Skysom Media

Skysom Media π‘Ίπ’Œπ’šπ’”π’π’Ž π‘΄π’†π’…π’Šπ’‚ π’Šπ’” 𝒂𝒏 π’Šπ’π’…π’†π’‘π’†π’π’…π’†π’π’• π’…π’Šπ’ˆπ’Šπ’•π’‚π’ π’‘π’π’‚π’•π’‡π’π’“π’Ž π’…π’†π’π’Šπ’—π’†π’“π’Šπ’π’ˆ 𝒓𝒆𝒂𝒍 π’”π’•π’π’“π’Šπ’†π’”, π’“π’†π’π’Šπ’‚π’ƒπ’π’† π’π’†π’˜π’”.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA LAASCAANOOD EE XARUNTA DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI...
16/01/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA LAASCAANOOD EE XARUNTA DOWLAD-GOBOLEEDKA WAQOOYI BARI

Laascaanood, Jannaayo 16, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhaca...
14/01/2026

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

13/01/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyeed iyo wadajireed ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay mas’uuliyad weyn iska saareyso in wax kasta oo taabanayo nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambe...
13/01/2026

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah e...
12/01/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway, oo u kuurgalayay saameynta abaarta Jubaland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in abaartu ay saameysay in ka badan 1.5 milyan oo qof, ayna dishay kumannaan xoolo ah. Wuxuu xusay in gargaar kooban la gaarsiinayo dadka ay saameysay abaartu, balse uu jiro baahi degdeg ah oo loo qabo biyo iyo cunto.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Bulshada Caalamka, shacabka iyo qurbajoogta inay ka qeyb qaataan gurmad degdeg ah si looga hortago macaluul.

Dhuusamarreeb, 12 Janaayo 2026;Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta caasimadda Dhuusama...
12/01/2026

Dhuusamarreeb, 12 Janaayo 2026;

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta caasimadda Dhuusamarreeb ka daahfuray Qorshaha Isbeddelka Dowladda Galmudug ee sanadaha 2026–2030.

Qorshahan oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Galmudug, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey khubarada iyo bahda farsamo ee ka shaqeysay diyaarintiisa. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan hay’adaha Dowladda, maamulka hoose iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo himilooyinka shacabka Galmudug.

XIRIIRKA SOOMAALIYA & IMAARAATKA β€” MAXAA KA DHALAN KARA?Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka Car...
10/01/2026

XIRIIRKA SOOMAALIYA & IMAARAATKA β€” MAXAA KA DHALAN KARA?

Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa maraya marxalad adag. Arrintan waxay yeelan kartaa saameyn weyn oo taabanaysa siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda dalka.

➑️ Siyaasadda: Khilaafkani waxa uu wiiqi karaa xiriirka Soomaaliya la leedahay Imaaraatka, isagoo abuuri kara faragelin siyaasadeed iyo cadaadis diblomaasiyadeed.

➑️ Amniga: Iskaashiga la dagaalanka argagixisada ayaa daciifi kara, taasoo abuuri karta fursado argagixiso.

➑️ Dhaqaalaha: Maalgashi iyo taageero horumarineed oo yimid Imaaraatka ayaa si ku meel gaar ah hoos u dhici kara, saameynaya shaqo abuur iyo adeegyada bulshada.

➑️ Diblomaasiyad Goboleed: Soomaaliya waxay u baahan doontaa inay la qabsato xulasho saaxiibtinimo oo dheellitiran, iyadoo ka fiirsaneysa xiriirro kale sida Turkiga, Qatar ama dalal kale.

➑️ Bulshada: Khilaafka noocan oo kale ah waxa uu abuuri karaa dood iyo kala aragti duwanaansho ku saabsan doorashada siyaasadda dibadda iyo madax-bannaanida qaranka.

Gunaanad: Waa muhiim in la raadiyo wada-hadal iyo dhexdhexaadin si loo ilaaliyo danaha qaranka loona xaqiijiyo nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Skysom media

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadd...
09/01/2026

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Jimcaha boqolaal ka mid ah shacabka Muqdisho kula tukaday Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, isagoo ay wehliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed ee dowladda iyo ka hortagga faragelinta shisheeye, isagoo ku baaqay midnimo iyo in la difaaco madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

08/01/2026

β€œNabadda ka jirta galbeedka Gobolka Mudug waxaa suurtagal ka dhiga isla markaana ilaaliya wadajirka iyo walaaltinimada beelaha Leelkase iyo Sacad, kuwaas oo ah laf-dhabarta xasilloonida, wada noolaanshaha iyo horumarka bulsho ee deegaannada galbeedka Mudug,”
ayuu yiri Afhayeen Cali Cismaan Xaashi (Cali Kabiin).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka Soomaaliyeed u jeed...
08/01/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka Soomaaliyeed u jeedin doona khudhad ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo dadaalada diblomaasiyadeed iyo sharci ee Dowladdu ay ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

04/01/2026

Galmudug waxa ay noqotay gogosha soomaali isu keenta, Qoor Qoorna waxa uu noqday Nabadoon soomaali isku wadi kara

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Bayaan kasoo baxay,  lagu sheegay, in Tabashooyin shakhsi oo uu qabey MD h**e sharif sheikh Ah...
04/01/2026

Xisbiga Himilo Qaran ayaa Bayaan kasoo baxay, lagu sheegay, in Tabashooyin shakhsi oo uu qabey MD h**e sharif sheikh Ahmed xal laga gaarey.

Address

Mogadisho

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Skysom Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Skysom Media:

Share

Category