03/08/2026
Sannadkii 2000, Saddam Hussein wuxuu bilaabay inuu saliidda Ciraaq ku iibiyo Yuuro (Euro) halkii uu ka isticmaali lahaa Doollarka Maraykanka. Saddex sano ka dib, Maraykanku wuxuu duullaan ku qaaday Ciraaq.
Wax hub burburin baaxad leh (Weapons of Mass Destruction) lama helin. Laakiin saliiddii Ciraaq waxay dib ugu noqotay in lagu kala iibsado doollarka.
Sannadkii 2009, Muammar Gaddafi wuxuu soo jeediyay lacag Afrikaan ah oo dahab lagu taageerayo, loona bixiyay Dinaarka Dahabka ah (Gold Dinar). Taas waxay u oggolaan lahayd waddamada Afrika inay saliid ku iibsadaan iyagoo aan adeegsan doollarka.
Sannadkii 2011, NATO waxay faragelin ku sameeyeen Liibiya iyagoo ku sababeeyay "arrimo bani'aadamnimo."
Gaddafi waa la dilay, Fikraddii Dinaarka Dahabka ahna halkaas ayay ku dhammaatay, Saliiddii Liibiya waxay dib ugu noqotay doollarka.
Sheeko Xiiso leh
Waxaan bilaabay inaan arko qaab soo noqnoqda.
Waxa dhab ahaantii dhacay 1971 iyo 1974 waa halka ay sheekadani ka bilaabato, Richard Nixon wuxuu 1971 meesha ka saaray nidaamkii dahabka (Gold Standard), Doollarku wuxuu noqday lacag aan dahab lagu taageerin, balse ku dhisan kalsooni keliya, Waxaa la filayay inuu qiimo beelo, balse sidaas ma dhicin.
Saddex sano ka dib, Henry Kissinger wuxuu heshiis la galay Sacuudiga, Heshiisku wuxuu ahaa In saliidda lagu iibiyo doollar oo keliya
Maraykankuna uu bixiyo difaac ciidan isla markaana ilaaliyo qoyska boqortooyada Sacuudiga, Markaas kadib waddan kasta oo dunida ku yaal wuxuu u baahday doollar si uu tamar u iibsado.
Ma ahayn sababtoo ah iyagaa doortay.
Waxay ahayd sababta oo ah saliidda oo ah khayraadka dhaqaalaha casriga ahi ku tiirsan yahay waxaa lagu qiimeeyay hal lacag oo keliya.
"Qorshihii dhaqaale ee ugu weynaa taariikhda."
Lacag aan dahab lagu taageerin, balse lagu taageeray awood ciidan.
Hadda bal eeg 2026, taas oo dadka qaar u arkaan inay xoojinayso qaabkan,
-Iiraan waxay iibinaysay saliid iyadoo adeegsanaysa Yuan-ka Shiinaha, waxayna aqbalaysay Bitcoin khidmadaha marinka Hormuz tan iyo markii dagaalku billowday 28-kii Febraayo.
-Baarlamaanka Ciraaq wuxuu 2025 u codeeyay in qaar ka mid ah ganacsiga saliidda lagu bixiyo Diinaarka Ciraaq halkii doollar laga isticmaali lahaa.
-Sacuudigu wuxuu si cad uga hadlay suurtagalnimada in saliid lagu iibiyo Yuan.
Hindiya waxay saliidda Ruushka ku iibsanaysaa Rupee.
-Dalalka BRICS waxay dhisayaan nidaam lacag-bixin oo ka madax bannaan doollarka.
Toddobaadkan, iyadoo muddadii 60-ka maalmood ahayd ee khilaafka nukliyeerka Iiraan dhammaatay iyada oo aan wax horumar ah la gaarin,
Aan is waydiino, Dagaalkani ma wuxuu ku saabsanaa hubka nukliyeerka?, Mise wuxuu ku saabsanaa marin-biyoodka Strait of Hormuz?, Hormuz-na ma wuxuu ku saabsanaa saliidda?
