Mr Nuux

Mr Nuux Mr. Nuux | Somali journalist reporting on Somali and international politics and global sports with accuracy and integrity.
(2)

Sahro Rucker, oo sidoo kale loo yaqaan Sahro Somali, ayaa dib ula kulantay aabaheed Maxamud Xuseen Xirsi kadib 48 sano o...
10/06/2026

Sahro Rucker, oo sidoo kale loo yaqaan Sahro Somali, ayaa dib ula kulantay aabaheed Maxamud Xuseen Xirsi kadib 48 sano oo ay baadi goobaysay iyadoo natiijada baaritaanka DNA ay si rasmi ah u xaqiijisay xiriirkooda qoys.

Sahro oo hadda 48 sano jir ah, ahna macalimad barta luuqadda Isbaanishka, ayaa ku nool Mareykanka. Waxay guursatay 22 sano kahor waxayna haystaa laba carruur ah oo dhigta jaamacad.

Nolosheeda oo dhan, waxay aaminsaneyd inay asal ahaan ka soo jeedo qoys Latin American ah, halka qaar ka mid ah dukumentiyadeeda dhalashada ay sidoo kale u muujinayeen asal kale oo aysan si buuxda u hubin.

Sanadkii 2021 Sahro ayaa iska qaaday baaritaan DNA ah si ay u ogaato asalkeeda qowmiyadeed halka uu xiriirka la leeyahay Natiijada ayaa si tartiib tartiib ah u furtay albaab cusub oo ay ku fahantay in raadkeedu uu ka fog yahay halka ay ka raadinaysay 40kii sano, isla markaana uu u jiheeyay dhanka iyo qowmiyada Soomaaliyeed.

Sahro ayaa muqaalo Tiktok ku baahisay iyadoo shegtay inay somali tahay sidokale ay baadi goobayso aabaheed waxay sheegtay inuu somali badan uu gaaray muqaalkeeda dad badan ay lasoo xirir sidookale la gartay aabaheed.

Bishii December 2025, baaritaan dheeraad ah oo DNA ah ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Maxamud Xuseen Xirsi uu yahay aabaheed dhabta ah, natiijo soo afjartay raadis socday ku dhawaad nus qarni.

Sheekada Maxamud Xuseen Xirsi ayaa la sheegay in ay ka bilaabatay Mareykanka sanadkii 1976 xilli uu dalkaas ku yimid fiisaha shaqo ama safar halkaas ayuu kula kulmay hooyada Sahro waxaana ay sheekadooda gaartay heer ay gabadhu dhalato. Si kastaba duruufaha waqtiga iyo kala fogaanshaha ayaa sababay kala go'a qooyska.

Sanado badan kadib Sahro ayaa ugu dambeyn heshay xaqiiqadii ay raadinaysay, iyadoo sheekadani noqotay mid murugo iyo farxad isugu jirta murugo ka dhalatay waqtiga lumay, iyo farxad ah in ay ugu dambeyn heshay aabaheed iyo asalkeeda dhabta ah.

10/06/2026

Warkeeda raaca ee la carara🤣

Waa xanun runtii Dream aad waqti badan soo galisay iyo Riyadaadii ogu wayneed Oo waqti yar ku burburto waliba adigoo noq...
09/06/2026

Waa xanun runtii Dream aad waqti badan soo galisay iyo Riyadaadii ogu wayneed Oo waqti yar ku burburto waliba adigoo noqday kii ogu fiicnaa Africa.

Walalkeen Omer mar uu la hadlay warbaahinta wuxuu yidhi.

Omar Artan 🗣️: “Waxaan diyaar u ahay inaan 4 sano oo kale dadaal geliyo si aan uga soo muuqdo World Cup-ka xiga ee 2030, haddii Alle idmo.” 🇸🇴⚽

Yaa si rasmi ah u difaaci kara Cumar CartanDowladda Soomaaliya mise FIFA?Waxaa jira hadal heyn la xiriirta cidda si rasm...
08/06/2026

Yaa si rasmi ah u difaaci kara Cumar Cartan
Dowladda Soomaaliya mise FIFA?

Waxaa jira hadal heyn la xiriirta cidda si rasmi ah u difaaci karta garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan maadaama uu wajahaayo caqabado safar ama gelitaan dalka Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya ay ah cida ugu horreysa ee matasha muwaadiniinteeda dibadda Dowladda ayaa awood u leh inay la xiriirto safaarada weydiiso faahfaahin ku saabsan sababta loo hakiyay gelitaanka isla markaana ay ka shaqeyso ilaalinta xuquuqda muwaadinka.

