10/08/2026
Benjamin Šeško ayaa u badan inuu ka maqnaado kulanka Manchester United ay Arbacada la ciyaari doonto Leeds United, sida uu sheegay wariyaha Manchester Evening News, Steven Railston.
Šeško ayaa weli sugaya kulankiisii ugu horreeyay ee pre-season-ka, iyadoo Manchester United ay si taxaddar leh u maareyneyso diyaar-garowgiisa.
Inkasta oo uu u badan yahay inuu seego kulanka Leeds, haddana lama filayo inuu muddo dheer maqnaado. Waxaa jirta rajo ah inuu daqiiqado ka helo kulanka AC Milan, iyadoo United ay rajaynayso inuu si buuxda ugu diyaar garoobo kulanka furitaanka Premier League ee ay la ciyaari doonaan Hull City.