11/05/2026
Bayaan & Digniin Haliseed oo ka soo baxay Waxgaradka Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
———————————————————————
Xubnahan oo ka mid ah waxgaradka dawlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira dad ku sugan gudaha dalka iyo qurbo-joog, waxay si weyn uga walaacsan yihiin khatarta muuqata ee Soomaaliya dul hoganaysa, taas oo ay sabab u tahay hoggaan xumada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (XSHM). Waxa cad in madaxweyne XSHM uu ku fooggan yahay dano gurracan oo isaga u gaar ah, halkii uu badbaadada ummadda iyo wadajirkooda ka shaqayn lahaa.
Afartii sano ee uu muddo-xileedkiisu ahaa, oo hadda maalmo koobani ka dhimanyihiin, waxa uu Soomaaliya geeyey marxalad walaac leh, dalkiina waxa uu maanta qarka u saaran yahay in uu kala daato, dawladnimadii muddada dheer lagu soo tabcayayna waxa ay u muuqataa in ay hadaan ka sii laalaaddo.
Waxa tusaale loo soo qaadan karaa: Wax-ka-beddelkiisii sharci-darrada ahaa ee dastuurka, kaas oo ujeedkiisu ahaa in uu u adeegsado danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah iyada oo aan jirin heshiis qaran. Samaysashada xisbi-ku-sheegyada ka kooban midka uu isagu hoggaamiyo iyo kuwo maqaar-saar u ah, hadafka loo samaystayna uu yahay sidii uu isagu xukunka dib ugu soo noqon lahaa, iyo inuu noqdo madaxweyne aan ka degin xilka, dhammaantood waxay muujinayaan xaalado daran oo horseedi kara qalalaase iyo iskudhac. Haddii dib-u-doorashadiisa – uu jidka qalloocan u marayo – aan laga hortegin, waxaa dhici karta in damaca Xasan Sheekh ee gurracan ay ka dhalato kalatagga ummadda Soomaaliyeed, taas oo sabab u noqon karta in dawladnimadiina ay farahooda ka baxdo.
Si gaar ah, waxyeellada uu Madaxweyne XSHM ku hayo Soomaaliya waxay u kala baxaysaa laba heer: Tan koowaad waa mid heer qaran ah. Wuxuu ku tuntay dastuurka wuxuuna la wareegay awoodihii dastuuriga ahaa ee raysal wasaaraha. Waa tan labaade, isaga oo adeegsanaya laaluush, eex, iyo ku tagrifal awoodeed, hay’adihii muhiimka ahaa ee dawladdana waxa uu ka dhigtay aalado u adeega damaciisa siyaasadeed ee habowsan.
Arrinta kale ee layaabka lihi waxa ay tahay, in uu madaxweynihii dalku u xuubsiibtay hoggaamiye kooxeed, isaga oo ciidamadii federaalka ee loogu talagalay inay la dagaallamaan Al-Shabaab ama ay ahayd inay dalka ka difaacaan khataraha dibadda, u adeegsanaya weerarro iyo cabbudhin lagu hayo dowlad-goboleedyada aan isaga la safnayn. Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ah dhibbanihii ugu dambeeyay, halkaas oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidammo isaga daacad u ah. Soomaaliya maanta, marka xaqiiqda loo eego, waxay u muuqataa dowlad uu xukumo ruux keligii-taliye ahi, taas oo ah arrin aan la qaadan karin. Hadda, XSHM waxa uu gaadhay marxalad aanu Soomaalida waxba iskaga tirin. Cidda keliya ee uu usoo hogtaa waa saaxiibbada beesha caalamka kuwaasoo uu dhaqaale ahaan ku tiirsan yahay.
Haddii aan degdeg loo helin cid xak**aysa madaxweyne XSHM, oo jidkii sharciga dib ugu celisa, dowlad-goboleedyada aan weli aan gacantiisa gelin – sida Jubbaland iyo Puntland – halkii ay uga hoggaansami lahaayeen rabitaanka aan sharciga ku dhisnayn ee madaxweyne XSHM, waxa dhici karta in ay qaadaan jidkii Somaliland oo kale oo ay ku dhawaaqaan inay ka go’ayaan Soomaaliya. Taasi waxay furaysaa waddo aan la mahadin iyo “jaantaa rogan” amaba ruux walboow hortaa bannaan u soco. Ugu danbayn, arrintaas waxaa ka dhalan karta biloowga burburkii k**a danbaysta ahaa ee kala tagga Soomaaliya.
