Warsan Media

Warsan Media Warsan Media waa Shirkad samaysa dhammaan wixii Media Service ah sida Video Shooting, Directing, Creating, Photography and Documenting Films,.... ETC

10/08/2026

Warbixin: Furitaanka Xafiiska Darwiish ee Xajka iyo Cumrada
Darwiish Hajj & Umrah Services

Wasiirdawlaha Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Mudane Xirsi Gaani oo Booqasho ku yimi Wasaaradda Beeraha Waqooyi Bari.Wasiirka...
04/08/2026

Wasiirdawlaha Xafiiska Ra'iisalwasaaraha Mudane Xirsi Gaani oo Booqasho ku yimi Wasaaradda Beeraha Waqooyi Bari.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha waraabka iyo horumarinta reer miyiga Mudane Cabdikariim Deyr Cabdi ayaa Xarunta dhaxe ee Wasaaradda kusoo dhaweeyey qaar kamid ah Wafdiga Raiisal wasaaraha Ee booqashada kuyimi Dawladda Waqooyi Bari.

Wasiir dawlaha Xafiiska Raiisal Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Habdhawre kuxigeenka Golaha Shacabka Marwo Shara Bundubte oo kamida wafdiga Raiisal wasaaraha ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda kulan shaqo kula qaatay Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo qaar kamida Shaqaalaha wasaaradda. Ujeedka kulanka ayaa ahaa in laxoojiyo oo Kor looqaado xidhiidhka iyo wadashaqaynta Xukuumada DFS iyo Wasaarada BWHR.

Madaxda wasaaradda ayaa uga warbixiyey hawlaha socda Caqabadaha jira iyo Baahiyaha taaganba iyagoo sigaar ah ugu mahadceliyey Masuuliyantan Waqtigooda ay soo hureen.

Dhamaad.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka bulshada ee
Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga DWBS.

*HAMBALYO IYO BOGAADIN* Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa  Ardayda kalay 10-ka kaalmood ee ugu Sarreeya *School* -...
03/08/2026

*HAMBALYO IYO BOGAADIN*

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Ardayda kalay 10-ka kaalmood ee ugu Sarreeya *School* -ka , *Machadka* iyo sidoo kale 5-ta kaalmood ee ugu sarreeyay imtixaankii *Tafsiirka* , kuwaas oo dadaal, karti, iyo anshax wanaagsan ku mutaystay guushan qiimaha badan.

Waxaan idiin rajaynaynaa horumar, guulo isdaba joog ah, iyo mustaqbal ifaya.

27/07/2026

Laascaanood: 27-July-2026,

SHIRKA WADATASHIGA HINDISE SHARCIYEEDK XEERKA MAAMULKA DHUL BEEREEDKA IYO RUQSAD - BIXINTA DAWLADDA WAQOOYI BARI.

Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa soo qabanqaabisay Shirka Wadatashiga Hindise-Sharciyeedka Xeerka Maamulka Dhul-beereedka iyo Ruqsad-bixinta Dowladda Waqooyi Bari.
Shirkan Waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdikariin Dayr Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Qaar kamida Shaqaalaha wasaaradda xildhibaanno, masuuliyiin kale iyo beeralay ka kala yimid deegaannada Waqooyi Bari.

Ugu horrayn waxaa lasoo bandhigay Hindise-sharciyeedka, iyadoo Beeralaydii ka qayb gashay madasha si firfircoon uga qayb qaadatay doodda, waxayna soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah isla markaana bogaadiyeen sida hufan ee loo diyaariyey xeerka.

Gabagabadii shirka, Wasiir Cabdikariin Dayr ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabayo diiwaangelinta dhul-beereedka Dowladda Waqooyi Bari, isagoo adkeeyey in Wasaaraddu sii xoojin doonto wada shaqaynta ay la leedahay beeralayda. Shirkan wuxuu ahaa tallaabo muhiim u ah horumarinta maamulka dhulka, kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo dhismaha hannaan sharci oo waara.

Dhamaad.

Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiha DWB ayaa berri qabanasa kulanka wada tashiga Hindise Sharciyeedk...
26/07/2026

Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiha DWB ayaa berri qabanasa kulanka wada tashiga Hindise Sharciyeedka Xeerka Maamulka Dhul beereedka iyo Ruqsad bixinta dhul beereedka Dawladda Waqooyi Bari.

23/07/2026

Shirkadda Qalabka Caafimaadka ee SAN Medical ayaa bixiysey kharashk gaadhsiinta taakulo biyo-dhaan Kaamka Barakacaaysha Balli-docol ee Magalaada Buuhoodle , halka Dhaamka haqabtire uu ku deeqay waraabinta ama bixinta biyaha.

