26/02/2025
Xog lasoo dusiyey: Maxaa dhexmaray Maayar Gaalkacyo Cabdiraxman Sheekh Xasan iyo Maamulka Xarunta Professor Cadow?
Xarunta Professor Cadow oo ah xarun bulshada Gaalkacyo ay ku bartaan Xirfado noloshooda waxtar u leh, ayaa isku xilqaantay inay balaariso xarunta si loo kordhiyo tirada labarayo xirfadaha Gacanta ee kala ah: Harqaanka, farsamada Makaanikada, Biyo galinta, darawalnimada iyo kuwa kale oo badan.
Markii ay rabeen inay bilaabaan ayeey ka codsadeen Mayarka Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh inuu siiyo warqada talo baxin ah oo ku saabsan inay baahida balaarinta xaruntaan ay ka jirto Gaalkacyo, balse waxaa ku dhacay Maamulka Xarunta wax aysan filayn bal wax dhowr.
Maayarka Gaalkacyo oo lagu eedeeyo inuu dhaqaale ka sameeyo Masaariicda hormarineed ee Gaalkacyo laga fuliyo iyo Kuwa Gargaarka ayaa ku xujeeyey Maamulka Xarunta professor Cadow inay baxiyaan lacag gaaraysa $100,000 si uu usiiyo warqada (Recommendation letter).
Intaas kadib Maamulka Xarunta ayaa weydiiyey waxay tahay lacagtu? Waxa uu ugu jawaabay waa afgarashadayda, taas oo uu ola jeeda dhammaan mashaariicda ayaan ka qaataan lacagahaan.
Maamulka Xarunta ayaa u sheegay Cabdiraxmaan inay San baxin karin dhaqaalahaas Maadaama aaysan iyaguba Mashruuc ku soo qaadin lacag la siinaayo Maayarka Gaalkacyo.
Waxay ahayd subax markay warqada u soo doonteene shirkaas waxa uu ku soo dhammaaday in lagu kala gariiray, iyadoo ay xusid mudantahay in markasta Maamulka Xarunta uu dhinacyo badan wax ku tusayey oo ku saabsanaa danta magaalada ugu jirta Mashruucaan oo ah kii ugu weynaa ee Soomaaliya laga fuliyey. Balse taa badalkeeda Maayarku lama fahmin waxay wadaaan maamulka Xarunta professorka.
Markii baryo la joogay howshiina u xayirantahay warqadaas uu dhiibi diiday maamulka ayeey qoladii Maamulka ahayd waxay u tageen nin Muxtarim ah oo deegaanka Magac ku leh oo ay isxigeen qolada howsha, ninkaas oo Cabdiraxmaan laftirkiisu uu ka haybaysan jiray.
Markii ay u tageen ninkaas ayeey u sheegeen in Cabdiraxmaan uu u diiday warqad talo baxin dagmada ah. Ninkii ayaa u yeeray Cabdiraxmaan Sheekh Xasan 3 bari kadib, waxuu ka dalbaday inuu warqadaas siiyo Maamulka Xarunta.
Waxa uu yiri: waxaan rabaa afgarashadayda. Kadib ayuu ku yiri ninkii muxtarimka ahaa oo waa meeqa Cabdiraxmaan? Markaas ayuu ku jawaabay waa $100,000.
Balse ninkii muxtarimka ahaa ayaa ku yiri madaxay ku sii waxaas wax ka yarna aan ku siiyo. Markaas ayuu maayarku yiri waayahay.
Ninkii Mansabka lahaa ayaa maayarka siiyey lacag gaaraysa $30,000. Markaas kadib ayuu Maayarku warqada Siiyey Maamulka Xarunta Professor Adow.
Xaruntaas oo dhismaheeda bilaabatay sanadkii 2024. Waxaana taageeraya oo dhaqaalaha ugu badan baxinaysa Dawlada Norway.
Nala soco fatashyada kale ee aan soo wadno
Funke Akindele
SACAD SACIID COMMUNITY 💙