Dhanka kale madaxweynuhu wuxuu khatar ku yahay midnimada Soomaaliya, marka la eego sida uu u wajahayo gobollada waqooyiga ee Soomaaliya (gobolladii h**e ee British Somaliland). Halkan waxa isku haya qabiillada midnimada taageersan ee maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo ku adkeysanaya midnimada, wax gorgortan ka mid ahaanshaha dawladda Soomaaliya, iyo qabiilka gooni-goosadka ah ee gobolka Waqooyi Galbeed (Somaliland) oo doonaya inuu ku qasbo dhammaan qabiillada waqooyiga deggan inay ka go’aan Soomaaliya. Halkii laga filayey in uu soo dhoweeyo oo badhitaaro dadka midnimada u taagan, madaxweynuhu wuxuu sameynayaa wax kasta oo uu ku wiiqayo dhinaca difaacaya midnimada. Wuxuu gobollada midnimada u taagan mar walba ka reebaa taageerada iyo maalgelinta ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, halka uu si gaar ah ugu jajaban yahay, dhaqaalahana uu si joogto ah ugu qoondeeyo kuwa doonaya kala goynta Soomaaliya.
Ficilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay toddobaadkan, markii maamul-goboleedka Waqooyi Bari oo xubin buuxda ah ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, mar kale si badheedh ah looga reebay labo mashruuc oo ay bixiyeen deeqbixeyeyaasha caalamiga ah kuwaas oo loogu talogalay dhammaan gobolada Soomaaliya. Arrintaas waxa go’aankeeda lahaa madaxweynaha dalka. Madaxweyne XSHM oo uu hagayo damaciisa gurracani, waxa uu is tusay, inuu dhabarka ka wareemo dawlad-goboleedka Waqooyi Bari – si uu doorashada soo socota u helo codadka badan ee baarlamaanka ay ka haystaan kooxaha gooni-goosadka ahi.
Maaddaama degaannada Waqooyi Bari ay yihiin buundada isku xidha waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya, midnimada dalku waxay ku jirtaa in gobolladaasi ay ahaadaan dowlad-goboleed federaal ah oo hela xuquuq la mid ah kuwa ay helaan dawladaha kale ee xubnaha ka ah DFS. Hase yeeshee, haddii ficillada madaxweynaha ee naaxinta goonni-goosiga iyo wiiqidda midnimodoonku ay sidan ku sii socoto waxa ka dhalandoonaa waxa ay noqonayaan wax liddi ku ah midnimada Soomaaliya. Madhaxeeduna wuxuu noqonayaa wax aan cidna u roonayn iyo halkii ay Soomaalidu kaga maahmaahi jirtey “Canfareey firirig!” Arrintaasi waxay sidoo kale furi doontaa dariiq kale oo ah “jaantaa rogan” iyo iyadoo qabiillo iyo dowlad-goboleedyo kale ay iyaguna qaadi karaan jidka kala go’a.
Waxaa xusid mudan, haddii midnimada Soomaaliyeed uu danaynayo madaxweyne XSHM, in kooxda goonnigoosiga arrinkooda loo heli kari lahaa xal lagu maareeyo. Tallaabada koowaadna waxa ay noqon lahayd in si dhammaystiran loo taageero dadka reer waqooyiga ee u taagan difaaca midnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn madaxweynuhu toddobaadkan wuxuu ku qasbanaaday inuu wax ka beddelo habkiisa kali-talisnimo, isagoo sameeyay tallaabo loo nisbayn kato “siigo-isku-qarin” taas oo ah in uu “wadatashi” ugu yeedhay bishan May tobankeeda qaar ka mid ah xubnaha aadka u dhaliila ee la baxay “Golaha Wadatashiga”. Maaddaama dhammaantood ay ka soo jeedaan beeshiisa isla markaana ay ka maqan yihiin qaybahii kale ee Soomaalidu, tallaabdan waxaa loo arki doonaa xeelad dhagaraysan oo lagu kala dhantaalayo mucaaradka kala geddisan ee ka soo horjeeda.
