Mohamed Faqi

Mohamed Faqi Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed Faqi, Jaale Siyaad Road, Mogadishu.

๐Ÿ’ก Creative Mind | AI & Tech Enthusiast
๐Ÿ‘จ๐Ÿปโ€๐Ÿ’ป Digital Creator | Designer | Marketer
๐Ÿ“ˆ Helping business & brands grow online
๐Ÿš€ Building impactful digital experiences
๐Ÿ“ฉ DM for work & collaborations

Ramadaan wanaagsan asxaab & ehel. ๐ŸŒ™ ALLAH inaga dhigo kuwa Ramadaanka iyo kheyrkiisa Ka faaโ€˜ideesta.
17/02/2026

Ramadaan wanaagsan asxaab & ehel. ๐ŸŒ™ ALLAH inaga dhigo kuwa Ramadaanka iyo kheyrkiisa Ka faaโ€˜ideesta.

Codsi ๐Ÿ™๐Ÿป Waxaa idinkaga baahanahay garab qof kasta oo post-gan arkana si xushmad leh ayaan uga codsanaa inuu iga ajiibo....
14/02/2026

Codsi ๐Ÿ™๐Ÿป

Waxaa idinkaga baahanahay garab qof kasta oo post-gan arkana si xushmad leh ayaan uga codsanaa inuu iga ajiibo. Waxaa fursad wada shaqeyn ๐Ÿซฑ๐Ÿผโ€๐Ÿซฒ๐Ÿผ (partner program) helay wllkeyga Daljir Osman oo ka timid shirkada PicsArt waxeena u direen inuu soo duubo muqal 1 daqiiqo kaliya ah kadibna soo dhigo barahiisa Tiktok, YouTube & Instagram.

Marka waxaan idinkaga baahanahy mid ka mid ah inaad daawato muuqaaladaas barahiisa bulshada uu soo dhigay hadii aad 3dooda ii daawatana respect badan ayan kaga haayaa

Waa kuwaan Links-yada โคต๏ธ

โ โ€ข TikTok: https://vm.tiktok.com/ZNRfBUr3D/

โ€ข Instagram: https://www.instagram.com/reel/DUvBqn6DONV/?igsh=aXZsYzBraTg5bnNr

โ€ข YouTube:
https://youtube.com/shorts/8DJ5URP5dkg?si=voArPwf0UQRRRHqs

Fursadaan inooga faaideya sxbyaal, dunida ayaan rabnaa inaan wax la qeybsano oo hindida idinka bareejeyno.

This is what my ChatGPT thinks about me๐Ÿ˜๐Ÿ˜‚Use this ChatGPT prompt:โ€œCreate a caricature of me and my job based on everythi...
10/02/2026

This is what my ChatGPT thinks about me๐Ÿ˜๐Ÿ˜‚

Use this ChatGPT prompt:

โ€œCreate a caricature of me and my job based on everything you know about me.โ€

Hereโ€™s mine, let me see yours.

๐—™๐—ฅ๐—˜๐—˜ ๐—”๐—œ ๐—ฃ๐——๐—™ ๐—•๐—ข๐—ข๐—ž๐—ฆ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ || ๐—š๐—ข๐—ข๐—š๐—Ÿ๐—˜ ๐——๐—ฅ๐—œ๐—ฉ๐—˜Ma tahay arday, ganacsade, freelancer ama qof jecel barashada ๐—”๐—œ?. Waxaan kuu haay...
01/02/2026

๐—™๐—ฅ๐—˜๐—˜ ๐—”๐—œ ๐—ฃ๐——๐—™ ๐—•๐—ข๐—ข๐—ž๐—ฆ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ || ๐—š๐—ข๐—ข๐—š๐—Ÿ๐—˜ ๐——๐—ฅ๐—œ๐—ฉ๐—˜

Ma tahay arday, ganacsade, freelancer ama qof jecel barashada ๐—”๐—œ?. Waxaan kuu haayaa ๐—™๐—ฅ๐—˜๐—˜ ๐—š๐—ข๐—ข๐—š๐—Ÿ๐—˜ ๐——๐—ฅ๐—œ๐—ฉ๐—˜ FOLDER oo ay ku jiraan buugaag ๐—”๐—œ ah, kuwaas oo kaa caawin kara fududeynta shaqooyinkaaga iyo sarre u qaadida howl maalmeedkaaga.

