War-shiil Tv

War-shiil Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from War-shiil Tv, Social Media Agency, Sha'ab Area,, .

WAR-SHIIL TV WAR HUFAN, DHACDOOYIN DEGDEG AH IYO XOG BULSHO OO LAGU HALLEYN KARO

Warbaahinta Baraha Bulshada ee War-shiil TV waa meesha aad si joogto ah uga heli doontaan warar hufan oo la hubo, barnaamijyo tayo leh, dhacdooyinka dunida iyo arrimaha buls

27/05/2026

Madaxwayne Cirro oo Soomaaliya u hanjabay

Mudane Madaxweyne Kusoo dhawoow Gabiley.Maamulka Iyo shacabka Gabiley waxay si diirran usoo dhaweynayaan Madaxweynaha Ja...
27/05/2026

Mudane Madaxweyne Kusoo dhawoow Gabiley.

Maamulka Iyo shacabka Gabiley waxay si diirran usoo dhaweynayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyagoo ku faraxsan booqashada qiimaha badan ee uu Madaxweynuhu ku imanayo magaalada Gabiley munaasibadda Ciidda awgeed.

Madaxweyne Cirro oo Sheegay in Somaliland Iska Difaaci karto Faragelin kastaCabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Ma...
27/05/2026

Madaxweyne Cirro oo Sheegay in Somaliland Iska Difaaci karto Faragelin kasta

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweynaha JSL, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo deris-wanaagga, isaga oo farriin u diray dalalka deriska ah ee Jabuuti iyo Soomaaliya, inay ixtiraamaan madax bannaanida iyo wada noolaanshaha gobolka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland ay wajahayso faragelin dibadeed, balse ay leedahay waayo-aragnimo iyo awood ay iskaga difaacdo cid kasta oo faragelin ku haysa jiritaankeeda iyo amnigeeda.

Waxaanu yidhi."Dalalka aanu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Soomaaliya waxa aanu u sheegaynaa inay ixtiraamaan nabadda, deris-wanaagga iyo ixtiraamka dawladaha jaarka ah.

Dalka Somaliland faragelin badan ayaa ku socota, laakiin Somaliland waayo-aragnimo badan ayey u leedahay inay iska difaacdo farogelintaas oo ay xaq u leedahay inay iska difaacdo."

Kumannaan shacabka magaalada Jigjiga ayaa saaka si wadajir ah ugu oogay labada rakcadood ee Salaadda Ciidul-Adxa 1447 Hi...
27/05/2026

Kumannaan shacabka magaalada Jigjiga ayaa saaka si wadajir ah ugu oogay labada rakcadood ee Salaadda Ciidul-Adxa 1447 Hijriyada, kuwaas oo lagu tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalada.

Munaasibadda ayaa ku dhacday jawi nabdoon iyo midnimo, iyadoo bulshada muslimiintu isugu hambalyeynayeen farxadda Ciidda.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shacabka magaalada Hargeysa kula tukaday Salaadda Ciidul Adxa Masjid Jaama...
27/05/2026

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shacabka magaalada Hargeysa kula tukaday Salaadda Ciidul Adxa Masjid Jaamaca Weyn ee caasimadda, halkaas oo uu ka jeediyey farriin qaran oo ku saabsan qiyamka diinta, midnimada iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan nabadda, iskaashiga iyo ilaalinta amniga iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Ciidul Adxa ay tahay munaasibad ku dhisan isxilqaan, isku naxariisasho iyo adkaynta qiyamka suuban ee Diinta Islaamka iyo bulshada.

Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in qaybo badan oo Somaliland ka mid ahi a...
27/05/2026

Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in qaybo badan oo Somaliland ka mid ahi ay weli ka jiraan xaalado abaareed oo saameyn xooggan ku yeeshay bulshada iyo xoolaha. Madaxweynaha ayaa Ilaahay ka baryay inuu shacabka ku mannaysto roob khayr qaba oo dalka ka dul qaada abaarta jirta.

Madaxweyne Cirro waxa uu xusay in abaartu sababtay barakac iyo in dad badan ay ka hayaamaan deegaannadoodii, si ay nolol iyo biyo uga raadsadaan gobollo kale. Waxa uu bulshada ugu baaqay inay kordhiyaan ducada iyo baryada Alle si looga baxo xaaladda adag ee abaartu abuurtay.

Waxaanu yidhi.“Dalka meelo badan baa weli abaartii ka jirtaa, Ilaahay waxa aan ka baryayaa inuu roob khayr qaba innoo shubo.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in abaartu sababtay inay dad badani ka hayaamaan deegaannadoodii, isaga oo bulshada ugu baaqay inay Alle baryaan si abaarta looga baxo.

Dad badan baa gobolladoodii ka soo hayaamay oo gobollo kale u hayaamay, markaa waxa aan Ilaahay ka baryayaa in badana waynu ducaysanee in Ilaahay inaga aqbalo oo madar khayr qabana ina siiyo, abaartana inaga soo jebiyo”

26/05/2026

"Dhibaatada na haysataa waa in aanu u dhaxayno sadex lacagood" Hooyo Saylada Xoolaha Boorama ku hadashay

 : Father Says Eldest Son Was Killed, Property Looted.Mohamed Eid Ibrahim Abdi has spoken out emotionally about a devast...
26/05/2026

: Father Says Eldest Son Was Killed, Property Looted.

Mohamed Eid Ibrahim Abdi has spoken out emotionally about a devastating ordeal in which, he claims, his businesses and entire property were looted near Somaliland’s Ministry of Health area.

