Radio Ramas

Radio Ramas Radio Ramaas Codka Shacabka "Waa isku xiraha bulshada "


RADIO RAMAAS

Degdeg:-Ciidamo Booliis ah oo uu hogaaminayo Yaasiin Ganay iyo Ciidan Meletery ah oo degan Villa Baydhaba ayaa is horfad...
06/12/2025

Degdeg:-Ciidamo Booliis ah oo uu hogaaminayo Yaasiin Ganay iyo Ciidan Meletery ah oo degan Villa Baydhaba ayaa is horfadhiya Xaafada Buulo Xuubey kedib markii booliisku isku dayeen inay burburiyaan Xaafadaha ka agdhaw Xarunta Villa Baydhaba oo ay dad shacaba iyo qoysaska Saraakiisha meleterigu degenyihiin.

Waxaa naloosheegay in BKM-yo ay Saraha Villa Baydhaba lafuuleem meletrigu halka booliiskuna isku uruursanayaan Saraha Booliiska iyo Aaga Saldhiga Wadajir.

Dhulkaan oo ay dad shacaba leeyihiin sida nalooshegay islamarkaana haysta Ducumentiyo Siyaad bare ah kana kooban in kabadan sideetan boos ayaa Lasoo siiyay ganacsato waxaana sabtidii h**e tegay saraakiil booliis ah oo ku wargeliyay dadka inay ka guuraan saakana wuxuu qorshuhu ahaa inay fulintu bilaabato.

06/12/2025

Dadka meeshaan iga buuxo waa dad aan wax qori karin run mise waa been komatiga ku soo qor fikirkaada

Xiriirka Turkey iyo Somalia oo wajahaya khataro siyaasadeed, amni iyo dhaqaale- Warbixin.Warbixin cusub oo ka soo baxday...
06/12/2025

Xiriirka Turkey iyo Somalia oo wajahaya khataro siyaasadeed, amni iyo dhaqaale- Warbixin.

Warbixin cusub oo ka soo baxday Turkey’s National Intelligence Academy ayaa iftiimisay in Soomaaliay ay ku jirto marxalad xasaasi ah oo ay saameynayaan khataro amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo mid cimilada ah. Warbixinta, oo lagu magacaabo “A Multidimensional Partnership Model”, ayaa sheegtay in xiriirka istiraatiijiga ah ee Turkey iyo Soomaaliya uu noqday mid is-daba joog ah kobcaya, balse uu kunshaqeeyo deegaan halis ah.

Warbixinta ayaa shanta khatarood ee ugu waaweyn u kala qeexday:

Halisaha amni: Joogitaanka AS oo weli fulinaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan, isla markaana maamulaya deegaano miyiga ah. Waxaa sidoo kale jira kooxda Daacish ee deegaanada Puntland, in kasta oo ay saameyntoodu xadidan tahay. Ciidanka Soomaaliya ayaa weli ku tiirsan taageero dibadda si uu amniga dalka u sugo.

Khaladaadka nidaamka federaalka: Dastuur oo aan dhameystirneyn iyo awood qaybsiga cadeyn la’aan ah ayaa horseeday khilaafaad joogto ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo maamulka dakhliga, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland. Arrimahani waxay saameyn ku leeyihiin mashaariicda horumarineed ee Turkey fuliyo.

Daciifnimada hay’adaha dowladda: Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysaa awood maamul oo hoose, nidaamyo kormeer oo liita, iyo ku-tiirsanaan deeq-bixiyeyaasha, taasoo caqabad ku noqotay bixinta adeegyada aasaasiga ah.

Culayska cimilada: Abaaraha soo noqnoqda iyo saameynta isbeddelka cimilada ayaa dhaawacaya nolol-maalmeedka bulshada, kordhiyaan baahida cuntada, isla markaana fursad u siinaya kooxaha argagixisada.

Cadaadiska dibadda iyo warfaafinta: Tartanka gobolka iyo saameynta quwadaha caalamiga ah ayaa khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya, sida xusuus loo leeyahay heshiiska 2024 ee Itoobiya–Somaliland. Warbaahinta daciifka ah ayaa sidoo kale u sahashay faafinta warar been abuur ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa xustay in inkastoo horumaro laga gaaray amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo fursadaha ganacsi, haddana guulahaasi weli waa nugul yihiin khataraha kor ku xusan.

Turkey ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu ballaarisay joogitaankeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari ee Somalia, iyadoo maalgashaday kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, tababarka ciidanka, iyo gargaarka bani’aadamnimo. Turkey ayaa tababartay kumanaan askar Soomaaliyeed ah, waxaana ay ka shaqeysaa adeega garoonka diyaaradaha Aden Adde iyo dekedda Muqdisho.

