02/03/2026
War-Saxaafadeed
Cammaan – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Urdun ayaa ku dhawaaqday in maanta ay u yeertay ku-simaha Safaaradda Iiraan ee ku sugan Cammaan, si loogu gudbiyo farriin cabasho rasmi ah oo ku saabsan eedeymo iyo falal lagu sheegay inay beegsanayeen Urdun iyo dalal kale oo Carbeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan la qaaday fiidnimadii Axadda, iyadoo diblomaasiga Iiraan loo gudbiyay mowqif cad oo ay ku cambaareyneyso waxa ay ku tilmaamtay “xad-gudub toos ah” oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo karaamada dalalka Carabta. Urdun ayaa ku adkeysatay in falalka noocan ahi ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, ayna sii hurin karaan xiisadaha jira.
Dhanka kale, Boqor Cabdullaah II ayaa ka digay suurtagalnimada in colaadda gobolka ay sii fido, gaar ahaan marka la eego xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Iiraan iyo dhinacyo kale oo caalami ah. Boqorku wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xakameeyo xiisadda, lagana fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xaaladda.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Boqorka Urdun uu wada-hadal telefoon kula yeeshay Suldaanka Cumaan, iyagoo ka arrinsaday xaaladda gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida dalalka Carbeed.
Urdun ayaa mar kale ku celisay baaqeeda ku aaddan ixtiraamka madaxbannaanida dalalka, ilaalinta nabadda, iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo hab diblomaasiyadeed.