06/07/2026

📢 Wargelin Muhiim ah – Bulshada Buuhoodle

Al Bushra Medical Center oo kaashanaysa Kalkaal Hospital waxay magaalada Buuhoodle ku qabanayaan olole caafimaad oo gaar ah inta u dhaxaysa 11–13 Luulyo 2026.

👨‍⚕️ Adeegyada waxaa bixinaya Dr. Ahmed Xiis Muuse, oo ku takhasusay daaweynta cudurrada maqaarka, timaha, cidiyaha iyo adeegyada qurxinta.
📍 Isdiiwaangelintu waxay ka socotaa Kalkaal Hospital, kasoo horjeedka Masjidka Rowda (Masaajidka Dabaqa ah).

📞 Wixii faahfaahin ah kala xiriir: 0634214874 ama 0654214874.

Laascaanood: Arbaco: 10-June-2026. Waxaa Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari k...
10/06/2026

Laascaanood: Arbaco: 10-June-2026.

Waxaa Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari ka qabsoomay Shir ay kasoo qaybgaleen shaqaale-waynaha Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga, iyado uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Cabdikariim Maxamuud Cabdi uuna goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Maxamed Xassan Ducaale.

Ugu horrayn shirka waxaa Lagu dhagaystay Daraasaad ay sameeyeem qaar ka mid ah waaxaha Wasaaradda oo kala ah:

1. Waaxda Horumarinta reer Miyiga iyo isbeddelka Cimilada(Department Of rural Development and Climate Change) ayaa soo jeedisey Saamaynta Abaartu ku yeelatay bulshada reer Miyiga ah iyo waxsoosaarkooda.

2. Waaxda Ganacsiga Beeraha, Maalgashiga iyo Horumarinta iskaashatooyinka (Department Of Agri Business, Investment and Cooperative development) aya iyana soo jeedisey daraasad ku saabsan qiimaha suuqa iyo isbarbardhigga Waxsoosaarka gudaha iyo ka dibadda.

3. Waaxda ilaalinta dhirta(department of Plant Protection) ayaa soo jeedisay Cudurrada uu beeralayda ku keenay Roobabkii Gugu.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahadceliyey Agaasimayaasha Soo jeediyey daraasaadka ay sameeyeen ee waqtiga galiyey iyadoo dhanka kale Wasiirku ka warbixiyey Muddadii uu shaqada u joogay Caasimadda Dalka waxyaalihii usoo qabsoomay.

Kalkaal Hospital- Buhodle Qiimodhimista Munasibadda Ciidal Awxaa Awgeed.
26/05/2026

Kalkaal Hospital- Buhodle Qiimodhimista Munasibadda Ciidal Awxaa Awgeed.

Muqdisho: 17 May 2026. Wasiirka Wasaarada Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari mudane Cab...
17/05/2026

Muqdisho: 17 May 2026.

Wasiirka Wasaarada Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer Miyiga Dawladda Waqooyi Bari mudane Cabdikariim Deyr Abdi ayaa kulan shaqo kutagay xarunta Hay’adda caalamiga ah ee Qaramadda midoobay uqaablisan cuntada iyo beeraha ee FAO. Representative and Country director for FAO Somalia mudane Etienne Peterschmitt oo uu weheliyo kaaliye sare Abdi Adam ayaa Wasiir Deyr kusoodhaweeyey xafiiska ugu sareeya FAO kuleedahay dalkeena Soomaaliya.

Wasiirk Cabdikariim ayaa soobandhigay sida ay WB diyaar ugu tahay in ay wadashaqayn dhaw iyo iskaashi yeeshaan FAO, Sidookale in ay kafaa’idaystaan mashaariicda socda iyo kuwa qorshaha kujira ee laxidhiidha Horumarinta Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta reer miyiga ee dalkeena loogu talogalay.

Mr Etienne ayaa kudheeraaday sida FAO diyaar ugu yihiin in ay lashaqeeyaan, si rasmi ahna uga hawlagalaan Dawladda Waqooyi Bari, si lamid ah sida dawlad goboleedyadda kale ee xubnaha ka’ah DFS.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soodhaweyntii. Waxaana lagu balamay wadashaqayn wanaagsan. InshaAllah.

Mahadsanidiin.

Address

Gooladda
Laascaanood

Telephone

+252634535840

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warsan Media:

Shortcuts

Share

Category