Iyadoo laga duulayo arrimahan kor ku xusan, waxaan jeclaan lahayn inaan soo jeedino qodobadan:
✳️ Inaan taageerno dhammaan dadka ku baaqaya isbeddel lagu sameeyo hoggaanka talada haya, arrintan oo aannu aamminsanahay in ay saldhig u tahay badbaadinta Soomaaliya iyo midnimadeeda.
✳️ In la qabto doorashooyin xor ah oo hufan oo lagu soo doorto baarlamaanka iyo madaxweynaha, iyadoo ay habboon tahay inay ka qayb qaataan kormeerayaal ka socda Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee gobolka iyo caalamkuba.
✳️ In deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijiyaan in dhaqaalahooda si caddaalad iyo sinaan ah loogu qaybiyo dhammaan dowlad-goboleedyada Soomaaliya.
✳️ In deeq-bixiyeyaasha shisheeye ay ka feejignaadaan dhaqaalaha ay Soomaaliya siiyaan inaan loo adeegsan in cid gaar ah lagu faquuqo, iyada oo isla markaana degaanno kale lagu naasnuujinayo. Haddii ay taasi dhacdo deeq-bixeyeyaashu waa inay ogaadeen inay qayb ka yihiin cawaaqibka ka dhalanaya, lagulana xisaabtami doono.
✳️ In shacabka Gobolka Waqooyi Bari loogu baaqo inay samir muujiyaan oo aysan u debcin khiyaanada Madaxweyne XSHM, ayna isku tashadaan — sidii ay h**eba u sameeyeen — ilaa inta ay Soomaaliya ka helayso hoggaan suubban, la isku hallayn karo, laguna wada kalsoon yahay.
✳️ In maamulka Waqooyi Bari uu mudnaanta siiyo danaha iyo himilooyinka dadkiisa, isla markaana xaqiijiyo in dhammaan dhulka SSC in uu hoos yimaado maamulka.
✳️ In qurbo-joogta reer Waqooyi Bari ay mar kale garab istaagaan maamulkooda iyo dadkooda oo ay taageeraan inta lagu jiro xaaladdan aan sugnayn.
• Ugu danbayn, waxa aan madaxda maamulka Waqooyi Bari usoo jeedinaynaa, in la abuuro jawi wadatashi oo bulshada qaybaheeda kala duwan ay qayb ka yihiin, si loo saxo wixii qalloocday, loona xoojiyo kalsoonida iyo midnimada shacabka iyo dawladdooda, ugu danbaynna loo helo xal midaysan oo marxaladdan hubanti-la’aanta ah lagaga gudbo.
Soo Saarayaasha Bayaanka iyo Digniinta Haliseed:-
1. Bashir (Jamaal) Xaaji Cali –Hogaamiyihii H**e ee@ SSC-Khaatumo
2. Dr. Maxamed Cabdi (Shiine) – Madaxweyne ku-xigeenkii h**e ee SSC-Khaatumo
3. Danjire H**e Cabdulxakiim Xaaji Cabdullaahi Xaaji Cumar Aamay
4. Maxamed Yuusuf Xasan (Guray) – Wasiirkii h**e ee SSC-Khaatumo
5. Cabdisataar Sheekh Cismaan”Dhegacadde” – Wasiirkii h**e ee SSC-Khaatumo
6. Cabdirisaaq Maxamed (Sanwayne)
7. Dr. Cabdullaahi Xasan (Spanish)
8. Cismaan Xasan (Badawi) – Sarkaal h**e oo Qaramada Midoobay ah
9. Lataliye Hogaamiye Xiligii ku meel Gaadhka SSC-Khaatumo Cali xaaji Cige
10. Maxamed Suleymaan Bootaan
11. Qoraa Maxamuud Ibraahim
12. Inj. Maxamed Cali Mire
13. Maxamed Cumar Cigaal (Tacabbir)
14. Cismaan Xaaji Yuusuf – Agaasimihii guud ee h**e ee Bangiga Ganacsiga Soomaaliya
15. Cismaan Cabdi Yuusuf
16. Cigaal Xasan Jaamac
17. Axmed Maxamed Xasan
18. Prof. Maxamuud Cali Jaamac
19. Cabdirasaaq Ibraahim (Ataash)
Warsan Media