Waaxda Ciise-Cabdi Deg Gubta

Waaxda Ciise-Cabdi Deg Gubta Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Waaxda Ciise-Cabdi Deg Gubta, Social Media Agency, gubta, Mogadishu.

05/08/2026

Maamulka Deegaanka Gubta Oo Soo Dhaweeyay Wafdi Isugu Jira Siyaasiyiin iyo Qurbo joog.

Maamulka Deegaanka Gubta ayaa maanta si heer sare ah u soo dhaweeyay wafdi ay hoggaaminayeen Siyaasi Cabdisataar, gudoomiyihi h**e ee dhalinyada qaranka Maxamed Jaanbiyoon, Xabiib, gacansade Abdisamad aweis sheikh mohamud iyo xubno ka tirsan qurbo-joogta Soomaaliyeed oo booqasho ku yimid deegaanka Gubta.

Mas'uuliyiinta hormuudka ka ahaa soo dhaweynta ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Deegaanka Gubta, Taliyaha Saldhigga Booliska Gubta iyo Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi, kuwaas oo wafdiga ku qaabilay jawi xushmad, wadajir iyo soo dhaweyn diirran ku dheehan tahay.

Maamulka Deegaanka Gubta ayaa sheegay in booqashada wafdigan ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya maamulka, bulshada deegaanka iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo nabadda, midnimada iyo horumarka deegaanka.

Ugu dambeyn, maamulka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda, isagoo adkeeyay in albaabada Deegaanka Gubta ay mar walba u furan yihiin dhammaan shacabka iyo shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya horumarka iyo adeegga bulshada.

24/07/2026

Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi, Mudane Abdifitah Mohamed Hussein (Shiilow), ayaa si rasmi ah u furay Tartanka Kubadda Cagta ee Xaafadda Garaashta ee Waaxda Ciise-Cabdi Deg Gubta.

Munaasabadda furitaanka oo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro, waxgarad, ciyaartoy iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku dhacday jawi farxad iyo is-dhexgal bulsho.

Guddoomiyaha ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin horumarinta dhalinyarada, xoojinta midnimada bulshada iyo ka fogaanshaha waxyaabaha wax u dhimaya mustaqbalkooda.

Waxa uu ballan qaaday in maamulka Waaxda Ciise Cabdi uu sii wadi doono taageerada barnaamijyada isboortiga iyo dadaallada lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka tartanka, isaga oo u rajeeyay dhammaan kooxaha ka qeybgalaya guul.

12/07/2026

๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐š๐ฑ๐๐š ๐‚๐ข๐ข๐ฌ๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข

Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi ee Deg. Gubta, Mudane ๐‚๐š๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ฑ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง (๐’๐ก๐ข๐ข๐ฅ๐จ๐ฐ) ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan howlaha lagu dhigayo interlock-ka waddooyinka ee waaxda.

Guddoomiyuhu wuxuu si dhow ula socday tayada iyo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka, isagoo faray masuuliyiinta iyo shirkadaha fulinaya mashruuca inay ilaaliyaan tayada, dardargeliyaan howlaha, isla markaana shacabka u qabtaan adeeg hufan oo waara.

Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo bilicda iyo isku socodka Waaxda Ciise Cabdi, si bulshada loogu helo waddooyin casri ah iyo hormarinta adeegyada bulshada.

26/06/2026

Maamulka Deegaanka Gubta ayaa xalay qabtay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadda qaateen 26-kii Juun 1960, taas oo ahayd billowgii hirgelinta himiladii gobannimo-doonka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Gabagabadii, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo waddaniyad ku dheehan tahay, iyadoo ka qaybgalayaashu ay muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

25/06/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta soo gabagabeeyey sannad-dugsiyeedka 2025โ€“2026.

Munaasabaddan farxadda leh awgeed, waxaan si gaar ah u ammaanayaa dadaalka iyo kartida ay muujiyeen ardaydu intii uu socday sannadkan waxbarasho. Sidoo kale, waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinayaa waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka dugsiyada oo door weyn ka qaatay kobcinta iyo hagidda jiilka Soomaaliyeed.

Ardayda qaaliga ah, guusha maanta aad gaadheen waa tallaabo muhiim ah, balse waa bilowga safar dheer oo aqoon, hufnaan iyo horumar ku dhisan. Ku dadaala inaad aqoontiinna ku lammaanisaan akhlaaq wanaagsan, waddaniyad iyo adeeg bulsho, si aad u noqotaan jiilka horseeda mustaqbal ifaya oo Soomaaliya leedahay.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu idiin fududeeyo heerarka waxbarasho ee idin soo socda, idinkana dhigo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryayaa inuu xifdiyo waalidiinta iyo macallimiinta ku dadaalaya korinta iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajaynayaa fasax farxad leh, caafimaad qaba, iyo sannad-dugsiyeed cusub oo ay ka buuxaan guulo iyo horumar.

Guul iyo gobannimo.

Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi ee Deegaanka Gubta, Mudane Abdifitah Mohamed Hussein (Shiilow), ayaa si heer sare ah ugu...
24/06/2026

Guddoomiyaha Waaxda Ciise Cabdi ee Deegaanka Gubta, Mudane Abdifitah Mohamed Hussein (Shiilow), ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay deegaanka Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Isbitaalka Digfeer Mudane Maxamed Xuseen Ashraf.

Masโ€™uuliyiintan ayaa lageeyay goobaha dalxiiska ee muuqaalada quruxda badan ee deegaanka Gubta, iyagoo indhahooda ku soo arkay bilicda deegaanka iyo horumarka jira.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in booqashadani ay xoojinayso xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeysa bulshada iyo masuuliyiinta dowladda, halka martiduna ay bogaadiyeen soo dhaweynta diirran iyo quruxda dabiiciga ah ee deegaanka Gubta.
Soo dhaweyn sharaf leh iyo dalxiis xusuus mudan ayaa qeyb ka ahaa booqashadan, taas oo ku soo idlaatay jawi farxad iyo is-xushmeyn ku dheehan tahay.

17/06/2026

Guddoomiyaha waaxda Ciise Cabdi ee dag Gubta Mudane Abdifitah Mohamed Hussein (Shiilow) ayaa kormeer shaqo ku tagay mid ka mid ah xarumaha lagu qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe, kaas oo si rasmi ah uga bilowday guud ahaan dalka, iyadoo kumannaan arday ay u fariisteen imtixaanka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyuhu waxa uu warbixin ka dhagaystay macallimiinta iyo kormeerayaasha masuulka ka ahaa ilaalinta habsami u socodka imtixaanka. Masuuliyiintaasi ayaa sheegay in imtixaanku ku bilowday jawi degan oo wanaagsan walina ayna lakulmin wax caqabad ah, ayna rajeynayaan inuu sidaas ku soo dhammaado.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale booqday fasallada lagu galayay imtixaanka, isaga oo si toos ah ula hadlay ardayda. Waxa uu kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal, degganaansho iyo kalsooni inta ay imtixaanka ku jiraan, isaga oo u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Inta uu wax qabad muqda iyo hormar qaabaeyay
14/06/2026

Inta uu wax qabad muqda iyo hormar qaabaeyay

13/06/2026

Waaxda ciise Cabdi

Address

Gubta
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaxda Ciise-Cabdi Deg Gubta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share