Sida warbixintu tilmaamayso, mustaqbalka Somalia wuxuu ku xirnaan doonaa awoodda dalka ee dhisidda hay’ado shaqeynaya, yareynta khataraha argagixisada, xallinta khilaafaadka siyaasadeed, ka hortagga cadaadiska dibadda iyo xasillinta dhaqaalaha. Haddii horumarkan aan la gaarin, iskaashiga istiraatiijiga ah ee Turkey–Soomaaliya ayaa sii ahaan doona mid aan la saadaalin karin sida ay xustay warbixinta

05/12/2025

Faahfaahin laga helay kulan salaan iyo mid siyaasadeed isugu jiray ee caawa ka dhacay guriga Madaxweynihii h**e ee dalka Sheekh Shariif sheekh Axmed, kaas oo ay yeesheen Shariif iyo Farmaajo. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in la iska wareystay arrimaha guud ee dalka, si gaar ahna waxaa diiradda la saaray mustaqbalka doorashada dalka.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay in doorashadu ay ku dhacdo waqtigeeda, noqoto mid daahfuran oo heshiis siyaasadeed lagu wada leeyahay, si looga fogaado khilaaf cusub iyo muran sharciyeed. Waxa sidoo kale si cad la isula qaatay in aan la aqbali doonin muddo kororsi, xitaa hal maalin, isla markaana inta ay sharciyadooda harsan yihiin aan la sameynin tallaabo keeni karta khalkhal siyaasadeed.

Degdeg:-Waxaa Goordhaw guriga Madaxweyne h**e shekh shariif ka dhacaya kulan udhexeeya Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweyne...
05/12/2025

Degdeg:-Waxaa Goordhaw guriga Madaxweyne h**e shekh shariif ka dhacaya kulan udhexeeya Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweyne Shekh Shariif kaas oo ay albaabadu uxiranyihiin.

kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne h**e Farmaajo ayaan ilaa iyo hadda lahayn waxa looga hadlayo waxaase lafilayaa in uu kusaabsanuahay Safarka kismaayo kedib markii farmaajo oo aan madasha samatabixinta iyo Golaha Mustaqbalka midna kujirin lagu casuumay.

DEG DEG wasiir juxa oo Waraaq udiray Madaxweeynaha Dowlada Mareekanka Ku socota: Madaxweynaha Donald TrumpTo: the Presid...
05/12/2025

DEG DEG wasiir juxa oo Waraaq udiray Madaxweeynaha Dowlada Mareekanka Ku socota: Madaxweynaha Donald Trump

To: the President Donald Trump

Open Letter

Mr. President,
Recently I have been listening to and reading the comments you made about the Somalis in Minnesota and Somalia as a whole. Much of what you said is true. Somalis, generally, have many shortcomings and faults. Somalia is a failed state that has gone 34 years without being able to build a functional, agreed-upon government. Today, Somalia faces poverty, insecurity, and corruption.

The responsibility and shame for this overall failure lies with the political class, of which I am part. It is true, and we cannot run away from the criticism that is clearly visible.

However, there are many good and peaceful people—people who simply want to raise their children and struggle daily to make a living.

There are also many Somalis who fled to America, built new lives, and became law-abiding Americans. Somalis who respect the laws and values of this country. Yes, there may be some who violate the law and commit crimes, and they must be held accountable.

Mr. President,
Somalis have a saying: “When a hypocrite lights a fire, the Muslim gets burned,” or “Rotten fat spoils other fat.”

Mr. President,
Please do not place the crimes of a few on the entire Somali community, and do not judge all Somalis by the actions of those who break the law.

Mr. President,
Somalis are a fragile and exhausted community. Lift the burden of these headlines off them so they can live in America in peace and without fear.

I thank you.
Abdi Farah Saeed

Warqad Furan

Mudane Madaxweyne,
Dhawaan waxaan dhageysanayay oo akhrinayay faallooyinka aad ka bixisay Soomaalida Minnesota iyo guud ahaan Soomaaliya. Inta badan waxaad sheegtay waa run. Soomaalida, guud ahaan, waxay leeyihiin cillado iyo cillado badan. Soomaaliya waa dowlad fashilantay oo 34 sano soo martay iyada oo aan awoodin inay dhisto dowlad shaqeyneysa oo la isku raacsan yahay. Maanta, Soomaaliya waxay wajahaysaa saboolnimo, amni darro, iyo musuqmaasuq.

Mas'uuliyadda iyo ceebta guuldarradan guud waxay saaran tahay fasalka siyaasadeed, kaas oo aan qayb ka ahay. Waa run, mana ka carari karno dhaleeceynta si cad u muuqata.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dad badan oo wanaagsan oo nabdoon—dad si fudud u doonaya inay carruurtooda koriyaan oo ay maalin walba ku dhibtoonayaan inay nolol helaan.

Waxaa sidoo kale jira Soomaali badan oo u qaxay Ameerika, dhistay nolol cusub, oo noqday Mareykan sharci-darro haysta. Soomaali ixtiraamta sharciyada iyo qiimaha dalkan. Haa, waxaa jiri kara qaar jebiya sharciga oo gala dambiyo, waana in lala xisaabtamaa.

