15/07/2025
Bahalkaan ayaa saake waaberigii h**e lagu arkay degmada Cabdicasiis iyadoo lasheegay inuu dhaawacay dad, kadibna ay ciidamada amaanka toogteen! Muxuu yahay?
Bahalkaan afka cilmiga ah waxaa loo yaqanaa African civet, wuxuu ku noolyahay aadna ugu badanyahay wadamada Africa gaar ahaan kuwa Saxaraha ka hooseeya oo ay Somalia kamid tahay, inta badan wuxuu socdaa habiinkii maalintii oo dhan wuu dhuuntaa ama wuu jiifaa, wuxuu ka midyahay xayawaanada naasleyda ah wuxuuna ku noolyahaya dhulka hawdka ah iyo banaanada labadaba, sidoo kale wuxuu ka midyahay xayawaanada daaqa ama coska cuna oo aan hilibka bis ku tiirsaneyn, sidoo kale wuxuu cunaa cayayaanada yar yar sida Aboorka, iyo ukumada shinbiraha.
Dhanka Soomaalida waxaa loo yaqaanaa Weer Calaan ama weerka doqonka ah ma u gaarsado xoolaha iyo dadka midna laakiin wuu dagaalamaa marka ay xaaladu ku xumaato, sidoo kale ugaarta dhimatay ama ladilay haduu arko madhaafo wuu cunaa laakiin asagu ma ugaarsado.
Taariikh weyn ayuu Afrika ku leeyahay bahalkaan wuxuu ahaan jiray mido fog xayawaanada loogu ugaarsiga badanyahay qeybo kamid ah qanjiradiisa dheecaan ku jiro waxaa laga sameyn jiray barafuunada, taas oo markii danbe lagala kulmay dhaleeceyn katimid xuquuqda duurjoogta waana la'mamnuucay!
Dadka qaar ayaa u maleeyay waraabe ama Dhurwaa laakiin maahan shaqana kuma lahan, in ladilo aad ayaan uga xumahay waxay ahayd in lasuuxiyo si-looqabto kadibna lageeyo beeraha dalxiiska!