Kaliya follow nasoo dheh comment-ga kusoo qor "๐—™๐—ฅ๐—˜๐—˜ ๐—”๐—œ" waan kuu soo diri doonaa inshaAllah.

31/01/2026

Ma tahay arday, ganacsade, freelancer ama qof jecel barashada ๐—”๐—œ?. Waxaan kuu haayaa ๐—™๐—ฅ๐—˜๐—˜...


16-kii October 2025, waxaan barteyda TikTok ku daabacay sawir aan ku sameeyay AI (garaad macmal ah). Sawirkaas wuxuu aha...
29/01/2026

16-kii October 2025, waxaan barteyda TikTok ku daabacay sawir aan ku sameeyay AI (garaad macmal ah). Sawirkaas wuxuu ahaa mid si cad u muujinaya taageeradayda qadiyadda muslimiinta Falastiin iyo dhulka Gaza.

Ma ahayn sawir xadgudub ah, ma ahayn mid rabshad kicinaya, mana lahayn qoraal gef ah ama weerar ah. Qiyaastii saacad kaddib, post-kii waa la iga saaray, akoonkaygana waxaa lagu xiray Community Guidelines violation.

Arrintaas markii h**e ma aanan ogeyn, sababtoo ah waqtigaas aad ayaan mashquul u ahaa, akoonkaygana wuxuu ku jiray koritaan xoogan isbuuc kasta malaayiin views ah iyo followers ayaa si degdeg ah ugu kordhaayay.

Waxay ahayd dhammaadkii December ee sanadkii tagay markii aan dib u eegay akoonkayga, halkaas ayaana si lama filaan ah ku ogaaday in post-kii la iga saaray. Runtii waan la yaabay, sababtoo ah wax aan ku xadgudbay ma jirin.

Ugu dambeyn, appeal ayaan qaatay, shirkaddiina waan la xiriiray. Maalmo kaddib, xayiraaddii waa la iga qaaday, inkastoo post-kii uusan mar dambe viral noqon karin maadaama waqti badan kasoo wareegay.

Arrintan ma ahayn mid aniga igu koobneyd. Waxaan h**ey ugu arkay Facebook iyo baraha kale dad badan oo la kulmay xaalado la mid ah halkaas oo fikrad si nabad ah loo muujiyay haddana la xanibay.
Taasi waxay iga dhigtay in aan is weydiiyo:
โžก๏ธ Xaggee ayuu marayaa xorriyadda fikirka ee baraha bulshada?

Maanta, si daacad ah ayaan u sheegayaa in aan aad ugu faraxsanahay helitaanka aaladda ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ oo ah platform kuu ogolaanaya in aad fikirkaaga si xor ah u gudbiso, adigoo aan ka baqayn xanibaad ama caburin aan caddayn.

Muddo dheer aniga iyo dad badan oo ila mid ah waxaan raadineynay aalad cadaalad ah, meel aad ku hadli karto adigoo aan laga aamusiin.
Taasi waa sababta aan ugu biiray ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ ma aha kaliya app kale, balse waa fursad codkaaga lagu ixtiraamo.

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐˜€! ๐—ง๐—ถ๐—ธ๐—ง๐—ผ๐—ธ, ๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ, ๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ ๐Ÿ™Œ๐ŸปSanadihii u dambeeyay, baraha bulshada sida TikTok, Instagram, iyo Facebook waxay...
29/01/2026

๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐˜€! ๐—ง๐—ถ๐—ธ๐—ง๐—ผ๐—ธ, ๐—œ๐—ป๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ฟ๐—ฎ๐—บ, ๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ ๐Ÿ™Œ๐Ÿป

Sanadihii u dambeeyay, baraha bulshada sida TikTok, Instagram, iyo Facebook waxay noqdeen kuwo si weyn ugu tiirsan algorithm-yo adag oo goโ€™aamiya waxa isticmaaluhu arko. Tani waxay dhalisay dood ku saabsan cadaalad, daah-furnaan, iyo xorriyadda isticmaalaha. Doodahaas dhexdeeda ayay ka dhalatay aalad cusub oo la yiraahdo ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ.

