuxuu sii kordhinayaa culayska, maadaama uu si toos ah u saameeyo gaadiidka, cuntada, iyo dhammaan adeegyada kale.

Noloshu waxay noqotay mid qaali ah, halka dakhliga intiisa badan uusan la socon.

Mid ka mid ah calaamadaha ugu murugada badan waa dhalinyarada, markay arkaan waddooyin xidhan iyo rajo la’aan, waxay doortaan halis tahriib.

Go’aankaas ma aha mid fudud, waa mid ka dhashay cadaadis, rajo beel iyo dareen ah wax ka xun ma jiri karo, halkaas waxaa ka muuqata heerka ay gaadhay quusta bulshada.

Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, waxaa sii kordhaya kala fogaanshaha dhaqaale ee u dhexeeya taajiriinta iyo masaakiinta, iyadoo kalsoonidii nidaamka maaliyadeed ay si tartiib ah u burburayso.

Shaqo la’aantu way sii fidaysaa, dhalinyaraduna waxay u sii jeesanayaan tahriib iyo isku-buuq, taas oo ugu dambayn horseedi karta xasillooni darro bulsho, balse weli mustaqbalku ma aha mid gebi ahaanba madow.

Xalka wuxuu u baahan yahay tallaabooyin cad oo degdeg ah xakamaynta sarifka, dhiirrigelinta isticmaalka shilinka, la socodka qiimaha suuqyada iyo taageeridda ganacsiyada yaryar.

Tan ugu muhiimsan waa in la abuuro kalsooni maxaa yeelay dhaqaale kasta wuxuu ku dhisan yahay kalsoonida dadka.

Su’aasha dhabta ahi ma aha oo kaliya Maxaa dhacaya hadda, balse waa yaa qaadaya masuuliyadda, goormase la bilaabayaa ficil dhab ah?

https://www.facebook.com/share/p/1DZA1YwGxe/
01/04/2026

https://www.facebook.com/share/p/1DZA1YwGxe/

Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Lumiyay Kalsoonidii Shacabka iyo Quusta Soo Korodhay

Xisbiyada qaranku waa laf-dhabarta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dal kasta.

Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta isla xisaabtanka, saxidda khaladaadka xukuumadda iyo iftiiminta meelaha ay dawladdu ka gaabiso.

Gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah, waxa laga filayaa inay noqdaan codka shacabka kuwa difaaca danaha dadka, isla markaana matala kuwa aan si toos ah u gaadhi karin xarumaha go’aan-qaadashada.

Marka mucaaridku si dhab ah u shaqeeyo, waxa uu bulshada u noqdaa indho iyo dhego feejigan.

Waxa uu soo bandhigaa xaqiiqda jirta, waxa uu cadaadis saaraya xukuumadda, waxa uuna soo jeediyaa xalal wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nolosha bulshada.

Sidoo kale, waxa uu u hiiliyaa dadka nugul, isaga oo codkooda gaadhsiinaya hay’adaha ay khusayso.

Hase yeeshee, xaaladda maanta ka jirta Somaliland ayaa muujinaysa sawir gebi ahaanba ka duwan kaalintaas muhiimka ah.

Saddexda xisbi qaran ee dalka KULMIYE, KAAH iyo WADDANI, ayaa u muuqda kuwo si weyn uga leexday masuuliyaddii laga filayay.

Waxa ay lumiyeen hantidii ugu weynayd ee ay lahaayeen, taas oo ah kalsoonidii iyo taageeradii shacabka.

Kalsoonidaas oo ahayd tiirka ay ku taagnaayeen xisbiyadu, ayaa maanta si tartiib tartiib ah u sii luntay, iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaysa.

Xisbiyadu waxay u muuqdaan kuwo ka fog bulshada ay matalaan, iyaga oo aan ka hadlin xaaladaha adag ee dadku wajahayo.

Bulshada reer Somaliland waxay maanta la tacaalayaan dhibaatooyin is biirsaday dad la xidhay, dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo culaysyo dhaqaale oo isa soo taraya. Sicir-bararka iyo sarif-bararka ayaa si weyn u saameeyay nolosha dadka, iyadoo qiimaha maciishaddu si joogto ah kor ugu kacayo.

Dad badan ayaa ku nool xaalad adag, balse xisbiyadii laga sugayay inay arrimahan ka hadlaan oo xal u raadiyaan ayaa u muuqda kuwo aamusan.

Tan iyo markii ay heleen codkii kalsoonida ee shacabka ee kursiga geeyay, ma muuqato dadaal muuqda oo ay xisbiyadu ku muujinayaan inay si dhab ah ula socdaan xaaladaha dalka.