He said the location once housed three fully operating businesses, vehicles, and valuable assets, but has now been reduced to “empty ruins” after security forces and individuals allegedly linked to the government removed everything by force.

According to Mohamed, five truckloads of goods were taken from the site in 2020 during the previous administration, and he says no authority has ever listened to his case or offered support.

He described the greatest tragedy as the killing of his eldest son at the same location during the incident, while he himself reportedly suffered a serious back injury.

Mohamed said he settled in the area in 1991, long before the current government institutions were built there, and is now calling for justice, accountability, and the return of his property.

26/05/2026

Aabo Sheegay in Curadkiisii la Dilay, Hantidiisiina la Boobay

Maxamed Iid Ibraahim Cabdi ayaa si murugo iyo tiiraanyo leh uga warramay dhibaatadii ba’anayd ee ku habsatay, kadib markii sida uu sheegay la boobay meheraddiisii iyo hantidiisii oo dhan, taasi oo ku taalay agagaarka wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Aabo Maxamed ayaa sheegay in goobtan ay markii h**e ahayd saddex meheradood oo ganacsi oo si buuxda u shaqaynayay, isla markaana ay yaalleen baabuur iyo hanti kala duwan, balse maanta ay isu beddeshay 'gabaahiir cad,' kadib markii, sida uu ku dooday, boolis iyo dad dawladdu la socotay ay si xoog ah uga gurteen hantidii taalay.

Waxa uu xusay in shan gaadhi oo alaabtiisii ah laga raray goobta sanadkii 2020, xilligii xukuumaddii h**e, isaga oo sheegay in ilaa maanta aanu helin cid dhibkiisa dhegaysata, cid u timaadda, ama xataa hadal naxariis leh ula timaadda.

Murugada ugu weyn ayuu ku tilmaamay in markii la qabanayay dhaawac dhabarka ahi kasoo gaadhay, halka curadkiisiina lagu dilay isla goobtaas, isaga oo sheegay in hantidiisii iyo ubadkiisii labadaba lagu waayay meel keliya.

Waxa uu si quus leh u tilmaamay in maanta goobtii lagu dhacday dib loo dhisanayo, balse aanu garanayn cidda dhisanaysa, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay cadaalad-darro culus oo weli qalbigiisa ka guuxaysa.

Aabo Maxamed ayaa sheegay inuu goobtan deganaa tan iyo 1991-kii, xilli aanu jirin dhismayaasha iyo hay’adaha maanta ka jira deegaankaas, isaga oo ugu dambayn codsaday in loo soo celiyo hantidiisii, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku lug lahayd boobka iyo rarista xoolihiisa.

Waxaanu yidhi."Waxan ahay Maxamed Iid Ibraahim Cabdi, meeshani waxa ay ahayd meheradaydii iyadoo 3 meheradood ah buuxda oo baabuuri ay taal oo ay wax walbi ay yaalaan ayaa lay qabtay maantana waad aragtaan inay gabaahiir cad tahay, waa la boobay booliska ayaa boobay.

Shan gaadhi ayaa meeshan oo alaab ah ayaa la gurtay waxana iga gurtay dawladda nimankii markaa Meesha haystay waxana ay taariikhdu ahayd 2020 kii, waxa ay ahayd xukuumaddii tan ka horaysay, cid alliyo cid dhibane ka ahayd oo aan maanta garanyaa ma jirto, mana jirto cid iitimiday, cid ila hadashayna ma jirto mana jirto ci juuq ii tidhi.

Anoo gaadhigaygii meel halkaas ah kaga degaaya ayaa lay qabtay gaadhaa laygu tuuray oo dhabarka ayaan wax ka noqday, curadkaygii waxa lagu dilay halkaa maalkaygiina halkan ayaa lagu dhacay, maantana waabad aragtaa oo waaba la dhisanayaa, magaranayo cid dhisanaysa ee cadaalad daro ayaa igu dhacday.

1991 kii ayaan anigu halkan soo degay maa ay jirin wasaaraddi Hay’adda bisha cas na maa ay jirin, waxan doonayaa waxaygii cidda waxaygii qaadatayna ee raratay ee boobtay waa in aan xoolahaygii ka helaa"

Sultan Sahal Idle Calls for Peace Among Communities in Eastern and Western SomalilandSuldaan Sahal Iidle Diirir, the chi...
26/05/2026

Sultan Sahal Idle Calls for Peace Among Communities in Eastern and Western Somaliland

Suldaan Sahal Iidle Diirir, the chief traditional leader of the Omar Jibril clan, has issued a strong appeal for peace and reconciliation among the brotherly communities affected by recent conflicts in the eastern and western regions of Somaliland.

In his statement, the Sultan urged all sides to immediately end the violence and prevent further bloodshed, stressing that continued conflict threatens the unity, stability, and peaceful reputation that Somaliland has long been known for.

He emphasized that brotherhood, coexistence, dialogue, and mutual understanding remain the only path toward lasting peace and stability.

Sultan Sahal also called upon elders, intellectuals, community leaders, and traditional authorities to take a leading role in reconciliation efforts and in rebuilding trust between the affected communities.

The press statement further highlighted that the people of Somaliland are one family bound by shared history and unity, and that everyone must work together to safeguard peace, national cohesion, and the country’s sovereignty.

Concluding his message, Sultan Sahal urged the government and all sectors of society to strengthen ongoing peacebuilding initiatives in order to bring an end to the recurring conflicts affecting parts of the country.

Address

Sha'ab Area,

Telephone

+252907615316

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when War-shiil Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company?

Share