๐—ช๐—ฎ๐—ฎ ๐—บ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ?
UpScrolled waa barnaamij warbaahin bulsho (social media platform) oo cusub, kaas oo u oggolaanaya dadka inay wadaagaan: Qoraallo, Sawirro, Muuqaallo gaagaaban (short videos), Fikrado iyo aragtiyo. UpScrolled ma aha app si gaar ah u eg hal platform, balse waxa uu isku daraa feautres laga yaqaan TikTok, Instagram, iyo X (Twitter), isaga oo leh ujeeddo ka duwan.

Laba maalin kahor qeybta Google Play Store-ka Appkaas 50K+ wax la jiro ayaa soo degsaday, hadda maanta 500,000 qof ka badan ayuu sii marayaa.

๐—ฌ๐—ฎ๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† / ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ?
UpScrolled waxaa aasaasay ๐—œ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—บ ๐—›๐—ถ๐—ท๐—ฎ๐˜‡๐—ถ, kaddib markii uu u dulqaadan waayay xayiraadaha iyo xannibaadaha ka jira Apps-ka waaweyn sida X, Facebook, Instagram, TikTok iwm. ๐—œ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—บ ๐—›๐—ถ๐—ท๐—ฎ๐˜‡๐—ถ oo ah injineer Palestinian, waa developer h**e uga soo shaqeeyay shirkado waaweyn oo dhinaca tiknoolajiyadda ah sida IBM iyo Oracle.

Aasaasaha UpScrolled wuxuu sheegay in ujeeddadiisu ahayd in la abuuro platform dadku ku wadaagi karaan waxyaabaha ay rabaan iyada oo aan si cad iyo si qarsoonba loo xaddidin ama loo kala hormarin. (I.e No more restrictions).

๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—น๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ
Sababta ugu weyn ee loo sameeyay application-kan UpScrolled waa:

โœ… In la yareeyo ku-tiirsanaanta algorithm-yada qarsoon iyo xadidaadaha.
โœ… In la abuuro feed ku saleysan waqtiga (chronological feed) halkii laga isticmaali lahaa kala hormarin sir ah.
โœ… In la siiyo isticmaalayaasha fursad siman, si cod kasta loo arko.
โœ… In la kordhiyo daah-furnaan iyo kalsooni u dhexeysa platform-ka iyo isticmaalaha.

โ„น๏ธ ๐—ฆ๐—ถ ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ป: UpScrolled waxaa loo sameeyay in la helo bar ka fog xayiraadaha iyo xannibaadaha ka jira Apps-ka waaweyn sida X, Facebook, Instagram, TikTok iwm. Sidoo kale in isticmaaluhu (user) fahmo sababta uu u arkayo wax gaar ah, halkii ay algorithm qarsoon goโ€™aamin lahayd.

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฑ๐˜‚๐˜„๐—ฎ๐—ป ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ง๐—ถ๐—ธ๐—ง๐—ผ๐—ธ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ?
Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya ๐—จ๐—ฝ๐—ฆ๐—ฐ๐—ฟ๐—ผ๐—น๐—น๐—ฒ๐—ฑ iyo ๐—ง๐—ถ๐—ธ๐—ง๐—ผ๐—ธ ama aaladaha kale waa habka ay u shaqeyso feed-ka:

โœ“ TikTok iyo kuwo kale waxay isticmaalaan algorithm aad u qoto dheer, kaas oo xusho waxa kuu muuqanaya.
โœ“ UpScrolled waxay doorbidaysaa chronological feed (waxaad arkeysaa waxa ay dadkii aad raacday soo dhigeen, sida ay u kala horreeyaan). Sidoo kale,
โœ“ Looma dhisin in ay si gaar ah u riixdo hal nooc content ah ama hal aragti.

โฎ๏ธ ๐—š๐˜‚๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ: UpScrolled waa isku day cusub oo lagu doonayo in wax looga beddelo sida baraha bulshada u shaqeeyaan. Waa doorasho wanaagsan oo u furan qof kasta oo doonaya:
โœ… Daah-furnaan
โœ… Cadaalad
โœ… Xuriyatul-qowl

Haddii aad weli soo degsan soo degso, igulana saaxiib ๐Ÿ˜๐Ÿซฑ๐Ÿผโ€๐Ÿซฒ๐Ÿผ Username:

Haween wanaagsan.

