Walaalaha Somaliland

Walaalaha Somaliland Adigoo jooga gurigaaga hel waxaad niyada ku haysid.

This is a page designed for my lovely Somalilanders to come and share their beautiful thoughts and pictures of things that make them happy.

-No cursing
-No dirty pictures
-No offending

Inshallah.

Hoggaanka waaxda tababarka ciidanka booliska Gaashaanle sarre Maxamuud Ducaale. Halyey ku Suntan Horumarka Ciidanka Bool...
06/06/2018

Hoggaanka waaxda tababarka ciidanka booliska Gaashaanle sarre Maxamuud Ducaale. Halyey ku Suntan Horumarka Ciidanka Booliska JSL

29/05/2018
Somaliweyn Waa Riyadii Aan Rumoobin Ee Gaalkii Ernest Bevin======================================Intii u dhexaysay 1945 ...
29/05/2018

Somaliweyn Waa Riyadii Aan Rumoobin Ee Gaalkii Ernest Bevin
======================================
Intii u dhexaysay 1945 ilaa 1951, Ernest Bevin wuxuu ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadii Ingiriiska. Isaga ayaa markii ugu horreysay ku riyooday in la mideeyo cid kasta oo Afka Somaliga ku Hadasha. Taas oo ay ganafka ku dhufteen Qaramada Midoobay.
Maanta Somali waa ciddii ku hadasha Afka Somaliga. Lix boqol oo sano ka hor, Carabtu waxay u taqaanay 'Bilaada A-Somal', keliya, dhulka soo xiga Jasiiradda Carabeed (Arabic Manuscripts). Ingiriiska iyo Farasiiska ayaaa afafkooda ku tarjumay eraygii ahaa 'Bilaad A-Somal' oo u bixiyay Somaliland.
Ereyga 'Somalia' waa canjilaad Talyaanigu samaystay, oo uu u ekeysiiyay Italia. Talyaaniga ka hor carabtu waxay u taqaanay Dhulkaas Talyaaniga; "Bilaad Al-Cajam" (Arabic Manuscripts).
Ereyga Jabuuti waxaa iska lahaa magaalo xeebeedka ku taalay dhulkii la odhan jiray "Iifat", ee isna xigay xagga Jasiiradda Carbeed. Waxaa dhulkaas gumaystay Faransiiska oo ula baxay isna ereyo af Faransiis ah, oo af Ingiriisi ku noqonaya "French Somaliland". Lixdameeyihii ayuu haddana Faransiisku ka bedelay oo u bixiyay "Dhulkii Canfarta iyo Ciisaha". Markay xornimadii qaateena waxa ay la baxeen magacii ay lahayd magaaladii yarayd oo ahaa "Jabuuti".
Dhulka uu d**o Ogaadeenku oo la odhan jiray Dawaare, Hadiya iyo Baali, oo Itoobiya qaadatay, waxaa loo baxshay "Ogadenia", markay isku qabsadeen Talyaaniga Ingiriiska iyo Xabashidu. Siyaad Barre ayaa ku duulay 1977 kii oo ula baxay "Somali Galbeed". Immikana waxaa la dhahaa "Ismaamulka Somalida Itoobia".
Haddaba intaanu isticimaarku iman, isku siba umaynu wada oolin, haddaynu nahay Somalida maanta. Oo weliba weynu filiqsanayn, ee bal eega Maabkan ku xardhan buugga la dhaho; "Handy Reference Atlas of the world" oo la qoray 191 sano ka hor ama sanadkii 1827kii.
Haddaba, Wadaadaw, Halkuu inagu kala qaybiyay Gumaystuhu haddii aynaan h**eba u midaysnayn??????????

