Cubayd khalaf

Cubayd khalaf Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Cubayd khalaf, Marketing Agency, macmacaanka Wadada jaale ziyaad, Mogadishu.

30/10/2025

أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ نَفْسِي..

17/10/2025

Jumaca wanaagsan

16/10/2025
05/10/2025

Xantu midnimada ayay baabi'isaa, xidhiidhadana waa ay dumisaa ee maanta maxaa ka badan diradiraalayaasha!.

Marka uu qof walaalkii wanaag ka sheego isaga oo Maqan, ma helaysid qof gaadhsiiya, laakiin haddii uu xumaan ka sheego waa ay u baratamayaan. Dadkii h**e, waxa dhaqan u ahayd in ay iska fogeyaan diradaraalaha.

Fudayl binu Cayaad ayaa yidhi: waxa aan la joogay Wahab binu Munabbah"1, deedna nin baa u yimid oo ku yidhi: "hebel ayaan soo maray oo waa un ku caayay."

Wahab ayaa ku yidhi:
"Shaydaanku ma waayay ergey aan adiga ahayn?!"
"Fadlan, ha Noqonin ergo Shaydaan.".

21/09/2025

نصف جمال الإنسان لسانة فاحسنوا حديثكم ❤️

14/09/2025

Maxaa salaaddu uga khayr bagan tahay hurdada؟!

☜ Jawaabta: ↓

• Waxay uga wanaagsan tahay hurdada:
Waayo hurdadu waa ka jawaabista baahida nafta,
laakiin salaaddu waa ka jawaabista yeedhmada Ilaahay.

• Waxay uga wanaagsan tahay hurdada:
Waayo hurdadu waa dhimasho yar,
laakiin salaaddu waa nolol.

• Waxay uga wanaagsan tahay hurdada:
Waayo hurdadu waa nasashada jidhka,
laakiin salaaddu waa nasashada nafta.

• Waxay uga wanaagsan tahay hurdada:
Waayo hurdada waxaa wada seexda mu’min iyo gaalba,
laakiin salaadda ma tukado waxaan mu’min ahayn.

Dadkaan tukada salaadda fajarka waa dad guuleystay: wejiyadoodu waa iftiimaan, jahooyinkoodu waa barako, waqtigooduna waa la camiray.
Haddii aad ka mid tahay, u mahadnaq Ilaahay fadligiisa.
Haddii aadan ka mid ahayn, weyddiiso Ilaahay inuu kaa dhigo kuwaas ka mid ah.

Waxaan ka tagi doonaa dunida, raadkeennu se wuu harayaa.

04/09/2025
Noloshu waxay u muuqataa mid sahlan marka laga hadlaayo,way adkaaneysaa marka lala tacaalayo,way xanun badantahay marka ...
10/07/2025

Noloshu waxay u muuqataa mid sahlan marka laga hadlaayo,
way adkaaneysaa marka lala tacaalayo,
way xanun badantahay marka lagu noolaado,
way ku daalisaa marka lagu ordayo tartankeeda,
way gaabisaa marka laga fikiraayo,
laakiin waa cajiib marka la ku qanacsan yahay...!!

✍🏻

Awoodda DucadaDucadu waa hibo weyn oo uu Ilaahay siiyay addoomihiisa. Waa hab gaar ah oo qofku Ilaahay ugu bandhigi karo...
28/01/2025

Awoodda Ducada

Ducadu waa hibo weyn oo uu Ilaahay siiyay addoomihiisa. Waa hab gaar ah oo qofku Ilaahay ugu bandhigi karo baahidiisa, uguna mahadcelin karo nimcooyinka uu helay. Ducadu waa jidka tooska ah ee qofku uga raadsado raxmadda iyo naxariista Rabbigiis, waana mid qofka qalbigiisa deganaan iyo rajo galisa.

Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku yiri: " ادْعُونِي أَسْتَجِبْ لَكُمْ " (Ghaafir: 60). Taas macnaheedu waa in ducada aan marna laga daalin, waayo Ilaahay waa maqlaa, waana aqbalaa baryada qofka haddii ay kheyr u tahay.

Ducada waxay qofka siisaa awood uu ku wajaho caqabadaha nolosha. Marka qofku baryo oo uu Ilaahay talada saarto, wuxuu dareemaa yididiilo iyo kalsooni ah in xalku uu soo dhow yahay. Sidoo kale, ducadu waxay qofka baraysaa sabir iyo dulqaad, iyadoo xasuusinaysa in wax walba xilligeeda ku yimaadaan.

Waxaa jira waqtiyo si khaas ah oo ducada la aqbalo sida: Xilliga salaadda kadib, habeenka saqda dhexe, maalinta Jimcaha galinkeeda dambe, iyo inta lagu jiro soonka.

Ducada ma ahan oo keliya in wax la waydiisanayo Alle, balse waa fursad uu qofku dembi dhaaf ku dalbado sidoo kalena mahadnaq uu ku muujiyo. Waa habka ugu fiican ee qofku ku muujin karo xiriirkiisa dhow ee uu Ilaahay la leeyahay.

Marka, haka daalin ducada. Waa furaha guusha, farxadda, iyo xasiloonidda nolosha. Xusuusnow in Ilaahay mar walba kuu dhow yahay, diyaarna u yahay inuu aqbalo baryadaada, si uu kuu siiyo kheyrka aad mudan tahay.