Waxaan si weyn ugu faraxsanahay in aan maanta ka mid noqday ka-qeybgalayaasha barnaamijka aqooneed ee cinwaankiisu ahaa ...
01/01/2026

Waxaan si weyn ugu faraxsanahay in aan maanta ka mid noqday ka-qeybgalayaasha barnaamijka aqooneed ee cinwaankiisu ahaa โ€œHow to Win the Digital Market in the Next 10 Yearsโ€.

Session-ka waxaa marti ku ahaa, isla markaana hoggaaminayay Eng. Abdijaliil Osman, oo ah Video Journalist & Podcaster, kana mid ah hal-abuurayaasha ugu saameynta badan warbaahinta digital-ka Soomaalida, isla markaana ah aasaasaha Abdijalil Show.

Ustaadka wuxuu si qoto dheer noola wadaagay sida loo noqdo digital content creator guuleysta iyo sida loo fahmo misana lala qabsado isbeddellada suuqa digital-ka iyo sidoo kale waxa ay u baahan tahay in lagu guuleysto suuqaan digital market-ka 10-ka sano ee soo socda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in uu ustaadka nala wadaagay qibrado dhab ah iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saleysan waayo-aragnimadiisa dheer.

Waxyaabaha igu reebay saameynta ugu weyn waxay ahaayeen daah-furnaanta uu nala wadaagay safarkiisa, casharrada uu ka bartay, iyo sida uu diiradda u saaray joogtaynta, tayada content-ka, iyo fahamka dhageystaha oo si gaar ah muhiim ugu ah qof kasta oo ku jira ama doonaya inuu galo suuqa digital-ka.

Dhanka kale, barnaamijkan qiimaha leh ma dhici lahayn laโ€™aanteed iskaashiga iyo dadaalka weyn ee ay muujiyeen jaamacadaha SIMAD University (gaar ahaan qeybteeda SIMAD Innovation Lab) Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo TV-ga Astaan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan qaban-qaabiyaasha, martida, iyo dhalinyarada firfircoon ee ka soo qeyb-gashay, kuwaas oo muujiyay in jiilka maanta uu u diyaar garoobayo mustaqbalka digital-ka si miyir leh oo himilo ku dheehan tahay.

Ka-qeybgalka barnaamijyo noocaan ah ma aha kaliya in la dhageysto hadallo, balse waa:
โœ… in la ballaariyo aragtida.
โœ… in la helo dhiirri-gelin.
โœ… in la fahmo jihada mustaqbalka iyo
โœ… in la dhiso shabakad aqooneed iyo xirfadeed.

Ugu dambeyn, waxaan aaminsanahay in aqoonta la wadaago ay tahay furaha horumarka, gaar ahaan xilli uu dunidu si xawli ah ugu wareegayo digital.

Mahadsanidiin dhammaantiin. โค๏ธ

2025 ma ahayn sanad sahlanโ€ฆ balse wuxuu ahaa sanad i beddelay.Mararka qaar horumarku ma aha boodbood weyn, waa hal talla...
31/12/2025

2025 ma ahayn sanad sahlanโ€ฆ balse wuxuu ahaa sanad i beddelay.

Mararka qaar horumarku ma aha boodbood weyn, waa hal tallaabo yar oo maalin walba ah. Caawa, anigoo sagootinaya 2025, waxaan dareemayaa qanacsanaan sababtoo ah sanadkan wax badan ayaan bartay, nafteydana waan horumariyay.

Sanadkan waxaan si dhab ah u bartay xirfado mustaqbal leh, anigoo inta ugu badan xooga saaray AI (Artificial Intelligence). Waxaan qaatay dhowr shahaado oo aqoontayda kor u qaaday, sida:
โ€ข Generative AI in Business โ€“ Jaamacadda Michigan University
โ€ข Learning AI Through Visualization โ€“ Columbia University.