Taasi waxay dhalisay su’aal weyn goorma ayay xisbiyadu xasuustaan shacabka ma marka ay codka ka doonayaan oo keliya?

Marka xisbiyadu lumiyaan hantidooda ugu weyn, oo ah bulshada, waxa mugdi galaya mustaqbalkooda siyaasadeed.

Taageerada shacabka waa aasaaska jiritaanka xisbi kasta, haddii taas la waayana waxa adkaanaysa in uu sii jiro ama la kasbado kalsooni cusub.

Isbeddelkan ayaa yimid xilli ay bulshadu wajahday culaysyo nololeed oo aad u adag.

Dadku waxay filayeen in xisbiyadu noqdaan xoog cadaadis saaraya xukuumadda, isla markaana keenaya aragtiyo iyo xalal wax ku ool ah, hase yeeshee, waxa muuqata aamusnaan iyo ka-fogaansho, taas oo sii xoojisay niyad-jabka bulshada.

Dhinaca kale, xaaladaha amni iyo dagaallada soo noqnoqda ayaa sii murgiyay duruufaha nololeed, iyadoo xaaladdu sidaas tahay, xisbiyadu waxa ay u muuqdaan kuwo aan si dhow ula socon xaaladda dhabta ah ee shacabka, ama ka fog dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ay la kulmaan.

Arrimahan oo dhan waxay horseedeen quus iyo niyad-jab si weyn ugu faaftay bulshada.

Dad badan ayaa maanta dareemaya in ay ka waayeen xisbiyadii ay ka filayeen inay difaacaan, la xisaabtamaan xukuumadda iyo ganacsatada, isla markaana ka shaqeeyaan hagaajinta nolosha bulshada.

Gaba-gabaddii, bulshada reer Somaliland weli rajo ayay qabaan, waxay rajaynayaan in mustaqbalka ay soo baxaan xisbiyo si dhab ah u fahma kaalintooda xisbiyo u hiiliya shacabka, ka shaqeeya danta guud, isla markaana dib u soo celiya kalsoonidii lumay.

Taasi waa jidka keliya ee lagu soo celin karo rajada iyo kalsoonida shacabka.

Xisbiyada qaranka Somaliland ayaa si muuqata u lumiyay hantidoodii ugu weynayd kalsoonidii shacabka, kadib markii ay ka gaabiyeen doorkoodii ahaa difaaca bulshada, la xisaabtanka xukuumadda iyo ka hadalka dhibaatooyinka jira sida sicir-bararka, amniga iyo nolosha adag.

https://www.facebook.com/share/p/1DwTmXz3W7/
31/03/2026

https://www.facebook.com/share/p/1DwTmXz3W7/

BAAQ NABADEED OO LOO DIREY BEELAHA KU DAGAALAMAYA AWDAL IYO SELEL

Baaq nabadeed ayaa loo diray beelaha walaalaha ah ee ku diriraya Awdal iyo Selel, iyadoo loogu baaqay inay joojiyaan colaadda, qorigana dhigaan, ayna qaataan nabadda.

Waxaan si walaaltinimo leh ugu baaqeynaa dhinacyada ku dagaalamaya gobolladaas inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka, qorigana dhigaan, kana fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaadda.

Dhiigga daadanaya waa mid aan cidna faa’iido u lahayn, balse dhaawacaya wadajirka iyo mustaqbalka bulshada.

Sidoo kale, waxaan ku boorrineynaa in khilaafaadka jira lagu xaliyo wadahadal, is-afgarad iyo is-ixtiraam, maadaama wada hadalku yahay dariiqa kaliya ee horseedi kara xal waara oo lagu wada qanacsan yahay.

Waxaan si gaar ah ugu baaqeynaa hoggaamiyaasha dhaqanka, odoyaasha, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay qaataan doorkooda muhiimka ah ee nabadeynta, kana shaqeeyaan joojinta colaadda iyo badbaadinta nolosha dadka shacabka ah.

Intaa waxaa dheer, waxaan mar kale si gaar ah ugu baaqeynaa waxgaradka Beelaha Harti iyo odoyaasha labada dhinac inay u istaagaan si daacadnimo leh joojinta dagaalka, islamarkaana wax walba u huraan sidii loo heli lahaa xal nabadeed.

Gaba-gabaddii waxaan ku dhiirri-gelinaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha ka jira gobolka Sool inay si mideysan uga shaqeeyaan nabad waarta, si loo ilaaliyo walaaltinimada, loona dhiso mustaqbal ka wanaagsan midka maanta jira.

Nabadu waa nolosha, colaadduna waa burbur, doorashadana waxay ku jirtaa gacmihiinna.

Address

Sha'ab Area
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when War-shiil Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share