Dheeh Media

Dheeh Media kalasoco wararka

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAAL GOBOL. Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray...
31/03/2026

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAAL GOBOL.

Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer - Madaxweyne Lr. 003 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyeyaasha Gobol.

Gobolka Bari :-

1. Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Bari.

2. Faarax Maxamed Cabdullaahi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Bari

3. Faarax Salaad Cubayd waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Bari.

Gobolka Karkaar : -

1. Cabdullaahi Ismaaciil Cismaan waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Karkaar

Gobolka Sanaag: -

1. Cali Xusseen Maxamuud Soomaali waxa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Gobolka Haylaan: -

1. Maxamed Faarax Ciise waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Haylaan.

Raasi-Casayr:-

1. Muuse Saalax Guulleed waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Raasi-Casayr.

Gobolka Nugaal:-

1. Cabdiqaadir Cismaan Samatar (Food-cade) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Gobolka Mudug:-

1. Cabdiweli jibriil Bayle waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug.

2. Cabdulqaadir Warsame Kooshin waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug.

3. Mukhtaar Cabdikariim Cilmi waxaa loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee gobolka Mudug.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

- XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA EE DOWLADDA PUNTLAND. Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha ...
31/03/2026

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNO KA MID AH GOLAHA WASIIRADA EE DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe : 31 March 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Wasiirada :-

1. Abdirashiid Barkhadle Warsame
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .

2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

4. Barre Yuusuf Faatax
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin .
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

6. Hodon Siciid Xasan
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska .

7. Farxaan Cali Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .

8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel .
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa

9. Caydaruus Axmed Faarax
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .

11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka .

12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

13. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska .

Wasiir Ku-xigeennada: -

1. Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .

2. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud .
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta .

4. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

5. Maxamed Xasan Ibraahim
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

6. Musadaq Maxamed Musadaq
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.

7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase)
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha.

9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsade
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .

10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabdi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

11. Xasan Jaamac Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.

12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .

13. Maxamed Siciid Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.

14. Axmed Siciid Qoloombi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

15. Riyaad Axmed Cali
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka.

16. Maxamuud Maxamed Daad
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

Wasiiru Dowleyaasha:

1. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Gobolka iyo Federaaleynta.

2. Faarax Maxamuud Aw-cismaan
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.

3. Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta .

4. Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

5. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .

6. Cali Maxamed Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka .

7. Eng Maxamed Ciise Lacle
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada .

8. Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deero-dile.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .

9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa .

10. Siciid Maxamed Awaare
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

11. Amb Maxamed Axmed Cawil
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta , Macdanta iyo Biyaha .

12. Najiib Barkhad Warsame
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

13. Mukhtaar Axmed Odey
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

14. Axmed Ibraahim Cawaale (Biid)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga .

* Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waana uu saxiixay.

Guddoomiyaha Baanka Dowladda Puntland, waxa noqday Aqoonyahan oo ah dhaqaaleyahan leh khibrad ballaadhan oo ku saabsan h...
31/03/2026

Guddoomiyaha Baanka Dowladda Puntland, waxa noqday Aqoonyahan oo ah dhaqaaleyahan leh khibrad ballaadhan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maaliyadda. Waxa uu soo hoggaaminayey kulliyadda dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Jamacadda Bariga Africa.

Waxa uu sidoo kale khibrad dheer u leeyahay mashariicda horumarinta iyo dhaqaalaha isagoo la soo shaqeeyey hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin One Earth Future (Shuraako), VNG International, United Nations, iyo USAID.

Amiin waxa uu bartay cilmiga dhaqaalaha, horumarinta, iyo maaliyadda, wuxuuna haystaa saddex shahaado oo heer jaamacadeed sare ah (Master’s), kuwaas oo uu ka kala qaatay dalalka Uganda, UK iyo Switzerland.

Dheeh Media

Saamiga siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa kordhay: 4 wasiir, 3 wasiir ku xigeen, 1 wasiir dowlaha, xisaab...
31/03/2026

Saamiga siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa kordhay: 4 wasiir, 3 wasiir ku xigeen, 1 wasiir dowlaha, xisaabiyaha guud, iyo guddoomiyaha bangiga Puntland ayey heleen.