Taliye Nuux Taani iyo Hooyo dhashay Maxbuus Dhawaca oo Reer Punthland ah ,,“Dhacdo Ka Yaabisay Cid Walba Iyo Dareenkay X...
27/05/2018

Taliye Nuux Taani iyo Hooyo dhashay Maxbuus Dhawaca oo Reer Punthland ah ,,

“Dhacdo Ka Yaabisay Cid Walba Iyo Dareenkay Xanbaarsantahay ”

Dhacdadani waxay ku tusaysaa Naxariista iyo Dun wanaaga Dadkeena Iyo Ciidankeena Qaranka

Waxa uu ahaa Mid kamida Maxabiista laga qabtay Ciidamada puntland, waxa uu ahaa dhaawac dhanka Uur ku jirta Ah’ Da’ ahaan waxa uu u ahaa mid yar waxaanu qiyaas ahaan, ahaa 17-18 sano, Dhaawaciisa waxaa lasoo gaadhsiiyey Hospitalka magaalada burco, si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad, markii lasoo gaadhsiiyey Hospitalka waxa uu ku tiraabayey Hadalo uu ku muujinayo Nacaybka uu u qabo Dadkeena iyo dalkeena isagoo aad ugu celcelinayay, Hadaladaa Nacaybka xambaarsan, waxa la jiifiyey Saaladii Hospitalka Waxaanay gaadhay xilligii dhiiga lagu shubi lahaa maadamada oo uu dhiig baxay, Waxa loo sheegay in dhiig loo shubayo isagoo Markaasi Kor u qaylinaya Ayaa uu yidhi
( Haygu Shubina Dhiiga Idoonka Hadii kale waxaan noqonayaa Doqmo Sidooda oo kale eh)
Intaasi kadib markii xaaladiisii caafimaad La Daaweyey waxaa loo ogolaaday in Hooyadii Ugu timaado Hospitalka, Waxa soo gaadhay hooyadii Magaalada burco kadib Waxay Heshay inankeedii si dhib yar. xaal wuxuu halkaa joogaba Waxa hooyadii soo wajahday cabsi Iyo wer-wer, waxaanay U baqayasay inankeeda waxa dawladu ka yeeli doonto iyo halkuu ku dambaynayo, Nasiib wanaag waxaa booqasho ku yimid Hospitalka Taliyaha Ciidanka qaranka somaliland Nuux ismacil Tani, Si uu U ogaado xaalada Dhaawac ee ciidanka qaranka, Caadiyan Marka qof Xanuunasaya Jiifo sariirta Qofka badanaa la joogaa ee u adeegaa waxa Ag fadhiistaa Sariirta qofku ku jiifo weliba isagoo ku dhow, Hooyada dhashay wiilkan ayaa markaa ahayd mid dul fadhiday inankeeda weliba iyadoo aad ugu dhow, Waxaana Soo maray Sariirtii Uu Jiifay Inankii Yaraa Taliyihii Ciidanka Qaranka Waxaanay Milicsatay hooyadii Dhashay inanka Taliyahii waxaanay isla markii ay hooyadu aragtay Taliyaha iyo ciidanka badan ee la socda Soo wajaday Cabsi xoogan waxanay si dhakhso ah’ ugu daday Go’ Inankeedii iyadoo Damacsan inay ka qariso Ciidanka kusoo foolleh, Waxaana isla markiiba Arkay arinkii Taliyaha Waxaanu Su’aalay Hooyadii Waa’ ayo Qofka aad halkan ku qarinaysaa Hooyo? Waxaanay Hooyadii si dhakhso ah, Ugu jawaabtay hadalo Is dhaafa oo Iska hor imanaya, waxaanay laga qaaday go’ii ay ku daday hooyadu ilmaheeda kadib markii uu taliyuhu Arkay wiilka, Waxay hooyadii bilowday calaalal iyo catow hooyanimo, iyadoo taliyaha ku leh hooyo waa inan yaroo la soo khalday waxba kala garan maayo ee iska daaya iyo hadalo kale oo lamida,
Waxa uu taliyahu ku eegay deymo naxariiseed, waxaanu u fidiyey cafis, isagoo siiyey hooyada iyo wiilkeeda kharash Xoogeeya waxaanu isla goobtii ugu sheegay inay Hada hooyadu ka xaysan karto inankeeda weliba si shuruud la’aan ah.
Waxay ka ducaysa hooyadii afka iyo uurkaba iyadoo aad ugu faraxday Arinkaa Qiimaha badan ee uu Taliyuhu ku sii madax daayey Inankeeda, Inankii yaraa ee Hadalada nacaybka ah, ku tiraabayay waxa uu dareemay xishood waxaanu la kulmay waxaanu filanayn ugu danbayn waxa uu sheegay inuu Ka soo hayaamayo puntland. Sidani waxay ka mid tahay siyaasada dagaal ee Cajiibka isla markaana Dadka aad ku degi karto qalbigooda adigoon isticmaalin wax Huba.