Omer

Qoraagii weynaa ee reer Masar, Yuusuf Al-Sibaaci, waxa uu qoray sidatan:((Aniga oo webiga Niil daantiisa ku lugo-baxsana...
16/05/2024

Qoraagii weynaa ee reer Masar, Yuusuf Al-Sibaaci, waxa uu qoray sidatan:

((Aniga oo webiga Niil daantiisa ku lugo-baxsanaya, ayay indhahaygu qabteen dukaan albaabkiisa ay ku qoran tahay “Dukaanka Akhlaaqda lagu Iibiyo, Jumlo iyo Tafaariiq”.

Dukaankii ayaan galay, mise waaba jawaanno is dhinac yaal oo ay ku dul qoran tahay:
- Run
- Been
- Raganimo
- Geesinimo
- Munaafaqnimo iwm.

Waxa aan markaas iibsaday dhawr garaamo oo raganimo ah, waxana aan ku cabay xoogaa biyo ah, markaasna guriga ayaan ku soo laabtay.

Soddohday oo inala degganayd baan guriga ka eryay, xaaskaygii oo arrinkaas si caro leh uga fal-celisayna waan furay. Carruurtii ayaa go’aankayga ka hor timid, iyagana waan eryay, habeenkaasna keligay baan guriga seexday.

Subaxdii xigtay, aad baan hurdada ugu daahay, waxana aan shaqada aaday aniga oo deggan oo aanay degdegi igu jirin.

Markii aan iridka shaqada istaagay, nin aannu shaqo wadaag nahay baa igu yiri: “Xaggeed ku soo daahday, maamulaha ayaa ku doon-doonayay eh”. Maamulihii inta aan u galay baan feeray, daqiiqado keddibna shaqo la’aan baan ahaa.

Gurigii ayaan ku laabtay aniga oo shaqadii la iga soo eryay, xaas iyo carruurna aan gacan ku hayn. Maxaan sameeyaa?

Waxa aan ku laabtay ninkii dukaanka lahaa, waxana aan ka iibsaday xoogaa munaafaqnimo ah, intii aan galabtii la gaarinna reerkii ayaan dib isugu soo celiyay.

Subaxdii dambe, aroor h**e ayaan kacay, igumana ay qaadan wax saacad ka badan si aan shaqadaydii dib u soo ceshado oon weliba u noqdo shaqaale kalsooni lagu qabo.

Maalintaas oo dhan dukaankii daanta webiga Niil ku yaallay baa niyadda iiga yaallay. Markii aan shaqada ka baxay, dukaankii ayaan toos u aaday, waxana aan ka iibsaday wixii munaafaqnimo tiillay oo dhan.

Buundo webiga Niil dul marta inta aan la dul istaagay baan munaafaqnimadii oo dhan webiga ku daadiyay. Ummaddii oo dhan baana ka cabtay. Maalintaas laga soo billaabo ilaa maalinta maanta ah xaalka ummaddu sida uu yahay waa adiga arkaya)).

28/04/2024

Caalimkii Ibnu Khalduun, isaga oo ka baxsanaya xil siyaasiya oo la doonayey in loo magacaabo ayuu dhuumasho ku galay qalcad ku taalla deegaanka Wahraan (Oran) oo hadda dalka Aljeeriya ka tirsan.

Amiirkii dawladdii degmada Tilimsaan oo hadda ka tirsan woqooyiga Aljeeriya ayaa Ibnu Khalduun u soo jeediyey in uu u magacaabo xil safiirnimo, Ibnu Khalduun xilkii waa uu diiday, laakiin Amiirku waxa uu ku adkaystay in xilkaas aan looga maarmayn oo ay qasab tahay in uu qabto.

Ibnu Khalduun isaga oo diidan in xil uu qabto, ogna xabsi iyo ciqaab waxa uu ku mudan karo diidmadiisa, ayaa uu ka baxsaday. Waxa aanu tegey deegaanka Wahraan (Oran), waxa aanu qabiilkii deggenaa ka ka codsaday in ay magangelyo siiyaan, isla markaana ka ergeeyaan in aan xilkaas loo magacaabin.

Qabiilku aad ayuu u soo dhoweeyey caalimkan, kaddibna guddi ergo dhaqameed ah ayaa ay u direen amiirkii, iyaga oo ka codsanaya in uu xilkaas ka daayo odayga.
Intaas kuma ay joogsan ee waxa ay u dhiseen qalcad uu d**o, waxa aanay u soo rareen qoyskiisa oo xabsi guri ahaan u joogay magaalada Fes oo dhacda dalka Marooko.

Muddo afar sanno ah ayaa uu Ibnu Khalduun deggenaa gabboodkan oo loo yaqaannay ‘Qalcadda bani Salaama’, isaga oo u go’ay qoraalka iyo soosaarista cilmiga. Waxa uu muddadaas qoray kitaabkiisa caan baxay ee Muqaddimah iyo kitaabka ‘Alcibar’.

Ibnu Khalduun, marka laga tago in uu ahaa caalim lahaa aasaaska cilmiga bulshada, taariikhda iyo aragtinno muhiim ah oo ay ka mid tahay cilmiga dhaqaalaha. waxa uu sida oo kale ahaa siyaasi, diblumaasi, milateri iyo garyaqaan mansabyo muhiim ah ka qabtay dawlado iyo boqortooyooyin kala duwan oo Bariga dhexe, woqooyi Afrika iyo Yurub isugu jira.

Address

Macmacaanka Wadada Jaale Ziyaad
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cubayd khalaf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share