19/01/2026
Imaam sufyaan al-thawri wuxuu yidhi:
(waxaad iska ilaalisaan nimanka wadaadada aha, anigana xittaa iskakay ilaaliya, midka aan ugu jeclahay haddaan isku qabsanno: xabbad rummaan aha oon dhoho waa macaan isna uudhoho waa dhanaan, waxaa dhici karta inuu arintaa darteed igu dilo suldaan jaair aha, oo uu dhiigayga ku bannaystaba)
Wuxuu kahadlayaa imaamku wadaadada xaasidnimadooda xoogga ay leedahay, ilaahay cabsidiisa halkaasay dhiganayaan, caammada ayaa ka il nugul markii la isbarbar dhigo.
Waxaad arkaysaa: mid dhahaya wadaadkaas magaalada wuu fasahaadinayaa, caqiido khaldanbuu faafinayaa umadda hallaga qabto.
dadka wuxuu ugu ekaysiinayaa inuu diin difaacayo, ilmada yaxaaska ayuu daadinayaa, wuu is xiijinayaa, wuu xabeebanayaa, lkn xaqiiqatan: wuxuu ilaashanayaa mansab iyo jago, xaasidnimo ayaa dhaamisay, wuu sarkhaansanyahaye iskama warhayyo.
Oo wadaadkuba adiga inaad caqiido khaldan faafinayso hadduu aaminsanyahay kawaran ?!.
Dadkaasoo kale markaan arko uma xanaaqee waan uxanuunsadaa, waa cudur xun anaaniyadda iyo kaligii talisnimadu, waa qof bukaan aha oo duco ubaahan.
Hadday ducadu wax utari waa loo duceeyaa, haddayse anfici waydo sharkiisaa ilaahay laga magan galaa, hawlahaagana waa la iskaga mashquulaa, shar-wadayaasha khaaliqaa kufilane.
Waxaa kamid ahaa gabaygii uu tiriyay Sheekhayga shekh mahad ilaahay haka raalli noqdee tuducyadan:
- sheekada habeenkii lawado waa shax kaarto ahe
- xasad iyo shirqoolbay kadhigi diin in loo shiriye
- shaqliddiyo siyaasayntu waa shacab wadkiisiiye
- illeen way shakiyayaan haddaan shaadhka loogaline
- birbay shaahidaysaa ishii baalka shibiq siine
- sharraxaad dibnaha saaran iyo uur shiddadu buuxdo
- waa shaqab lasaynsaabay iyo shiil qarsoodi ahe
- allaw noo shub hibadaada oo naga xijaab shuushka
- shib kasii ninkii diin shammiran shiiqistii rabo e
- cadaw noo shiraayiyo allaw naga xidh shaydaanka
- Shidda aanay naxusuusan iyo aar shanshada gaaban
- shishadooda kaga keen shidaad shay mashquuliyo e
- shabaag bira allaw gali sidaa jiirka loo sharo e
- kii shar noo maleegaba allow yay ku shamax sii
Aamiin.
W/Q Khaalid Cabdullahi