18/04/2025
Natiijo deg deg ah ha raadin, marka aad qorshe ama yool dagsato, qorshahaaga wuxuu u baahanyahay waqti iyo sabar si aad u xaqiijiso yoolkaaga.
Tusaalaheena maanta waa nabiyullahi Yuunus CS,
Nabi Yuunis (CS), oo sidoo kale loo yaqaan Dhun-Nuun ama Saxiibkii kalluunka, wuxuu ahaa nebi loo diray qoomkiisa si uu uga digo gaalnimada. Markay ka dhega adeegeen fariintii uu Eebe kaga keenay ay diideen, Nabi Yuunis wuu ka xanaaqay wuuna ka tagay qoomkiisii isagoo aan sugaynin amarka Eebbe. Markuu raacay dooni, waxaa dhacay duufaano waa wayn, waxaana la go’aansaday in la tuuro mid ka mid ah dadka doonida saaranaa si ay u badbaadaan. waxaa sidaas doonta looga tuuray nabi Yuunus CS, Markaasuu kalluun liqay,
Qur’aanku wuxuu leeyahay,*فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ الْمُدْحَضِينَ*(As-Saaffaat: 141) .* فَالْتَقَمَهُ الْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ *(As-Saaffaat: 142),
Intuu caloosha kalluunka ku jiray, wuxuu ku baryay Eebbe ducada caanka ah:
فَنَادَىٰ فِي ٱلظُّلُمَٰتِ أَن لَّآ إِلَٰهَ إِلَّآ أَنتَ سُبْحَٰنَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
(Al-Anbiyaa: 87).
Eebbe ducadiisii wuu aqbalay, wuuna ka samatabixiyay murugada:
*فَٱسْتَجَبْنَا لَهُۥ وَنَجَّيْنَـٰهُ مِنَ ٱلْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُـۧجِى ٱلْمُؤْمِنِينَ*
(Al-Anbiyaa: 88).*
Qisadani waxay na baraysaa:
1: In deg deg natiijo loo raadin ee sabarku muhiim yahay.
2: In aan laga caroonin qadarka Eebbe.
3: In ducada toobadda ay tahay badbaado.
4: In Eebbe uu yahay Naxariistaha ugu weyn.