Mudane Madaxweyne,
Soomaalidu waxay leedahay maahmaah: "Marka munaafaq uu dab shido, qofka Muslimka ah waa la gubaa," ama "Dufan qudhuntay ayaa baruur kale kharriba."

Mudane Madaxweyne,
Fadlan ha saarin dambiyada dad yar bulshada Soomaaliyeed oo dhan, hana ku xukumin dhammaan Soomaalida falalka kuwa jebiya sharciga.

Mudane Madaxweyne,
Soomaalidu waa bulsho jilicsan oo daalan. Culayska cinwaannadan ka qaad si ay ugu noolaadaan Ameerika si nabad ah oo aan cabsi lahayn.

Waan ku mahadsan yahay.
Cabdi Faarax Siciid

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRWEYNAHA 6-AAD EE HOGGAANKA IYO HAL ABUURKA SOOMAALIYEEDMuqdisho, Diseembar 04, ...
04/12/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRWEYNAHA 6-AAD EE HOGGAANKA IYO HAL ABUURKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Diseembar 04, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha taas oo suurt gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta".

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogadiyey dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka, waxa uuna ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

DHAMMAAD

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golfyare)
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Xisbiga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Galmudug waxa uu kala kulmay fadeexo weyn.
04/12/2025

Xisbiga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Galmudug waxa uu kala kulmay fadeexo weyn.

Gudoomiyaashii H**e ee Gobolka Banaadir Madaale & Amiir ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Himilo Qaran uu hogaanka u y...
04/12/2025

Gudoomiyaashii H**e ee Gobolka Banaadir Madaale & Amiir ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Himilo Qaran uu hogaanka u yahay Madaxweyne Shariif .

Kulan saacado qaatay ayey ku yeesheen hoyga Md Sharif , Madaale & Xasan sheikh ayaa 15 sano kadib oo saaxibo dhow ahaayeen kala haray maanta taas oo sababtay Dulmi Madaale loogu geystay xisbigii uu aasaasayaashooda kamid ahaa .

Way bilaabatay .

Israa|il ayaa markii u horreysey digniin u soo dirtay Soomaaliya, iyada oo sheegtey in Soomaaliya ay hadda noqotay meel ...
04/12/2025

Israa|il ayaa markii u horreysey digniin u soo dirtay Soomaaliya, iyada oo sheegtey in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga uuna tijaabinayo gantaalka Tayfun kaas oo lagu hanjabay Griiga & Israa|il.

“Fogaanta Soomaaliya ma ah mid ka badan Iiraan,” Ayuu yudhi Sheygal, La-taliyaha xukuumadda Israa|l; isaga oo xusuusinaya in sannado badan aan la rumaysaneyn in Israa|il ay weerari doonto barnaamijka Iiraan ilaa ay taas samaysay, wuxuu intaasi ku daray in ay kordhiyaan dabagalka & xog-ururinta howlgallada ka dhanka ah ee laga wado Soomaaliya, sida ay ku warrantay HiiraanOnline oo xiganayaa warbaahinta YH.

04/12/2025

Maxkamadda ayaa shalay mar kale la hor keenay Hashim, waxaana lagu caddeeyay in gabadh la yiraahdo Deqa oo isaga jeclayd uu jarjaray, hilibkeeda iyo lafaheeda uu biyo ku kariyey kadibna uu bac ku guray.

Hashim ayaa kadib bacda ku tuuray qabuuraha Langata.

Ilaa hadda Hashim lama xukumin.

Degdeg:-Goordhaw iyo Madaxweyne Xasan👀Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu goordhaw ka hadlo xiritaanka shir uu shalay ...
04/12/2025

Degdeg:-Goordhaw iyo Madaxweyne Xasan👀

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu goordhaw ka hadlo xiritaanka shir uu shalay Reysulwasaare Xamse kafuray Muqdisho oo kusaabsan Hogaaminta iyo Hal abuurka dhalinyarada.

Khudbadii uu halkan shalay Reysulwasaare Xamse ka jeediyay ayaa waxaa kujiray "Jawaab kusocota dadkii ku naqdiyay aragtidiisi kacaanka ,Jawaabta su,aal laga weydiiyay Trump iyo oohin uu ugu dambeyn kusoo xiray.!

Madaxweyne Xasan ayaa isna lasugayaa Khudbadiisa waxaana laga sugayaa Madaxweynaha inuu Ujawaabo Trump inuu kahadlo Shirka Kismaayo iyo Xal uhelida falcelintii ka dhalatay hadalkiisi ugu dambeeyay ee uu kusheegay in Kooxda As ay yihiin muwaadiniin ayna qaadan karaan Kaarka NIRA.!

Madaxweynaha waxaa uu la hadli doonaa dhalinyaro ee duruufahooda haysta maka jawaabi doonaa,Su,aalahase ma u ogolaan doonaa sidii xamse shalay Sameeyay.!

Address

Kismayo
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Ramas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category