Intaas waxaa sii dheer, waxaan si qoto dheer u bartay oo aan master gareeyay xirfadda Digital Marketing, anigoo shahaado rasmi ah ka qaatay course ay bixisay Adobe. Sidoo kale waxaan bartay Stock Markets, gaar ahaan Crypto Currency, iyo xirfado kale oo i caawiyay in aan faham ballaaran ka helo ganacsiga casriga ah iyo fursadaha digital-ka.

Sanadkan sidoo kale waxaan qabtay mashruucyo iyo shaqooyin muhiim ah, anigoo la shaqeeyay shirkado dalka ka jira oo leh magac iyo maamuus, taasoo ii noqotay waayo-aragnimo aan qiimo lagu cabbiri karin.

Run ahaantii, 2025 ma noqon sidii aan bilowgii sanadka u qorsheeyayโ€ฆ laakiin maanta waxaan oran karaa:
๐Ÿ‘‰ Waxaan noqday qof ka aqoon badan, ka xirfad badan, kana adkeysi badan kii shalay. Haddii aan xitaa 1% nafteyda ku siyaaday, waan ku faraxsanahay, maxaa yeelay horumar yar oo joogto ah, waa guul weyn.

2025, mahadsanid. โค๏ธ
2026, waan kuu diyaar garoobay. ๐Ÿš€

08/12/2025

Sidee Loo Sameeyaa Hypic Wool Photo Trend? How To Make Hypic Wool Photo Trend? (Easy Guide!)

01/12/2025

Sida Sawirada AI Loo Sameeyo | Google Gemini Full Tutorial (Easy Guide!)

๐Ÿ’ฐ Haweeneydii Khiyaanaysay Adduunka Crypto-ga โ€” Zhimin Qian ~ Crypto Queen ๐Ÿ‘ธ๐Ÿป1๏ธโƒฃ Kumee Ahayd Zhimin Qian?Zhimin Qian, oo...
13/11/2025

๐Ÿ’ฐ Haweeneydii Khiyaanaysay Adduunka Crypto-ga โ€” Zhimin Qian ~ Crypto Queen ๐Ÿ‘ธ๐Ÿป

1๏ธโƒฃ Kumee Ahayd Zhimin Qian?

Zhimin Qian, oo sidoo kale lagu yaqaan magaca Yadi Zhang, waa haweeney u dhalatay Shiinaha oo muddo dheer loogu yeerayay โ€œCrypto Queen of Chinaโ€.
Waxay sheegan jirtay inay tahay maalgeliyaha ugu guulaha badan ee lacagaha dijitaalka ah, iyadoo dad badan ku kasbatay kalsooni, ayadoo markaas u muuqata qof xirfadle ah, ku hadasha luuqado badan, kana muuqata dhacdooyin ganacsi iyo shirar caalami ah.

2๏ธโƒฃ Sidee Ay Suuqa Kusoo Gashay?

Sanadihii u dhexeeyay 2014 โ€“ 2017, Qian waxay aasaastay shirkad lagu magacaabo Tianjin Lantian Gerui Electronic Technology Co.
Shirkaddan waxay sheegan jirtay in ay ku hawlan tahay โ€œBitcoin miningโ€ iyo โ€œmaalgashi dijitaal ahโ€ oo bixiya faaโ€™iido aad u sareysa โ€” xitaa ilaa 300% faaโ€™iido muddo kooban gudaheed!

Taas ayey dadka badan ku soo jiidatay, waxaana maalgashi ku sameeyay dad gaaraya 128,000 qof, oo intooda badan ahaayeen muwaadiniin Shiinees (Chinese) ah oo doonayay nolol dhaqaale oo ka wanaagsan mida ay markaa ku jireen.

Laakiin dhab ahaantii shirkaddaasi ma ahayn mid dhab ah โ€” waxay ahayd Ponzi Scheme. Haddaba, maxaa loola jeedaa Ponzi Scheme?

Ponzi Scheme waa nooc khiyaano maaliyadeed ama financial fraud, waa marka qof ama shirkad sheegto in ay bixineyso faaโ€™iido badan (profit sare), balse lacagta ay bixiyaan dadka cusub ayaa la siiyaa kuwii h**e โ€” si ay u muuqato in ganacsi jiro.

