Abdulahi Hussein Gutale Media

Abdulahi Hussein Gutale Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdulahi Hussein Gutale Media, Internet Marketing Service, Yaqshiid , Suuqbacad Street, Mogadishu.

🚀 Halkan waa meesha isbeddelka & macluumaadka cusub ka bilowdo!
🌟 Wadaag fikradaha, hal-abuurka, iyo farxadda maalinlaha
📌 Ku xidhnow si aad u hesho waxyaabo xiiso leh mar kasta.

23/05/2026

DEG-DEG: Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dhoolatus ciidan oo heer caalami ah oo ka socda dalka Turkey, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay muujiyeen xirfad iyo tababar sare. Sawirka waxaa ka muuqda askari Soomaaliyeed oo hawada sare ka babanaya calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah geesinimada iyo horumarka ciidanka dalka. 🇸🇴🔥Abdulahi Hussein Gutale Media...Following

22/05/2026

DEG-DEG: Ciidamada ammaanka ayaa rasaas toos ah ku furay dad shacab ah oo dhigayay banaanbax looga soo horjeedo dowladda, iyadoo xaaladdu ay aad u kacsan tahay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhaawacyo, waxaana wali socda isku dayo lagu kala eryayo dibadbaxayaasha. ---Abdulahi Hussein Gutale Media---Following

DEG-DEG: Dowladda Masar ayaa si kulul uga hortimid qorshaha ay maamulka Somaliland ku shaaciyeen inay Safaarad ka furaya...
21/05/2026

DEG-DEG: Dowladda Masar ayaa si kulul uga hortimid qorshaha ay maamulka Somaliland ku shaaciyeen inay Safaarad ka furayaan magaalada Qudus, iyadoo Masar ay sheegtay in tallaabadaasi ay dhaawacayso mowqifka mideysan ee taageerada qadiyadda Falastiin.....Abdulahi Hussein Gutale Media...Following

19/05/2026

Heshiis iyo is-afgarad miro dhal ah ayaa laga gaaray kulankii maanta degmada Gubadley ku dhex maray Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo masuuliyiinta deegaanka, iyadoo la isku raacay xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka, iyo ilaalinta nabadda degmada....Abdulahi Hussein Gutale Media..Following

19/05/2026

Diyaaradda dagaalka ee T129 ATAK waa helicopter casri ah oo ay soo saartay shirkadda Turkish Aerospace Industries, waxaana si gaar ah loogu talagalay howlgalada dagaalka, la dagaallanka argagixisada, iyo taageerada ciidamada dhulka.

Taageerada ciidamada lugta
* Marka ciidamo dhulka jooga ay dagaal ku jiraan, T129 ATAK waxay kor ka siisaa difaac iyo dab xooggan....Abdulahi Hussein Gutale Media..Following✅

18/05/2026

DEG-DEG: Axmed Macallin Fiqi ayaa caawa ka qeyb galay casuumaad ay u sameeyeen shacabka reer Karaan, taas oo ka dhacday maqaxida Malabaani, iyadoo si diirran loo soo dhaweeyay wasiirka. 🇸🇴Abdulahi Hussein Gutale Media..Following

17/05/2026

DEG-DEG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta Madaxtooyada ku guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti u soo magacaabatay Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle. Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal. Abdulahi Hussein Gutale Media...Following

16/05/2026

🚨 DEG-DEG: Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in qorshaha doorasho qof iyo cod ah, dhameystirka dastuurka, iyo nidaamka xisbiyada dalka aan maanta la keenin, balse shacabka loo bandhigay sanadkii 2023.

“Warkaygu waa cad yahay. Doorasho qof iyo cod ah, dastuur dhameystiran iyo in dalka yeesho xisbiyo rasmi ah — waa qorshe aan h**e u shaacinay, mana aha wax cusub oo maanta la soo bandhigay,” ayuu yiri Madaxweynaha.:::Abdulahi Hussein Gutale Media:::::::Following✅

15/05/2026

DEG-DEG | Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa goor dhow soo gaaray Hotel Jazeera, halkaas oo ay ka socoto munaasabadda xuska 15-ka May (Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed).

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale halkaas ku sugan, iyadoo munaasabadda ay hadda si rasmi ah uga socoto gudaha hotel-ka.:::Abdulahi Hussein Gutale Media:::Following✅

15/05/2026

🚨 DEG-DEG: Madaxweyne Said Abdullahi Deni ayaa caawa la filayaa inuu khudbad adag ka jeediyo munaasabadda xuska 15-ka May, isagoo si toos ah uga hadli doona xaaladda siyaasadeed ee dalka, muranka doorashooyinka iyo jihada mustaqbalka Soomaaliya. Hadalka Madaxweynaha ayaa durba si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada. 🇸🇴🔥:::/Abdulahi Hussein Gutale Media:::/Following✅

🌟 Astaan Qurxoon oo Dhalinyaro 🌟Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 🇸🇴Waa maalin qaran oo xusuus iyo sharaf weyn...
15/05/2026

🌟 Astaan Qurxoon oo Dhalinyaro 🌟

Hambalyo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed 🇸🇴
Waa maalin qaran oo xusuus iyo sharaf weyn u leh dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay halganka, horumarka iyo midnimada dalka.

Dhalinyaro waa xoogga ummadda, rajada berri iyo tiirka mustaqbalka Soomaaliya.
15-ka May ha noqoto maalin dhiirrigelin, waddaniyad iyo isku duubni. 💙

Address

Yaqshiid , Suuqbacad Street
Mogadishu

Telephone

+252618805284

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulahi Hussein Gutale Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulahi Hussein Gutale Media:

Share