Dheeh Media

Hambalyo Caaqil Faarax Maxamuud Cabdullaahi, Hambalyo Ader Xilka ALLA ha kugu asturo.Dheeh Media
31/03/2026

Hambalyo Caaqil Faarax Maxamuud Cabdullaahi,
Hambalyo Ader Xilka ALLA ha kugu asturo.

Dheeh Media

Congratulations Congratulations 🎊 Sxb wasir Hon Ahmed Yasin Salah  wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada puntland Runti...
31/03/2026

Congratulations Congratulations 🎊

Sxb wasir Hon Ahmed Yasin Salah wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada puntland

Runtii waa shakhsi qiimo badan ku haboon shaqda loo igmaday horayna dalka horuumar fiican kasameeyay

Guuulayso oo horay u soco sxb

Dheeh Media

Siyaasi Cabdirashiid Doobiye oo loo Magacaabay wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga PuntlandDheeh Media
31/03/2026

Siyaasi Cabdirashiid Doobiye oo loo Magacaabay wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland

Dheeh Media

Hambalyo Cabdifataax ugaas yaasiin ayaa loo magacaabay wasiirka Duulista iyo Hawadda Garoomada PuntlandDheeh Media
31/03/2026

Hambalyo Cabdifataax ugaas yaasiin ayaa loo magacaabay wasiirka Duulista iyo Hawadda Garoomada Puntland

Dheeh Media

Waan u hambalyeynaynaa dhammaan wasiirrada cusub  ee Puntland, si gaar ahna saaxiibkay Bille M Qabowsade oo ka mid ahaa ...
31/03/2026

Waan u hambalyeynaynaa dhammaan wasiirrada cusub ee Puntland, si gaar ahna saaxiibkay Bille M Qabowsade oo ka mid ahaa wasiirraddii AHN madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, haddana khibraddiisa looga maarmiwaayey.

Dheeh Media

Hadda Ogow Qabiillada ay kasoo jeedaan xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ee Madaxweyne Siciid Deni isku shaandhaynta, i...
31/03/2026

Hadda Ogow Qabiillada ay kasoo jeedaan xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ee Madaxweyne Siciid Deni isku shaandhaynta, isku beddelka iyo magacaabista ku sameeyay.

1- Abdirashiid Barkhadle Warsame oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha DHULBAHANTE, BAHARARSAME ayaa noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta

2- Abdi Xirsi Qarjab oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, CIISE-MAXAMUUD ayaa noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha

3- Maxamed Faroole oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, CIISE-MAXAMUUD ayaa noqday Wasiirka Caafimaadka

4- Barre Yusuf Fatax oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, SIWAAQROON ayaa noqday Wasiirka Qorshaynta

5- Abdifatax Ugas Yasin oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha DASHIISHE ayaa noqday Wasiirka Duulista

6- Hodon Siciid Xasan oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, CUMAR ayaa noqotay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

7- Farxan Ali Xirsi oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, R. BICIIDYAHAN ayaa noqday Wasiirka Warfaafinta

8- Siciid Jamac Qoorsheel oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, CUMAR ayaa noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha

9- Caydaruus Axmed Faarax oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, CUMAR ayaa noqday Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

10- Maxamed Abdulqadir Doonyaale oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha WARSANGELI, DUBAYS ayaa noqday Wasiirka Kaluumaysiga

11- Abdinasir Yusuf Xirsi oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha LEELKASE ayaa noqday Wasiirka Gargaarka

12- Cumar Cabdisamad Dhuux oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha MAJEERTEEN, CUMAR-MAXAMUUD ayaa noqday Wasiirka Beeraha

13- Maxamuud Caydiid oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha DHULBAHANTE, JAAMAC-SIYAAD ayaa noqday Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

FG. K**a dhigna Qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa inaad si fudud u fahamto metelaada beeshaadu ka heshay wax ka bedelka Madaxweyne Deni ku sameeyay xukuumaddiisa.

Dheeh Media

Address

Maka Al Mukarama Road
Bosaso
BR99999

Telephone

+252905724841

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dheeh Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dheeh Media:

Share