15/10/2025
Maata Maxaa dolow ka dhacay
Maanta magaalada Dooloow ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dhacdo xiisad dhalisay oo u dhaxeysa ciidanka Soomaaliya, maamulka Jubaland, iyo ciidamada Itoobiya.
Wararka la helayo waxay sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula xiriireen ciidamada Itoobiya, iyagoo ka codsaday in ay diyaarad militari kusoo dejiyaan garoonka Dooloow ee dhinaca Soomaaliya.
Hase yeeshee, maamulka Jubaland ayaa arrintaas ka hor istaagay oo diiday in diyaaraddaas kusoo degto garoonka ku yaalla dhulka ay iyagu maamulaan.
Markii diyaaraddii ay soo dhawaatay, waxaa la sheegay in rasaas digniin ah lagu furay, taasoo sababtay in duuliyihii diyaaradda loogu sheego inuusan ku degin Dooloow (Soomaaliya), balse uu ku d**o Dooloow dhinaca Itoobiya ee ay Itoobiyaanka maamulaan.
Diyaaraddii sidaas ayay ku dagtay halkaas, waxaana la xaqiijiyay in shir xiran (albaabada u xiran) uu hadda ka socdo halkaas, oo ay ku kulmeen saraakiish
Arrinta ayaa loo arkaa mid fadeexad iyo dhaawac u ah madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama ciidamadeeda lagu qasbay in ay marti uga noqdaan ciidamo shisheeye xilli ay isku dayayeen in ay ku degaan dhulkooda hooyo.