Mohamed Ustaadka

Mohamed Ustaadka Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mohamed Ustaadka, Social Media Agency, Atlanta, GA.

Ninkan waxaa shaqo ka ceydhisay Shirkada Facebook sanadkii 2006.Twitter ayaa diiday codsigiisa 2008.Maalgashadayaal Bada...
10/02/2025

Ninkan waxaa shaqo ka ceydhisay Shirkada Facebook sanadkii 2006.

Twitter ayaa diiday codsigiisa 2008.

Maalgashadayaal Badan ayaa ku tilmaamay “Nin waalan” 2009.

Maanta, app-kiisa waxaa isticmaala in ka badan 2 bilyan oo qof.

Waa sheekada cajiibka ah ee Brian Acton, aasaasaha WhatsApp, kadib toban sano oo diidmo iyo niyad jab ah.

Sheekadu waxay bilaabmatay 2006.
Brian wuxuu ka shaqeynayay Yahoo, isagoo hogaaminayay barnaamijyada xayaysiiska Shirkada.
Kadib 11 sano oo uu u shaqaynayay Shirkada Yahoo, wuxuu go’aansaday inuu iska casilo.
Himiladiisu waxay ahayd inuu ku biiro Facebook oo ahayd shirkad si xawli ah u koraysay waqtigaas.

Balse Shirkada Facebook Waa Ay diiday Codsigiisii?

Laakiin diidmadaas waxay dhashay fekerad cusub.

2008, Brian oo aan wali shaqo helin, Wuxuu isku dayay inuu Codsi Shaqo U Diro Twitter.

Balse Mar kale, ayaa la diiday.

Inkasta oo uu niyad jabay, haddana ma uusan quusan.
Wuxuu la kulmay mid ka mida saaxiibadiisii Ay Ka Wada Shaqaynayeen Shirkada Yahoo, oo la Odhan Jiray Jan Koum oo ay ku kulmeen ciyaarta frisbee ee toddobaadlaha.

Labadooduba waxay horey uga shaqeynayeen Yahoo.
Labadoodaba waxaa diiday Facebook.
Labadooduba waxay ka niyad jabeen sida isgaadhsiinta iyo Technologyadu mobaylku u shaqeyso.

Wada Sheekaysi Dheer Ka dib Waxa Ay Keeneen Fekerad Aduunka Wax Badan Ka Badashay, waxa ayna Ka Fikireen “Ka waran haddii aan abuurno app fariimo degdeg ah u dira dadka isla Markiiba?

Waqtigaas, shirkadaha taleefannada waxay malaayiin doolar ka helayeen fariimaha SMS-ka.
Laakiin 2009, App Store-ka iPhone ayaa la bilaabay Taas oo keentay isbeddel weyn.

Brian Waxa uu Goaansaday inuu lacag Dhan $250,000 ku Maalgaliyo Hirgelinta App ka Cusub Lacagtiisi oo ahayd kaydkiisii.

Wuxuu siiyay Jan Koum lacagtaas si uu u horumariyo fikradii app-ka.
Isaga intuu shaqo raadinayay, Jan wuu shaqeynayay.

Waxay ugu yeedheen: WhatsApp, App fariimo degdeg ah loogu diro saaxiibada iyo qoyska si loo ogaado xaaladooda isla Markiiba.

Markii la bilaabay, app-kan Ugu Horayntii wuu burburayay isaga oo aan helin Macamiil Kaliyana helay 10 Macmiil oo kaliya Wax Dakhli ahna aan Samaynin.

Laakiin Apple waxay soo kordhisay push notifications oo ah fariimo ogaysiin ah marka aad fariin cusub hesho.
Tani waxay beddeshay wax walba.
Isticmaalayaashu waxay bilaabeen inay si joogto ah u adeegsadaan app-ka.
Downloads-kii waxay labanlaabmayeen bil kasta.

2011, WhatsApp waxay heshay $8 milyan oo maalgashi ah, qiimeyntuna waxay gaadhay $25 milyan.
Maalgashadayaashii horey u diiday ayaa hadda ku tartamayay inay ku biiraan.