qoraalka-Fadxi garaad ciise

24/05/2018

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waa geesiyaal Qaran, waana miiganayaal aan guusha geesmarin, hadh iyo habeena waxa ay taagan yihiin difaaca Dalka.
Awooda iyo cududa ciidanka qaranka Somaliland Saacad ku qaadan mayso in ay gacanta ku dhigaan TUULADA GAROOWE se waxa ay u tudhayaan Dadka maatidaa ee ku nool TUULADAASI Yar in aanay qaxin Ramadaantaasi.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Millitariga Jsl Sareeya Gaas Nuux ismaciil Taani ayaa Sheegay saaka in maleeshiyaadka pudland...
24/05/2018

Taliyaha Guud ee Ciidamada Millitariga Jsl Sareeya Gaas Nuux ismaciil Taani ayaa Sheegay saaka in maleeshiyaadka pudland Sidii lagu yaqiinay wareer fuleynimo ah soo qaaden xalay Waxuu sheegay pudland inay daandaansi deynweyday Waxa ladagaalamayaana yihiin 4Cutub oo kaliya oo katirsan ciidamada Somaliland waxa uu balan qaaday in Ay Soo Afjari doonaan dagaalkaasi oo si dhakhso ah 50km ee Garowe ka xiga Xadka Somaliland ee Hadhay la gaadhi doono saacadaha soo socda
Waxaan u rajeynayaa ciidamada qaranka guul iyo inay garowe Caawa ku afuraan guriga gaas

My  Dhilintan sawirka ku wada jirtaa waxay mujiinayaan democracy ga ka jirta wadankayga. Aragtida siyaasadeed way ku kal...
07/11/2017

My
Dhilintan sawirka ku wada jirtaa waxay mujiinayaan democracy ga ka jirta wadankayga. Aragtida siyaasadeed way ku kala duwan yihiin laakiin waxay ka midaysanyiihiin somaliland oo mida

Madaxa waynaha qaranka
07/11/2017

Madaxa waynaha qaranka

Waxaannu Nahay Xisbi Waayo Arag Ah Oo Garanaya Wixii Ay Qabteen, Waxa Ka Baaqday Iyo  Waxa Toosinta U Baahana, Sidaa Dar...
07/11/2017

Waxaannu Nahay Xisbi Waayo Arag Ah Oo Garanaya Wixii Ay Qabteen, Waxa Ka Baaqday Iyo Waxa Toosinta U Baahana, Sidaa Darteen Danta Ummadda Iyo Dalku Waxa Ay Ku Jirtaa KULMIYE................................................................
Farxad weyn ayey noo tahay in aannu maanta idin kala soo qayb-galno banaan bixii ole-olaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hawd, magaalo madaxdiisa Baligubadle, waxaan jecelahay in aan halkan idiinka mahad-celino sidii qiimaha lahayd ee aad noo soo dhawayseen iyo sidii aad ugu soo baxdeen xisbiga KULMIYE musharraxiintiisa inaad taageero u muujisaan, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad-naqaynaa, iyada oo qorax ah ayaa halkaa taagan tihiin waxa ay taasi muujinaysaa oo sabirka iyo dulqaadkaasi uu ka turjumayaa dareen siyaasadeed oo mug leh oo ka soo baxaya quluubtiina, ciyaar halkaa uma aydaan joogteen hadii aydaan waxaa aamin-saneyn, dadka mabda’a leh ayaa calaamadaa lagu gartaa.

