Yasir Abdiladiif

Yasir Abdiladiif journalist|Blogger|Marine Science student|storytelling & visual creativity.

  Dowladda Federaalka ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi la...
28/05/2026

Dowladda Federaalka ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi la gaarsiinayo ciidamo dheeraad ah iyo saanad ciidan, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha dowladda.

Ciidamo ku sugnaa deegaanka Xananbuure oo dhowaan tababar loo soo xiray ayaa la qorsheynayaa in hub la siiyo, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo qorshaha dowladda ee la xiriira arrimaha doorashada.

Ciidamadan ayaa katirsan Qeybta 21-aad, waxaana laga kala keenay deegaano ka tirsan Hiiraan, Mudug iyo Galguduud. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in ciidamadaasi toddobaadka soo socda si rasmi ah ula wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo Villa Somalia ay doonayso in lagu qabto munaasabadda JSP, isla markaana ay gaaraan xubnaha guddiga doorashada ee haatan kasoo ambabaxay Baydhabo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa la sheegay inuu ka biyo diidan yahay hannaan doorasho oo lamid ah kii ka dhacay Koonfur Galbeed, iyadoo weli ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo is barbar socda, dhinac walbana uu isku dayayo inuu xaqiijiyo ajandihiisa siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale sii xoogeystay dhaq-dhaqaaqyada siyaasiyiinta iyo dhex-dhexaadiyeyaasha ku howlan arrimaha doorashada.

Hargaysa maka suurta gali kartaa ina laga xuso 1-da August ee Puntland halka Garoowe lagaga xusay 18-may.?Faallada nagul...
28/05/2026

Hargaysa maka suurta gali kartaa ina laga xuso 1-da August ee Puntland halka Garoowe lagaga xusay 18-may.?

Faallada nagula wadaag Aragtidaada.

Mudug | Dagaal beeleed salka ku haya khilaaf baraag-biyood ayaa galabta ka qarxay deegaan u dhexeeya Bursaalax iyo Bayra...
27/05/2026

Mudug | Dagaal beeleed salka ku haya khilaaf baraag-biyood ayaa galabta ka qarxay deegaan u dhexeeya Bursaalax iyo Bayra, halkaas oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub.

Xogaha hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in uu jiro tiro dhaawac ah oo kasoo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Khilaafkan baraag-biyoodka ayaa maalmihii u dambeeyey ka taagnaa deegaanka Balitumane oo dhaca inta u dhexeysa Bursaalax iyo Bayra.

Ilaa hadda lama xaqiijin wax dhimasho ah, waxaana dagaalka hakad galay markii uu mugdigu dhacay.

Garsoorayaal uu kamid yahay Guddoomiyaha Garsoorka Puntland Cabdalla Shiikha ayaa saaka shil gaari ku galay Kaantaroolka...
27/05/2026

Garsoorayaal uu kamid yahay Guddoomiyaha Garsoorka Puntland Cabdalla Shiikha ayaa saaka shil gaari ku galay Kaantaroolka Bari ee magaalada Garoowe, xilli ay ka baxeen xallay Boosaaso kuna sii jeedeen Garoowe.

Mas’uuliyiintan oo maamulayey Koobka Calmiskaad ayaa la xaqiijiyey in aanu jirin wax khasaare naf ah oo ka dhashay shilka.

27/05/2026

"Waxaa jira rag u yimid inay dab ka shidaan dhulkii dhiigga loo daadshay" Wasiir Ceydiid

27/05/2026

"Ha iskaga soo dagaan buuraha lagu dagaalamayo dadka reer guuraaga ah" Gudoomiyaha Bosaso.

26/05/2026

Xulka Caasimada Garoowe oo Koobkii kala tagay Bosaso kadib markii ay ku guulaysteen Koobka Tartanka Caasimadaha Puntland.

26/05/2026

"Daarood ma nihin, Hawiyaan nahay deegaankena waa joognaa" Shacab si adag uga soo horjeeda xasan sheikh

Garsoore Omar oo ku tilmaamay go'aankii garsoorka inuu ahaa mid sax ah oo uu ku amaanan yahay.
25/05/2026

Garsoore Omar oo ku tilmaamay go'aankii garsoorka inuu ahaa mid sax ah oo uu ku amaanan yahay.

 : Cisbitaalka Weyn ee Bosaso waxaa ku geeryooday Subeer Bashiir oo dhaawac kasoo gaaray weerar ay xalay kooxda Daacish ...
25/05/2026

: Cisbitaalka Weyn ee Bosaso waxaa ku geeryooday Subeer Bashiir oo dhaawac kasoo gaaray weerar ay xalay kooxda Daacish ku qaaday ciidamada Puntland ee ku sugan Afka Curaar ee Togga Jaceel ee Calmiskaad.

Geerida Subeer ayaa tirada askarta ku Geeriyootay weerarkaasi ka dhigaysa shan askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

25/05/2026

Maxaadan ka Ogeyn Kulankii Qardho & Garowe.

Address

Bosaso

Opening Hours

Monday 08:00 - 21:00
Tuesday 08:00 - 21:00
Wednesday 08:00 - 21:00
Thursday 08:00 - 21:00
Saturday 08:00 - 21:00
Sunday 08:00 - 21:00

Telephone

+252905902285

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yasir Abdiladiif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yasir Abdiladiif:

Share

Category