Yasir Abdiladiif

Yasir Abdiladiif journalist|Blogger|storytelling & visual creativity.

Xuur Cad waa shimbir magaceeda cilmiga ah yahay Ciconia ciconia Waa shimbir guurta oo laga helo qaybo ka mid ah Yurub, A...
15/09/2026

Xuur Cad waa shimbir magaceeda cilmiga ah yahay Ciconia ciconia Waa shimbir guurta oo laga helo qaybo ka mid ah Yurub, Aasiya iyo Afrika balse aan hal meel ku nagaannin sannadka oo dhan.

Xilliyo gaar ah ayay qaaradaha isaga kala gudubtaa, iyadoo raadinaysa cunto, cimilo ku habboon iyo goobo ay ku taranto, Waxayna quudataa cayayaanka, rahyada, xamaaratada, kalluunka yaryar iyo xayawaanno kale oo yaryar.

Waxaase shimbirtan si gaar ah loogu yaqaannaa safarrada dhaadheer ee ay samayso Marka ay guurayso, waxay ka faa'iidaysataa hawooyinka diiran ee dhulka ka kacaya, kuwaas oo ka caawiya inay cirka ku dul duusho iyadoo tamar yar isticmaalaysa.

Safarka noocaas ah ayaa mid ka mid ah xuur-cadahan ku keenay Soomaaliya si gaar ahna Puntland.

Xuur-caddii Dhuudo lagu helay

Deegaanka Dhuudo oo hoos taga degmada Bandarbayla ee bariga Puntland, ayaa laga helay xuur-cad dhimatay.

Markii h**e waxay u muuqan kartaa dhacdo caadi ah Laakiin lugta shimbirtan waxaa kaga xirnaa giraan aqoonsi, kaas oo markii la akhriyey bixiyay xog muhiim ah oo ku saabsan halka ay shimbirtu ka timid.

Shimbirta ayaa qayb ka ahayd mashruuc cilmi-baaris oo ay waddo hay'adda MME ee dalka Hungary, oo muddo dheer ka shaqaynaysay calaamadeynta iyo daraasaynta shimbiraha.

Arrintan ayaa markii dambe Puntland soo saartay xog ku saabsan shimbirta, halka ay ka timid iyo safarkii ay soo martay.

Sida muuqata, shimbirta laguma arag calaamado muujinaya in la ugaarsaday ama xayawaan kale weeraray. Si kastaba, sababta saxda ah ee dhimashadeeda lama xaqiijin karo baaritaan caafimaad la'aan.

Maxaa Lugta Uga Dhagan Shimbirahan?

Lugta shimbirtan waxaa kaga xirnaa giraan aqoonsi (bird ring) oo qayb ka ah cilmi-baarista shimbiraha.

Giraantu waxay wadatay koodh gaar ah oo ahaa UK43, kaas oo ahaa aqoonsi lagu garto shimbirtan marka meel kale lagu arko ama laga helo.

Ujeeddadu ma aha in shimbirta lagu raadraaco GPS balse Giraantu waxay cilmi-baarayaasha ka caawisaa inay ogaadaan halka ay shimbirtu u guurto, meelaha ay marto, goobaha ay ku hakato iyo haddii ay dib ugu soo noqoto meelihii ay h**e uga tagtay.

Sidaas darteed, giraanka yar ee lugta kaga xirnaa ayaa suurageliyay in la ogaado in xuur-caddan ay Hungary ka timid, kadibna safar dheer ku timid Puntland.

Sidoo kale Shimbirta maanta laga helay deegaan hoostaga garoowe ayaa ahayd mid guur-guurta taas oo iyadana ka timid goob daraaseysa ama baaritaan cilmi ku wada shimbirahan.

Safarka Shimbirku Ma Aha Mid Aan Ujeeddo Lahayn

Socdaalka shimbiraha guur-guura ma aha safar aan qorshe lahayn, Waxaa ka dambeeya baahi nololeed.

Cunto yaraanta, isbeddelka xilliyada, heerkulka iyo baahida taranka ayaa ka mid ah sababaha ku riixa xayawaanno badan inay masaafooyin aad u fog u safraan.

Xuur-cadduna waxay leedahay dariiqyo guuritaan oo jiilal badan ay soo mareen.

Qaar ka mid ah xuur-caddaha Yurubta Bari waxay u gudbaan Afrika iyagoo mara dhanka Turkiga, Bariga Mediterranean-ka iyo aagga Suez, kadibna qaar badan waxay u sii gudbaan Bariga Afrika.

Taasi waxay Puntland ka dhigaysaa meel muhiim ah oo ku dhex jirta juqraafi ahaan dunida ay shimbirahaasi ku kala safraan.

Wacyiga Bulshada: Shimbir Sirdoon Ah Mise Shimbir Guure Ah?

Dhacdadan waxay sidoo kale banaanka soo dhigtay arrin kale oo mudan in laga hadlo waana heerka aqoonta bulshada ee ku saabsan xayawaannada guur-guura.

Ka dib markii xuur-caddii Dhuudo laga helay ku xigtay mid kale oo deegaan hoos-taga garoowe bulshadu ka qabteen xuur-cad kale oo nool.