Baligubadle maaha meel cusub, waa gobol caan ah oo h**e u jiray, KULMIYE iyo Baligubadle-na iskuma cusba, haday isku cusub yihiin xisbiyada layliga ah ee jaro-baradka ah ee dhawaan soo baxay, Baligubadle iyo KULMIYE waa jaal siyaasadeed, waxaan ugu jeedaa sooyaalka taariikhdu waa muhiim in dib loo xasuusto doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii, doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010-kii labadaa doorashado ayaa Somaliland Madaxweyne dooratay, labadaba Baligubadle waxa ku adkaaday KULMIYE, Baligubadle waxa ay ahayd KULMIYE, Baligubadle maantana waa KULMIYE.

Waxaannu boggaadinaynaa oo u mahad-naqaynaa dhammaan taageerayaashii u codeeyey KULMIYE labadaa doorashado, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo madashan ka maqan aniga oo afkiisa ku hadlaya maadaama aan gacan yarihiisii ahay, waxaannu ugu mahad-naqaynaa dhammaan dadkaas u codeeyey, waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo, xukuumadiisa iyo xisbiga KULMIYE hadii aad doorateen oo u codayseen sidii aad ugu listeen ayuu idiinku hambeeyey, soo maaha?

Waxaannu leenahay wixii aannu qaban-karaynay waanu qabanay, gobolka Hawd, gobolka Maroodijeex iyo dhammaan dalka oo dhan waxaannu ka qabnay wax cad, annagu ma faan badnin, KULMIYE laguma murmo in aannu wax qabanay, laguma murmo in xukuumadda KULMIYE ay tahay tii horumarka iyo waxqabadka, waxa se nalagu dacaayadeeyaa KULMIYE ma yaqaan si uu libtiisa u sheegto waayo Afmiishaarada ayaan nagu badneyn.

Waxaannu leenahay KULMIYE wuxuu yaqaanaa in gobolka Hawd inuu leeyahay burji siyaasadeed, waayo waa kuwo kala yaqaana xisbiga guusha iyo xisbiga guul-darada, waxay yaqaanaa saxansaxada dabaysha, daruuraha guusha iyo kuwa guul-darada maaha dad layska khaldi karo, maaha dad la indho-sarcaadin karo, annagu waxaanu leenahay hadaanu KULMIYE nahay ummadda waxbaanu u qabanay, waanu soo doojinay, ummaddan waanu u dib-jirnay, xilkii iyo ammaanadii ummaddana si wanaagsan ayaannu u gudanay, ku doodi mayno in aanay qabyo jirin, ku doodi mayno in aanaan dhaliilo lahayn, waxase aannu leenahay wax badan oo qaloocay ayaannu toosinay, wax badan oo la qaban kari waayey ayaannu qabanay, hal-abuur ayaanu la nimid, waxaannu leenahay wax badan oo wanaagsan ayaannu xaqiijinay, waxaanu nahay xisbi waayo arag ah oo wixii ay qabteen garanaya, waxa ka baaqdayna garanaya, waxa toosinta u baahana garanaya, sidaa darteen danta ummadda iyo dalku waxa ay ku jirtaa KULMIYE, waxaanu leenahay hadaa na doorataan wax badan ayaa qabsoomi doona, horumar badan ayaa dalka u qabsoomi doona, Umadda caddaalad ayaanu ku dhaqaynaa, sinaan ayaanu ku dhaqaynaa, ummadda waanu midaynaynaa sidaa ay maanta u midaysan tahay.

Wa bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland.

Address

Road No. 1 26 June Hargeisa
Hargeisa
2522

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Walaalaha Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share