Bakal Growth

Bakal Growth Turning Facebook Content Into Real Customers.

Waxa uu yiri "  Waxa aan ahay guuldarradii ugu weynayd ee dhulka lagu arko"  .James Waa oday da' ah hadda. Waxa la waydi...
25/02/2026

Waxa uu yiri " Waxa aan ahay guuldarradii ugu weynayd ee dhulka lagu arko" .

James Waa oday da' ah hadda.

Waxa la waydiiyay waayihiisii nolosha iyo casharka uu ka bartay.
Waxa uu ka qoomameeyay in uusan ka faa'iidaysan
wakhtigiisii.
dhalinyarnimadiisii.

Waxa uu qarracan ka muujiyay filashadisii yaraanta iyo sida aysan u suurtogelin.

Marnaba muu sawirin in uu da'dan ku soo gaadho
reer la'aan.
Xaas la'aan.
Iyo tan ugu daran oo ah FAQRI.

Waxa uu ka qoomameeyay in uusan hibadii uu lahaa, ka faa'iidaysan. Haddii uu wax baran lahaa, waxa uu noqon lahaa garyaqaan top ah.
( Waa sida uu qabo e )

Doodaha iyo hadalka ayaa uu ku fiicnaa.

Dareenkan waxa keliya dareemi kara qof da' ah, waayeel ah, waayo badanna soo jiray.

Inta aad yartahay, wax kasta oo 60 jirkaaga kaa farxin kara samee.
Adigu wax isku day.
Wax baro.
Wax dhis.
Allen talo saaro.

Ha samayn wax kasta oo 60 jirkaaga qoomamo kugu keeni kara?
Maxaa ka mid ah?

- In aad wakhtigaada dayacdo.
- In aad dadka dhibto.
- In aad dadka kaa tamarta daran caawin waydo.
- In qaraabada xiriirin waydo.
- In aad waalidka fahmi waydo.





Waxa uu dhistay xarfad shaqeed malaayiin $$$ uu ka helay. Bilawgii $1 k**a uusan heli jirin. ujeeddadiisa keliya waxa ay...
21/02/2026

Waxa uu dhistay xarfad shaqeed malaayiin $$$ uu ka helay. Bilawgii $1 k**a uusan heli jirin.
ujeeddadiisa keliya waxa ay ahayd: Dadka caawi.

Waa Marques Brownlee ( MKBHD)

Sidan buu ku dhisay 👇

Waxa uu samaynayay muuqaallo Sannado, isaga oo aan lacag ka helin.

Ha caban, haddii aad content creator tahay lacagna weli aysan kaa soo gelin..

Markii uu YouTube channelkiisa bilaabay 2012kii, muuqaalada isk**a uusan samayn jirin.
Waxa uu ku dedaalay in muuqaaladu tayo yeeshaan.
qofka daawanayaana wax wanaagsan ka fahmo.

📌 Codkiisu saafi buu ahaa.
📌 Muuqaaladu nadiif bay ahaayeen.
📌 Muqaal-hagaajintiisuna top bay ahayd.

Waa wakhti agabka muuqaalada lagu duubo iyo kuwa lagu hadlaaba aysan sidan u hormarsanayn.

Hal mid buu niyada ku hayay;
Waa in uu dadka iibsanaya agabka tech si wanaagsan uga caawiyo go'aankooda.

Shaqadiisa waxa uu ka dhigatay;
Laptop-baa soo baxay, tijaabin jiray, dadka la wadaag.

Camera ayaa soo baxday. Tijaabi. Dadka la wadaag.

Shirkado uu iskaashi la galo ma uusan raadsan.
waxa uu aad u jeclaa in uu dadka tuso;

- sida agabkani u shaqaynayo.
- Waxa uu ka kooban yahay.
- ammaantiisa
- Cilladihiisa.
- gaabiskiisa

Waxa aan joojiyay YouTube-kaygii2023kii, , markii Views-ku ka badan waayeen 150. Waxa aan dareemay in aan cidlo ku xiiqayay.

Lkn waxa aan gadaal ka dareemay, in 150kaasi daawaday ay u qalmayeen dedaalkayga.

Waana sida aan mar dambe isla Marques Brownlee ka maqlay.

Runta k**a uu gabban jirin, si kasta oo ay uga xanaajin karto shirkadaha.
Waxa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato mustaqbalkiisa dhanka heshiiska shirkadaha, lkn uma uusan joojin.

Waxa uu dhisay kalsooni adag.