Marka dadka cusub ay yaraadaan, lacagtii way dhammaataa, dabadeedna khiyaanadii waa la ogaadaa.

Shirkaddii Qian aasaastayna sidaas ayey u shaqeyn jirtay.

3๏ธโƒฃ Maxaa Ay Sameysay?

Qian iyo kooxdeeda waxay ururiyeen kumannaan Bitcoin iyo lacag caddaan ah oo lagu qiyaasay in ka badan $6.4 bilyan. Lacagtaas waxaa lagu iibsaday:

โ€ข Guryo raaxo leh oo ku yaal London iyo meelo kale,
โ€ข Dahab iyo dhar qaali ah,
โ€ข Iyo hanti kale oo lagu daboolay magacyo been abuur ah.

Markii booliiska Shiinaha bilaabeen baaritaan 2017, Qian waxay ka baxsatay dalka iyadoo adeegsaneysa baasaboor been ah, kadibna waxay u guurtay UK si ay halkaas ugu dhuumato.

4๏ธโƒฃ Sidee Loo Ogaaday?

Sanadkii 2018, booliiska UK ayaa helay xog muujineysa dhaqdhaqaaqyo lacageed oo aan caadi ahayn, taas oo horseeday baaritaan gudaha gurigeeda Hampstead โ€“ London.

Waxaa halkaas laga helay kombiyuutarro, qalab crypto wallet ah iyo dukumentiyo caddeyn u ahaa lacagihii lagu dhacay.

Kadib muddo dheer oo ay ku jirtay raadraac caalami ah, ugu dambeyntii 2024 ayaa lagu qabtay iyadoo ku dhuumaneysa Airbnb โ€“ York (UK).

5๏ธโƒฃ Natiijadii Kasoo Baxday

Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa 11-ki bishan November 2025 ku xukuntay 11 sanno iyo 8 bilood xabsi, kadib markii ay qiratay dambiyada la xiriira:

โ€ข Dhaqaale laga helay fal dambiyeed,
โ€ข Khiyaano maaliyadeed,
โ€ข Iyo isku day ay ku qarisay hanti dijitaal ah.

Booliiska UK ayaa gacanta ku dhigay 61,000 Bitcoin, taas oo maanta qiimaheedu ka badan yahay $4 bilyan, taasoo noqotay qabashada ugu weyn ee Bitcoin ee taariikhda UK.

6๏ธโƒฃ Halkee Ay Sheekadu Ku Dambeeysay?

Zhimin Qian hadda waxay ku jirtaa xabsi ku yaalla UK, halkaas oo lagu xukumay in hantideeda la xayiro lana baaro cid kasta oo la shaqeysay.
Dowladaha Shiinaha iyo UK waxay weli ku jiraan wada-xaajood ku saabsan sida hantidaas loo qaybinayo ama loogu celinayo dadka laga dhacay.

Kiiskan wuxuu noqday sheekadii ugu hadal-heynta badneyd ee dunida crypto-ga sanadkan 2025, wuxuuna fariin adag u diray dhammaan bulshada dijitaalka ah ee caalamka.

7๏ธโƒฃ Casharka Laga Baranayo

โœ… Maalgashi kasta hubi inuu sharci yahay oo caddeyn rasmi ah leeyahay.
โœ… Ha ku degdegin ballanqaadyada daqliga sare (100% faaโ€™iido hal bil gudaheed = khiyaano).
โœ… Haddii shirkad ama qof sheegto in aysan khasaaro jirin โ€” waa calaamad digniin ah.
โœ… Lacagaha dijitaalka ahi waa hal-abuur fiican, balse waa in lagu maamulaa si aqoon iyo feejignaan leh.

โœ๏ธ Gunaanad

Sheekada Zhimin Qian waa xasuusin muhiim ah oo muujineysa in xitaa dunida crypto-ga ee madax-bannaan, dambiyada dhaqaale iyo khiyaamada ay weli suuragal yihiin.
Waa dhacdo dhab ah oo baraysa bulshadeena in teknoolojiyadda iyo maaliyaddu ay u baahan yihiin daacadnimo iyo wacyi, si aysan u noqon hub lagu waxyeelleeyo dadka kale.

Address

Jaale Siyaad Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Faqi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share