Laakiin Brian iyo Jan ma aysan dhiseyn app caadi ah.
Waxay lahaayeen aragti cad:

- Xayaysiis ma jiro
- Ciyaaro ma jiro
- Khiyaanooyin ma jiro
- Xogta dadka lama iibiyo

Falsafadoodu waxay ahayd:
“Qofna ma arki doono Xayaysiis joogto ah Subax Walba.” Brian Acton

2013, WhatsApp waxay ka Macmiil Badatay Shirkada Twitter iyadoo gaadhay 200 milyan oo isticmaale.
Shaqaalahooda? Kaliya 50 qof.

Kadib Facebook ayaa la soo xadhiidhay
Mark Zuckerberg ayaa si shaqsi ah ula xidhiidhay Jan Koum.
Wuxuu ku casuumay gurigiisa Palo Alto.
Waxay ku socdeen beertiisa, iyagoo ka wada hadlay mustaqbalka WhatsApp.

Facebook aad bay u rabtay, in ay iibsato WhatsApp iyadoo ku Rabtay Qiime Dhan $19 bilyan oo dollar.

Shirkaddii diiday Brian Acton 2006 ayaa hadda iibsaneysay shirkaddiisa, taasoo noqotay iibsashadii ugu weynayd ee taariikhda technologyada.

Laakiin sheekadu halkaa kuma dhamaan.

2018, Facebook waxay bilawday inay App ka cusub uu Adeegsato Una Furto Qaybta Xayaysiiska, iyo in ay ka Faaiidaystaan Macaamiisha Faraha Badan ee ay Haystaan, Taasi oo ka Hor Imanaysa Aragtidii Brian iyo Jan.

Jan Koum oo ahaa Markaa CEO-ga WhatsApp – Ayaa diiday Aragtidaa, Mabaadi'diisa ayaa ka horeeyay lacagta.
Wuxuu si degan uga tagay shirkadda.
Wuxuu ka tagay Application WhatsApp oo qiimaha uu Suuqa ka Taagnaa Markaa Lagu Qiyaasay $850 milyan oo dollar.

Erayadiisa Waxa Ka Mid ahaa? 👉 “Waa waqtigii la tagi lahaa.”

Facebook waxay WhatsApp u beddelaysey wax uu Jan marnaba rabin app xayaysiis ku dhisan.

Maanta, WhatsApp waxay maamushaa in ka badan 100 bilyan fariimood maalintii, way ka weyn tahay Instagram iyo Facebook Messenger isku darkood.
Brian Acton wuxuu hadda leeyahay hanti ka badan $16 bilyan.

Laga bilaabo laba nin oo frisbee ciyaaraya ilaa app caalami ah sheekada WhatsApp waa tusaale adkaysi iyo run u ahaanshaha mabaadi’daada.

Casharrada muhiimka ah ee laga baran karo Brian Acton:

1. Diidmo micnaheedu waa jihayn cusub.
2. Wax walba ha fududaadaan.
3. Mabaadi’du waxay ka muhiimsan yihiin faa’iidada.
4. Ka bilow meel yar, laakiin ku feker si weyn.
5. Fikradaha cusub u furfurnaaw laakiin mabaadi’daada ha ka tanaasulin.

Ugu dambeyn:

Mararka qaar, dhicitaanka ugu weyn waa diyaarinta guushaada ugu weyn.

Brian Acton wuxuu mar ku qoray Twitter kadib markii la diiday: 😉
“Twitter ayaa iga diiday. Waa hagaag. Safarku wuu dheeraa.”

Twitter ma aysan ogeyn inay iska diiday nin ka mida bilyaneerka mustaqbalka.

Waxaan rajeynayaa inaad maanta u beddesho diidmadaada fursad togan ✅

SheekooyinkaTiknoolajiyadda

WhatsApp

BrianActon

Kader Tech Follow me page

06/27/2025
06/27/2025

Magaceeda ma xasuusata fanaanadan


11/30/2024

Odaygii waala jidh diley

Address

Atlanta, GA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Ustaadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Ustaadka:

Share