Waxa uu ka mid noqday ilaha ugu waawayn ee looga dambeeyo:
-Computerada,
- laptopyad
- Cameradaha iyo
- Eerfoonada.
- Saacadaha

Kalsoonidaaasi waa ta sababtay in uu yeesho dad isaga ku kalsoon, lkn aan keliya daawan, dhegaysan waxa uu soo gudbiyo.

👉 Dadku waa hantida ugu muhiimsan. Been ha u sheegin. Wixii aad taqaanno ku caawi.

✔️📣 Dad dhiso.
Waxkastaa way soo raacayaan.

Afkaaga hayso:  4 shay oo aadan cidna la wadaagin karin. 1. Mushaharkaaga iyo kaydkaaga. Lacagta aad qaadato iyo inta aa...
10/02/2026

Afkaaga hayso: 4 shay oo aadan cidna la wadaagin karin.

1. Mushaharkaaga iyo kaydkaaga.

Lacagta aad qaadato iyo inta aad kaydsato waa xog gaar ah.

Marka si furan loo sheego, waxay keeni kartaa 📌 xaasidnimo,
📌 cadaadis bulsho.
📌 Takoorid aan loo baahnayn
📌 isbarbardhig aan caafimaad qabin.

Culays ha saarin naftaada. Dadka kugu xeerrana lacagtaada ha ogaysiin.

2. Cidda aad necebtahay.

Waxa dhici karta in aadan ka helin qof
📌 Jaarka,
📌 dadka kula shaqeeya,
📌qofka aad u shaqayso,
📌 ka kuu shaqeeya.

Ha daba cidna ha sheegin dareenka noocan ah ee aad qof u hayso.

Runtii waa dareen xun in warku gaadho qofka aad sheegtay in aad necebtahay ama aadan jeclayn.

Waxa ay abuuri kartaa jawi cakiran, kalsooni darro, iyo xiriir shaqo ama bulsho oo dhaawacma.

3. In aad shaqada ka tegi doontid.

Haddii qorshaha bixitaankaaga la sii faafiyo ka hor waqtigiisa, waxay dhaawici kartaa kalsoonida maamulka.

Waxayna keeni kartaa in lagaa reebo
📌fursado
📌 xog muhiim ahayd.
📌 ama go'aan qaadasho.

Mararka qaar xitaa waxay dedejin kartaa in booskaaga la beddelo ka hor inta aadan adigu bixinba.

4. Passwords kaaga

Furayaasha akoonnada waa albaabka xogtaada iyo hantidaada dijitaalka ah.

Haddii ay qof kale gaadhaan, waxa dhici karta in la galo akoonnadaada, la xado xog, ama la waxyeelleeyo sumcaddaada.

Mar walba isticmaal furayaal adag oo kala duwan, hana la wadaagin qofna.

Maxaad ku dari lahayd?



siraha

Markaa taasi waxa ay noqonasaa" Dawarsi xalaal ah. " haha.
20/01/2026

Markaa taasi waxa ay noqonasaa" Dawarsi xalaal ah. " haha.

Buuq badan, Xamaasad,Tamar xad dhaaf ah = 48 million followers. Waxa uu ku soo caanbaxay gaymamka oo uu  si toos ah u ba...
16/01/2026

Buuq badan, Xamaasad,Tamar xad dhaaf ah = 48 million followers.

Waxa uu ku soo caanbaxay gaymamka oo uu si toos ah u baahin jiray.
(live gaming )

Daren Jason Watkins Jr oo ku magacdheer Speed ama Ishowspeed.

Ficillo badan si ulakac ah ayuu u samayn jiray.
Buuqa iyo dabeecaddaasi waxay sababtay in laga xannibo account kii uu ku lahaa Twitch.
Kadibna waxa uu si rasmi ah ugu soo wareegay YouTube.
Halkaas ayuu ka sii waday baahintiisa tooska ah.
Dadka ku xiran aad bay u sii bateen. Ficiladiisu waxa ay noqdeen meme ama waxyaabo lagu xaraabaysto oo lagu qoslo.

Waxa uu ka soo muuqday ciyaaro ay lahaayeen YouTubers kale.

Mar walbana waxa la arkayay isaga oo samaynaya ficillo qosol leh.

kubbad si kas ah ula waaya.
ciyaartoy uu jallaafeeyo.

waxa uu si ula kac ah u kicinayay dareenka taageerayaasha.

IShowSpeed maanta waxa ku xiran 48.7 millions dhalinyaro ah oo dunida dacalladeeda jooga.
Waxa uu saamayn weyn ku dhex leeyahay Genz.

Hadda waxa uu ku jiraa safar uu ku marayo Afrika.
Kenya ayaa ka mid ah dalalka uu booqday
waxaana si weyn u soo dhaweeyay taageerayaal badan iyo xattaa Madaxweyne Ruto.