Hadallada laga duubay qaar ka mid ah dadkii qabtay ayaa muujinayay in aysan aqoon badan u lahayn nooca shimbirta iyo sababta ay meel fog uga timid.

Qaar waxay ku tilmaameen inay tahay “shimbir sirdoon ah” ama shimbir dal shisheeye laga soo diray.

Fahamka noocaas ah wuxuu muujinayaa in marka xayawaan aan caadi ahaan indhaheena u baran deegaanka uu kasoo muuqdo, ay fududahay in loo sameeyo fasiraad aan cilmi ku dhisnayn.

Laakiin shimbir lugteeda giraan ku xiran yahay ma aha caddayn muujinaysa sirdoon ama hawl qarsoon.

12/09/2026

Qabiil kaaga maxaad ka faa’iidaa ?

Dagaal culus oo saaka waaberigii h**e qarxay ayaa casar-liiqii maanta istaagay, kaas oo u dhexeeyay beelo ood-wadaag ah ...
25/07/2026

Dagaal culus oo saaka waaberigii h**e qarxay ayaa casar-liiqii maanta istaagay, kaas oo u dhexeeyay beelo ood-wadaag ah oo wada dega gobolka Sanaag.

Dagaalkan oo ka dhacay aagga u dhexeeya Dhabar-galool iyo Dawaco, ayaa sababay khasaare kala duwan oo aan illaa iyo hadda si dhab ah loo xaqiijin karin baaxaddiisa.

Wararka hordhaca ah ee na soo gaaraya ayaa tilmaamaya in illaa dhowr iyo toban qof ay ku dhinteen shaqaaqadan.

Helidda xogta oo aad u adag iyo ilo madax-bannaan oo aan weli la heli karin xilligan, ayaa adkeynaya in si dhab ah loo ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan.

Siyaasi Xasan Shire ayaa baaq degdeg ah u diray maamulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay si dhaqso ah u soo farageliyaa...
25/07/2026

Siyaasi Xasan Shire ayaa baaq degdeg ah u diray maamulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay si dhaqso ah u soo farageliyaan soona afjaraan dirirta u dhexaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Sanaag.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal mar kale waaberigii h**e ee saaka dib uga qarxay gobolka...
25/07/2026

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal mar kale waaberigii h**e ee saaka dib uga qarxay gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Dhabar-galool.

Dagaalkan oo weli socda ayaa u dhexeeya beelo ood-wadaag ah, kuwaas oo ay marar badan soo noqnoqotay colaadda u dhexaysa.

Ilaa iyo hadda ma jiraan ciidamo dowladeed ama kuwa deegaanka ah oo kala dhex galay dhinacyada dagaallamaya, marka laga reebo gurmadyo iska soo horjeeda oo u kala gurmanaya labada beelood.

Ciidamadii horay u kala dhex joogay beelahan ee xak**aynayay colaadda ayaa halkii ay deganaayeen ka baxay maalmo kahor, ilaa haddana lama oga sababta dhabta ah ee keentay ka bixitaankooda.

Ganacsatada Magaalada Bosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khidmado cusub oo dheeri ah lagu soo rogay alaaba...
24/07/2026

Ganacsatada Magaalada Bosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khidmado cusub oo dheeri ah lagu soo rogay alaabaha plastic-ga ah ee ay kala soo dagaan dekedda bosaaso.

Shucayb Daad oo Xoriyaddiisa dib u helay kadib labo maalmood oo uu ku xirnaa Xarunta Hay’dda Nabad Sugidda Pisa.
22/07/2026

Shucayb Daad oo Xoriyaddiisa dib u helay kadib labo maalmood oo uu ku xirnaa Xarunta Hay’dda Nabad Sugidda Pisa.

Warbaahinta Sabal Cable oo war-saxaafadeed ka soo saartay Xariga Wariye Shucayb:"Xariga Wariye Shucayb looma marin hab s...
21/07/2026

Warbaahinta Sabal Cable oo war-saxaafadeed ka soo saartay Xariga Wariye Shucayb:"Xariga Wariye Shucayb looma marin hab sharci ah."

Wariye Shucayb Habeenkii labaad ayuu u hoyan Xabsiga Hay'adda PISA ee magaalada Bosaso.

 : Maalintii labaad waxaa xabsiga Hay'adda Nabad Sugida Puntland ku jira Wariye Shucayb Daad. .
21/07/2026

: Maalintii labaad waxaa xabsiga Hay'adda Nabad Sugida Puntland ku jira Wariye Shucayb Daad.

.

21/07/2026

“Labo qoys ayaan ka korin jiray ganacsigan balse maanta waxba k**a hayo”

Address

Bosaso

Opening Hours

Monday 08:00 - 21:00
Tuesday 08:00 - 21:00
Wednesday 08:00 - 21:00
Thursday 08:00 - 21:00
Saturday 08:00 - 21:00
Sunday 08:00 - 21:00

Telephone

+252905902285

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yasir Abdiladiif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yasir Abdiladiif:

Shortcuts

Share

Category