01/04/2026
https://www.facebook.com/share/p/1DZA1YwGxe/
Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Lumiyay Kalsoonidii Shacabka iyo Quusta Soo Korodhay
Xisbiyada qaranku waa laf-dhabarta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dal kasta.
Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta isla xisaabtanka, saxidda khaladaadka xukuumadda iyo iftiiminta meelaha ay dawladdu ka gaabiso.
Gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah, waxa laga filayaa inay noqdaan codka shacabka kuwa difaaca danaha dadka, isla markaana matala kuwa aan si toos ah u gaadhi karin xarumaha go’aan-qaadashada.
Marka mucaaridku si dhab ah u shaqeeyo, waxa uu bulshada u noqdaa indho iyo dhego feejigan.
Waxa uu soo bandhigaa xaqiiqda jirta, waxa uu cadaadis saaraya xukuumadda, waxa uuna soo jeediyaa xalal wax ku ool ah oo lagu horumarin karo nolosha bulshada.
Sidoo kale, waxa uu u hiiliyaa dadka nugul, isaga oo codkooda gaadhsiinaya hay’adaha ay khusayso.
Hase yeeshee, xaaladda maanta ka jirta Somaliland ayaa muujinaysa sawir gebi ahaanba ka duwan kaalintaas muhiimka ah.
Saddexda xisbi qaran ee dalka KULMIYE, KAAH iyo WADDANI, ayaa u muuqda kuwo si weyn uga leexday masuuliyaddii laga filayay.
Waxa ay lumiyeen hantidii ugu weynayd ee ay lahaayeen, taas oo ah kalsoonidii iyo taageeradii shacabka.
Kalsoonidaas oo ahayd tiirka ay ku taagnaayeen xisbiyadu, ayaa maanta si tartiib tartiib ah u sii luntay, iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaysa.
Xisbiyadu waxay u muuqdaan kuwo ka fog bulshada ay matalaan, iyaga oo aan ka hadlin xaaladaha adag ee dadku wajahayo.
Bulshada reer Somaliland waxay maanta la tacaalayaan dhibaatooyin is biirsaday dad la xidhay, dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo culaysyo dhaqaale oo isa soo taraya. Sicir-bararka iyo sarif-bararka ayaa si weyn u saameeyay nolosha dadka, iyadoo qiimaha maciishaddu si joogto ah kor ugu kacayo.
Dad badan ayaa ku nool xaalad adag, balse xisbiyadii laga sugayay inay arrimahan ka hadlaan oo xal u raadiyaan ayaa u muuqda kuwo aamusan.
Tan iyo markii ay heleen codkii kalsoonida ee shacabka ee kursiga geeyay, ma muuqato dadaal muuqda oo ay xisbiyadu ku muujinayaan inay si dhab ah ula socdaan xaaladaha dalka.
Taasi waxay dhalisay su’aal weyn goorma ayay xisbiyadu xasuustaan shacabka ma marka ay codka ka doonayaan oo keliya?
Marka xisbiyadu lumiyaan hantidooda ugu weyn, oo ah bulshada, waxa mugdi galaya mustaqbalkooda siyaasadeed.
Taageerada shacabka waa aasaaska jiritaanka xisbi kasta, haddii taas la waayana waxa adkaanaysa in uu sii jiro ama la kasbado kalsooni cusub.
Isbeddelkan ayaa yimid xilli ay bulshadu wajahday culaysyo nololeed oo aad u adag.
Dadku waxay filayeen in xisbiyadu noqdaan xoog cadaadis saaraya xukuumadda, isla markaana keenaya aragtiyo iyo xalal wax ku ool ah, hase yeeshee, waxa muuqata aamusnaan iyo ka-fogaansho, taas oo sii xoojisay niyad-jabka bulshada.
Dhinaca kale, xaaladaha amni iyo dagaallada soo noqnoqda ayaa sii murgiyay duruufaha nololeed, iyadoo xaaladdu sidaas tahay, xisbiyadu waxa ay u muuqdaan kuwo aan si dhow ula socon xaaladda dhabta ah ee shacabka, ama ka fog dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ay la kulmaan.
Arrimahan oo dhan waxay horseedeen quus iyo niyad-jab si weyn ugu faaftay bulshada.
Dad badan ayaa maanta dareemaya in ay ka waayeen xisbiyadii ay ka filayeen inay difaacaan, la xisaabtamaan xukuumadda iyo ganacsatada, isla markaana ka shaqeeyaan hagaajinta nolosha bulshada.
Gaba-gabaddii, bulshada reer Somaliland weli rajo ayay qabaan, waxay rajaynayaan in mustaqbalka ay soo baxaan xisbiyo si dhab ah u fahma kaalintooda xisbiyo u hiiliya shacabka, ka shaqeeya danta guud, isla markaana dib u soo celiya kalsoonidii lumay.
Taasi waa jidka keliya ee lagu soo celin karo rajada iyo kalsoonida shacabka.
Xisbiyada qaranka Somaliland ayaa si muuqata u lumiyay hantidoodii ugu weynayd kalsoonidii shacabka, kadib markii ay ka gaabiyeen doorkoodii ahaa difaaca bulshada, la xisaabtanka xukuumadda iyo ka hadalka dhibaatooyinka jira sida sicir-bararka, amniga iyo nolosha adag.