Radio Luuq Ganaane

Radio Luuq Ganaane Freelance Journalist

01/06/2026

WAR-SAXAAFADEED: Taliyaha Saldhigga Degmada bardhere
L/xle Cumar Ahmed dahir
Iyo ku xigenkiisa
Cismaan maxamed Axmed
oo Kormeer Amni iyo Xog-wareysi Ku Sameeyay Bulshada
​Taariikh: 1/6/ 2026
​1. Ujeeddada Kormeerka
​Habeenimadii caawa, waxaa kormeer shaqo oo lagu xaqiijinayo amniga degmada sameeyay Taliyaha Saldhigga Booliska. Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd xog-wareysi iyo u-kuurgal dhab ah oo lagu samaynayo xaaladaha guud ee amniga, si loo ogaado baahiyaha amni ee bulshada hortaagan iyo sida looga jawaabi karo.
​2. Dareenka iyo Markhaatiga Bulshada
​Intii uu taliyuhu ku guda-jiray wareysiyada, qaybaha kala duwan ee shacabka iyo dadweynaha degmada waxay sheegeen:
​Xaaladda Amniga: In amnigu yahay mid aad u wanaagsan, ayna ku ganacsadaan si nabadgelyo iyo kalsooni ah.
​Wada-shaqeynta: Waxay bogaadiyeen shaqada hufan ee Ciidanka Booliska degmada, iyagoo xaqiijiyay inay leeyihiin xiriir dhow oo joogto ah, isla markaana ay ciidanka la wadaagaan xogta amniga la xiriirta.
​3. Ballan-qaadka Joogtaynta Amniga
​Ugu dambeyntii, Taliyaha Saldhigga ayaa:
​"U mahadceliyay shacabka sida hagar-la'aanta ah ee ay ula shaqeeyaan ciidanka, wuxuuna u balan-qaaday in la sii laba-laabi doono roondooyinka iyo hawlgallada habeen iyo dhinac kasta ah ee lagu sugayo nabadgelyada degmada."

21/03/2026
21/03/2026

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis.

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan Bulsha waynta dhagaystayaasha ku xiran Warbaahinta Markabey in idaacada Markabley ay bilaabayso Kitaabka Suwaru minxayaati saxaabah oo aad idaacada ka dhagaysan doontaan 1:30 duhurnimo sidoo kale waxaad kala socon doontaan Baraha Bulshada aan ku leenahay sida Facebooga iyo youtubka ee Radio markabley.
Kitaabta Suwaru minxayaati saxaabah waxaa inoo soo jeedin doono ajir iyo xasanaad aan la soo koobi Karin Allaha ka siiyee Sheekh saciid koofi,
Hadaba ka faaiidaysi wacan
Maha Sanidiin

Address

Luuq

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Luuq Ganaane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Luuq Ganaane:

Shortcuts

Share