02/05/2026
Xilli xiisaddu ay cirka isku shareertay, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen xukuumka 2,000 oo kiiloomitir oo xeebaha dalkaas ah, oo uu ku jiro Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Tallaabadan oo ka timid amarka Hoggaamiyaha cusub Mojtaba Khamenei, ayaa loo arkaa fariin toos ah oo ku socota maraakiibta Mareykanka iyo xulafadiisa ee gobolka ku sugan.
Iiraan waxay sheegtay inay awooddeeda milatari u isticmaalayso inay biyahan ka dhigto meel ay iyadu maamusho.
Maxay kula tahay adiga?