Saliidduna ma waxay ku saabsanayd doollarka?
Ray Dalio wuxuu muddo dheer ka digayay in doollarku galay marxalad dambe oo wareeggiisa ah,
Sida uu sheegay, Ciidanka Maraykanku aad buu ugu fidsan yahay dunida, Doollarku wuu sii daciifayaa. Tartamayaal cusub ayaa dhisaya nidaamyo kale. Mashruuca Belt and Road ee Shiinuhu, sida qoraagu qabo, ma aha oo keliya caawinta dalalka soo koraya, balse wuxuu abuuraa xiriirro deyn oo ku saleysan Yuan.
Ururka BRICS-na ma aha oo keliya saaxiibtinimo, balse waa waddo looga baxayo ku-tiirsanaanta doollarka.
Markii Boqortooyada Ingiriisku lumisay kaalintii lacagta keydka caalamiga ah dagaalkii labaad ee adduunka kadib, boqortooyadeedii waxay burburtay labaatan sano gudahood.
Ma ahayn inay dagaal wayday.
Waxay lumisay nidaamkii dhaqaale ee awooddeeda saldhigga u ahaa.
Taariikhda waxaa jiray lacago waaweyn oo sidaas ku dhammaaday:
-Guilder-kii Holland.
-Pound-ka Ingiriiska.
-Doollarka Maraykanka.
Lacag kasta oo ahayd lacagta kaydka caalamka ugu dambayn way dhammaatay.
Ma ahayn hal mar oo weyn, Waxay ahayd hoos-u-dhac tartiib tartiib ah ilaa dunidu heshay beddel kale.
Qoraagu wuxuu leeyahay:
"Anigu k**a soo horjeedo ciidamada ama Maraykanka. Laba jeer ayaan uga qayb galay dagaalkii Vietnam. Laakiin waxaan kasoo horjeedaa daacad-darro."
Waxaa jiro halkudhig aan la illoobi karin:
"Raac lacagta, ee ha raacin sheekada la sheegay." Sida uu aragtidiisa ku sheegay, dagaallo badan oo waaweyn waxay lahaayeen dhinac la xiriira lacagta iyo nidaamka maaliyadeed:
-Ciraaq 2003: saliiddu waxay ku noqotay doollar.
-Liibiya 2011: qorshihii Dinaarka Dahabka ah wuu dhammaaday.
-Iiraan 2026: Hormuz waa la xanibay, ganacsiga saliidda ee Yuan-na waa la halis geliyay.
-Ruushka 2022: waxaa laga jaray nidaamka SWIFT maalmo yar kadib markii uu dalbaday in gaaska lagu bixiyo Ruble.
Qoraagu wuxuu ku doodaa in SWIFT uusan ahayn oo keliya adeeg maaliyadeed, balse uu yahay qalab siyaasadeed.
Wuxuu tusaale u soo qaataa Ruushka, Iiraan, Kuuba iyo Venezuela.
Wuxuu leeyahay waddan kasta oo si weyn u caqabad ku noqda awoodda doollarka waxaa laga gooyaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, Isaga aragtidiisa, tani ma aha isku-aad, balse waa siyaasad.
Ugu dambayn wuxuu soo xiganayaa hadal kale:
"Dadka ugu awoodda badan dunida ma aha kuwa leh ciidamada ugu waaweyn. Waa kuwa gacanta ku haya lacagta ay dadka kale oo dhan isticmaalaan."
Muddo 50 sano ah, qoraagu wuxuu leeyahay awooddaas waxaa lahaa Maraykanka.
Inay sii haysatana waxay ku xirnaan doontaa:
In marinka Hormuz dib loo furo.
In ganacsiga saliidda ee Yuan dib loo beddelo.
Iyo in BRICS ay dhisaan nidaam maaliyadeed oo dhab ahaan u shaqeeya.
Daryeela naftiinna.
Waxaa qoray: ROBERT KIYOSAKI