Sheekadiisu waa mid muujinaysa sida qofku saamayn u yeelan karo wakhtigani.

Twitch baa laga soo eryay sababta oo ah waxa uu diiday in uu shakhsiyaddiisa beddelo.
In uu joojiyo hadallada aan laga fiirsan. se dheg jalaq uma siinin.

Kenya
Ethiopia.
Zimbabwe
iyo waddamadii kale ee uu tegayba waxa looga soo dhaweeyay sidii boqorada.

Adduunkan hadda waxyaabo badan baa isbedalaya.

waxaana ka mid ah wixii la qiimayn jiray oo aan hadda la garanayn.

Waxa aan sidoo kale ka baran karnaa in ay cabsi la'aantu tahay furayaasha aad u baahan tahay.

Dad badan ayaa waxba qabsan la'
Sabab?
Waxa ay ka cabsanayaan in la dhaliilo, ama lagu qoslo.

App China si weyn looga hadalhayo..App cusub oo lagu magacaabo  “Are You Dead”, ayaa si aad ah dalka Shiinaha looga hada...
14/01/2026

App China si weyn looga hadalhayo..

App cusub oo lagu magacaabo “Are You Dead”, ayaa si aad ah dalka Shiinaha looga hadalhayaa. Appkan waxa loogu talagalay ydadka keligood nool, si looga warhayo haddii ay cidlaa ku geeriyoodaan.

Qofka isticmaalaya, waa in uu doorto qof farriin loo diro, haddii uu dhawr maalmood ka maqnaado. Waa inuu maalin kasta iska diiwaangeliyo ama soo galo appka.

Haddii uu dhowr maalmood ka maqnaado, appku si dedgeg ah ayuu ula xiriirayaa qofkii uu isticmaaluhu h**e u doortay.

Caan noqoshada appkan waxa ay muujinaysaa dhibaato weyn oo ka jirta Shiinaha.

Kelinimada, niyad jab, iyo go’doon bulsho ayaa ay dareemayaan malaayiin Shiine ahi. Dad aad u badan, dhalinyaro iyo waayeel, ayaa dareemaya in aan la dareensanayn ama aan dan laga lahayn.

Qaar badan oo isticmaalayaal ah ayaa sheegay in appkani uu siiyay dareen ah in ugu yaraan qof danaynayo inay nool yihiin iyo in kale.

Appkani waxa uu dibadda u soo saaray dhibaatooyin bulsheed oo badan.

Dhibaatooyinkaasi waxa ka mid ah:

- Dhalinyaro u guurtay magaalooyinka waaweyn si ay shaqo uga helaan.
- Hoos-u-dhac ku yimid guurka, shukaansiga, iyo dhalmada.
- Shaqo la’aan sare oo dhalinyarada haysata iyo niyad jab maskaxeed
- Dareen ah in qofku dhiman karo isaga oo aan cidna ogeyn.
- Tirada waayeelka cidlada ku nool oo aad u badan.
- Baahi weyn oo loo qabo amni, daryeel, iyo in la dareemo jiritaankiisa qofeed.

App-kan ayaa hadda lacag dhan 8 Yuan bishii laga dhigay, magaciisana loo bixiyay Demumu.

"Yaa ka waalay dadka oo aan ninkan ahayn "" Maxaad qabsatay ee aad nagu dhiirigelinaysaa"." Wuu iska ciyaarayaa"Dhammaan...
13/01/2026

"Yaa ka waalay dadka oo aan ninkan ahayn "
" Maxaad qabsatay ee aad nagu dhiirigelinaysaa".
" Wuu iska ciyaarayaa"

Dhammaan weedhahani waxa ay ahaayeen kuwo lagu duri jiray Maxamed Cumar, bilawga safarkiisa.
Himiladiisa.
Dadka qaar baa wax ka guntay.
Ugu yaraan, waxa uu kiciyay dareen iska hurday oo ku dhex jiray.

Ereyo dhiirrigelin ahaa oo uu isagu si uga jeeday ayaa dhanka kale loo qaaday.
In badanna waa laga maadsaday.
Lkn isagu taasi uma joojin.
Waxa uu ogaa meesha uu u socdo. Dhabbadii
Uu ku gaari lahaana waa hayay.

Dad badan oo dhaliili jiray, isla meeshii ay 10 sano ka hor joogeen ayaa ay joogaan.

Maxaan ka baran karnaa?

