06/01/2026
Macalin dugsi ayaa muuqaal iska duubay isaga oo ul dhex taagan carruur uu wax barayo, iyadoo toorey ay dhexda uga xiran tahay
Wajiyada carruurta waxaa ka muuqata cabsi, waxaana muuqata in qofkii ku gafa casharka ama aayadda la marinayo uu ushu sugayso
Macallinku xaq uma laha inuu isku sawiro carruur lagu aaminay masuuliyaddooda isagoo adeegsanaya cabsi iyo garaacis
dabadeedna muuqaalkaas ku baahiyo baraha bulshada
Waxbarashadu waa inay ku dhisnaataa tarbiyad, naxariis iyo dhiirrigelin, ee ma aha cabsi gelin iyo tacaddi
Sidee u aragtaa?