22/06/2026
Yool Media ayaa heshay nuqul kamid ah qorshe maalmeedka Guddiga Sare ee Golaha Wasiirada ee Xuska
Maalmaha Xorriyadda.
Jadwalka maanta ayaa muujinaya in labo wafdi kala tagi doonaan Degmada Dayniile & Deegaanka Gubta.
Wafdiga Gubta waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh waxaana qeyb ka ah Wasiir Fiqi & Xasan Macalin .
Halka Dayniile ay tagi doomaan Wasiirka warfaafinta & Wasiirka Haweenka .
Kulamadaan waxaa suurto-gal ah in ay baaqdaan maadaama roobab xoogan ka da’een labada degmo saacadihii lasoo dhaafay .