Dhanka kale FIFA ma laha awood ay ku farageliso arrimaha socdaalka ama go’aamada dowladaha, balse waxay bixin kartaa caddeyn ah in Cumar Cartan uu yahay garsoore rasmi ah oo u shaqeeya FIFA.

Gunaanad Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u matasha muwaadinka halka FIFA ay kaalin taageero ah oo caddeyn shaqo ah kaliya ka qaadan karto.

Dowladda Somalia arinkaan iyadaa xalin karta, waxa aynu ognahay xaalka maanta ay Dowladdeena somalia marayso.

Walalkeen Omar Abdulkadir Artan Allah u fududeeyo.

Sanadkii 2021 haweeney 27 jir ah oo lagu magacaabo Carli Bellmer ayaa si kama’ ah u liqday mid ka mid ah AirPods-keeda k...
08/06/2026

Sanadkii 2021 haweeney 27 jir ah oo lagu magacaabo Carli Bellmer ayaa si kama’ ah u liqday mid ka mid ah AirPods-keeda kadib markii ay ku qaladay kaniiniga xanuun baabi’iyaha ee ibuprofen.

Waxay si degdeg ah isku dayday inay matagto si ay dib ugu soo saarto AirPod-ka balse kuma aysan guulaysan.

Maadaama AirPod-ku weli ku xirnaa taleefankeeda markii ay farriin cod ah u dirtay saaxiibteed codka waxaa laga duubay gudaha caloosheeda waxaana la maqlayay dhawaaqyo yaab leh oo ka imaanayay caloosha.

Sawir raajo (X-ray) ah ayaa markii dambe xaqiijiyay in AirPod-ku uu ka dhex sheeqaynayo gudaha jirkeeda, ugu dambayna si dabiici ah ayuu uga baxay jirka iyada oo aan qalliin loo baahnayn.

Carli waxay sheekadeeda la wadaagtay dadka si ay uga digto marwalba hubi waxa aad liqayso ka hor intaadan afka gelin.

Liverpool waxay leedahay Rio Ngamoha đź”’ baa saaran wana lama taabtaan.Ogow Bayern Munich Oo yarkan rabta  lacag badan  ba...
06/06/2026

Liverpool waxay leedahay Rio Ngamoha đź”’ baa saaran wana lama taabtaan.

Ogow Bayern Munich Oo yarkan rabta lacag badan bay diyaar la'yihiin.

06/06/2026

Legend qoftiisa shumiska ogu daray Waba aroos jawi dagan ah🤣🤣

06/06/2026

Bal u fiirso Hadalkaan Allahu Akabar Dheh Alxamdulilaah 🤲

Dowladda Soomaaliya Oo ku dhawaaqday in ay la wareegi doonto Hargeysa iyo Barbara, iyadoo la adeegsanayo tallaabo ciidan...
06/06/2026

Dowladda Soomaaliya Oo ku dhawaaqday in ay la wareegi doonto Hargeysa iyo Barbara, iyadoo la adeegsanayo tallaabo ciidan.

Wakiilka soomaaliya ku matala Midwga Afrika Amb.Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay la wareegaan dhulka uu ka talliyo maamulka Somaliland.

Wareysi soconayay ku dhowaad 10 daqiiqo uu siiyay Telefashinka Al-jazeera ayaa waxa uu ku yidhi.

đź—Ł"Dhibaato ay wadaan gacmo shisheeye ayaa Soomaaliya dhibka ogu wayn ku haaya, dhowaan waxaad arki doontaan ciidamada dalka oo ka talinaya cirifka koonfureed illaa iyo waqooyi ee waddanka, waxayna gaari doonaan magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa"

Cody Gakpo oo ka hadlayay Arne Slot.đź—Ł"Waa arrin murugo leh in tababaraha shaqada laga eryo, Gaar ahaan si degdeg ah xill...
06/06/2026

Cody Gakpo oo ka hadlayay Arne Slot.

đź—Ł"Waa arrin murugo leh in tababaraha shaqada laga eryo, Gaar ahaan si degdeg ah xilli aan xilli ciyaareedkii h**e si adag ugu dagaallannay inaan u soo baxno tartanka UEFA Champions League."

Gakpo waa aamini la'yahay 🤣

Address

Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mr Nuux posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share