📌 Himiladaada ha u dhiibin ra’yiga dadka.
📌 Joogteynta toosan ayaa ka adkaanaysa dhaliil kasta.
📌 Caddaynta ugu weyn ee fikirkaaga saxnimadiisa waa natiijada, ee ma aha sacabka.

Sawirku waa oday Simon Squibb iyo Maxamed cumar.
, Dubai.

Kani waa Elon Musk oo u muuqda mid ooyaya 😢 😭 Elon Musk markii uu Twitter ku iibsaday  lacag dhan $44 bilyan, ma ahayn l...
06/06/2025

Kani waa Elon Musk oo u muuqda mid ooyaya 😢 😭

Elon Musk markii uu Twitter ku iibsaday lacag dhan $44 bilyan, ma ahayn lacag jeebka uga jirtay oo caddaan/kaash ah.

Sida caadiga ah, xittaa billionaires-ku ma haystaan lacag intaas le’eg oo bankiga ugu jirta si ay wax ugu iibsadaan.

Si uu u gato twitter, Halkii uu ka bixin lahaa lacag toos ah, wuxuu doortay in uu amaah ku qaato isagoo dammaanad uga dhigay saamiyada shirkaddiisa Tesla.

Arrintaas waxay la micno tahay in uu hantidiisa ugu weyn—saamiyada Tesla—adeegsaday si uu u helo amaahda.

Tani waa sida hantida loo isticmaalo si loo helo fursado dhaqaale, waxaana lagu tilmaamaa "leverage." Laakiin marka hantidaas qiimaheedu hoos u dhaco—sida hadda dhacday oo saamiyada Tesla si weyn u sii dhacayaan—waxaa kordhaya cadaadiska ka imanaya dhinaca bangiyada ama maalgeliyayaasha.

Shaki baa imanaya ah in ay dhici karto in amaahdii la bixin kari waayo.

Tani waxay keenaysaa in xaaladdu adkaato, xitaa haddii qofku yahay billionnaire.
Sababta ayaa ah in "taajirnimo" aysan macneheedu ahayn in aad lacag badan gacanta ku hayso, balse ay tahay in aad leedahay hanti qiimo leh oo aad isticmaali karto marka loo baahdo.

Dhibaatadu waxay bilaabataa marka qiimaha hantidaas uu hoos u dhaco—waana sida ay shirkado waaweyn u burburaan mararka qaar.

Elon Musk wuxuu u badan yahay inuu xaaladdan ka soo kaban doono, maadaama uu leeyahay hanti badan iyo sumcad dhaqaale, laakiin waqtigan la joogo wuxuu wajahayaa cadaadis weyn.

Taajiriinta dhibaatooyinkooda way ka duwan yihiin dadka caadiga ah.

laakiin taasi micnaheedu ma aha in aysan la kulmin duruufo adag 👉: Rich people have rich problems.

Qof kastaa wuu dhibtoodaa, mid walbana dhibaatooyinkiisu waa la jaanqaadaan heerkiisa nololeed.

Waxa aynu niraahnaa: qof walba qumanihiisa ayaa qoorta loo suray/sudhay.



🚨 AI   Artificia intelligence ) waxa uu si degdeg ah u beddelayaa suuqa shaqada.Khabiirada badan ayaa  waxay ka digeen i...
05/06/2025

🚨 AI Artificia intelligence ) waxa uu si degdeg ah u beddelayaa suuqa shaqada.

Khabiirada badan ayaa waxay ka digeen in AI uu badali karo illaa 50% shaqooyinka heerka hoose ee xafiisyada shanta sano ee soo socota.

Ururada shaqaalaha ayaa bilaabay inay dalbadaan in shaqaalaha la ilaaliyo.

Laakiin war wanaagsan ayaa jiro:

✅ AI waxa uu abuurayaa shaqooyin cusub

✅ Dadka yaqaana sida AI loo adeegsado
waxay helayaan 56% mushaar ka badan

✅ Shirkadaha adeegsada AI waxay helayaan wax-soosaar 4-laab ka badan

Furaha guusha? Baro sida AI loo adeegsado ka hor inta aanu adiga ku barobixin.

💪 💡 Haddii aad rabto in ganacsigaaga uu ku koro AI – boggan ku xirnow.

31/05/2025

Waa masiibo in jiilka soo kacayaa 90% ka rejo dhigo deegaanadii ay ku dhasheen.

Rejo-xumadaasi waxa qayb weyn ka ah manhajka waxbarashada ee ka jira intii la isku oran jiray Somalia , ase imika maamjlada u kala ood'oodan.

In da'yartu waxbarashada ka dhex arki waayaan mustaqbalkoodii maxaa sababaya?


Address

150 Street

00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bakal Growth posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company?

Share