04/09/2026
🎓 DEEQ WAXBARASHO MASTER’S OO SI BUUXDA LOO MAALGELINAAYO– 2026
KfW/EAC Scholarship Programme – Cohort 4
Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika (IUCEA) ayaa ku dhawaaqay wareegga 4aad ee barnaamijka deeqda waxbarasho ee EACSP, kaas oo ay maalgeliso KfW.
Deeqdan waxay bixisaa ilaa 120 deeqood oo Master’s ah, muddo 2 sano ah.
🌍 DALALKA U QALMA
Deeqdan waxaa u qalma muwaadiniinta 8-da dal ee soo socda:
🇧🇮 Burundi
🇨🇩 Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC)
🇰🇪 Kenya
🇷🇼 Rwanda
🇸🇴 Soomaaliya
🇸🇸 Koonfurta Suudaan
🇹🇿 Tanzania
🇺🇬 Uganda
💰 MAXAY DEEQDU DABOOLAYSAA?
Deeqdu waxay daboolaysaa:
✅ Kharashka waxbarashada oo dhan (Tuition Fees)
✈️ Hal tigidh diyaaradeed oo safar soo-noqosho ah oo u dhexeeya dalka ardayga iyo dalka uu wax ka baranayo
💶 €200 oo ah lacagta imaanshaha (Arrival Allowance)
💶 €380 oo ah gunno bille ah oo loogu talagalay hoyga, cuntada, gaadiidka gudaha iyo kharashaadka kale ee nolosha
📚 €650 oo loogu talagalay agabka waxbarashada
🔬 €1,500 oo hal mar ah oo loogu talagalay waxbarashada iyo cilmi-baarista
🏥 Caymis caafimaad inta ay deeqdu socoto
🛂 Kharashka fiisaha/gelitaanka haddii loo baahdo
🎓 Ka-qaybgalka ugu yaraan hal munaasabad ama hawl ka baxsan waxbarashada
📚 MUDDADA DEEQDA
⏳ 2 sano
🎯 TIRADA DEEQAHA
Ilaa 120 deeqood
🎓 BARNAAMIJYADA MASTER’S
Deeqdu waxay taageeraysaa barnaamijyo Master’s ah oo ku jira dhinacyada ay ka mid yihiin:
• Mathematics
• Engineering
• Informatics
• Science
• Technology
• Business Science
📌 SHURUUDAHA U-QALMIDDA
Codsaduhu waa inuu:
✅ Muwaadin ka yahay mid ka mid ah 8-da dal ee kor ku xusan
✅ Da’diisu ka yar tahay 35 sano marka uu codsanayo
✅ Wax ka barto dal EAC ah oo aan ahayn dalkiisa hooyo
✅ Haysto shahaado Bachelor’s ah oo leh ugu yaraan Second Class Upper Division, Distinction, ama wax u dhigma
✅ Codsado oo raadsado admission mid ka mid ah barnaamijyada Master’s ee la oggolaaday
✅ Soo gudbiyo codsiga iyo dhammaan dukumentiyada loo baahan yahay ka hor waqtiga k**a dambaysta ah
🇸🇴 CODSADAYAASHA SOOMAALIYEED
Soomaaliya waxay si cad ugu jirtaa dalalka u qalma deeqdan.
Tusaale ahaan, codsade Soomaali ah wuxuu wax ka baran karaa Tanzania, Kenya, Uganda ama Rwanda, haddii jaamacadda iyo barnaamijka uu doorto ay ku jiraan kuwa la oggolaaday.
⚠️ Codsadaha Soomaaliga ah suurta gal uma ah deeqdan inuu wax ku barto Soomaaliya gudaheeda , sababtoo ah shuruuddu waxay tahay in waxbarashadu ka dhacdo dal EAC ah oo ka duwan dalka uu codsaduhu muwaadinka ka yahay.
📅 WAQTIGA CODSIGA
🗓️ Codsigu wuxuu furan yahay:
20 Agoosto – 10 Sebtembar 2026
⏰ Waqtiga k**a dambaysta ah: 10 Sebtembar 2026, 5:00 galabnimo (EAT).
🗣️ IELTS / TOEFL MA LOO BAAHAN YAHAY?
Qoraalka rasmiga ah ee deeqdu ma sheegin in IELTS ama TOEFL uu yahay shardi khasab ah oo lagu heli karo deeqda.
Liiska dukumentiyada wuxuu xusayaa shahaadada aqoonta luuqadda Ingiriisiga, sida IELTS/TOEFL, “where applicable” (haddii ay khusayso).
⚠️ Si kastaba ha ahaatee, jaamacadda iyo barnaamijka aad codsanayso waxay yeelan karaan shuruudo u gaar ah oo ku saabsan aqoonta luuqadda Ingiriisiga.
Sidaas darteed, codsaduhu waa inuu hubiyaa shuruudaha admission-ka ee jaamacadda uu dooranayo.
📄 DOKUMENTIYADA LOO BAAHAN YAHAY
Waxaa ka mid noqon kara:
1️⃣ Kaarka aqoonsiga ama Passport
2️⃣ Sawir passport ah oo dhowaan la qaaday
3️⃣ Caddeynta codsiga admission-ka jaamacadda
4️⃣ Shahaadada Bachelor’s iyo transcript-ka
5️⃣ CV
6️⃣ Bank statements-ka 6-dii bilood ee ugu dambeeyay, haddii ay khusayso
7️⃣ Warqad tixraac waxbarasho (Academic Reference)
8️⃣ Warqad tixraac shaqo (Professional Reference)
9️⃣ Payslip-ka dhowaan, haddii la heli karo
🔟 Shahaadada xubinimada urur xirfadeed, haddii la heli karo
1️⃣1️⃣ Payslips-ka 6-dii bilood ee ugu dambeeyay, haddii la heli karo
1️⃣2️⃣ Warqad h**e oo caddeynaysa deeq waxbarasho, haddii la heli karo
1️⃣3️⃣ Sawirka guriga aad degan tahay
1️⃣4️⃣ Caddeymo ku saabsan publications, cilmi-baaris, abaalmarinno, fellowships, certifications ama guulo kale
1️⃣5️⃣ Shahaado hoggaamineed (Leadership Certificate), haddii la heli karo
1️⃣6️⃣ Shahaado tabarucnimo (Volunteer Certificate), haddii la heli karo
1️⃣7️⃣ Caddeynta dadka aad mas’uulka ka tahay (dependents), haddii la heli karo
1️⃣8️⃣ Warbixin caafimaad oo loogu talagalay codsadayaasha qaba naafo/xaalado caafimaad oo joogto ah, haddii la heli karo
1️⃣9️⃣ Dukumentiyada aqoonsiga/diiwaangelinta qaxootiga, haddii la heli karo
2️⃣0️⃣ Dukumentiyada la xiriira barakac, musiibo ama xaalad bulsho, haddii la heli karo
2️⃣1️⃣ Caddeynta lumitaanka ilaha dhaqaale/nololeed, haddii la heli karo
2️⃣2️⃣ Dukumentiyada la xiriira lacagaha waxbarashada ee kaa maqan ama kaalmo dhaqaale, haddii la heli karo
2️⃣3️⃣ Warqadaha jaamacadda ee muujinaya xaalad dhaqaale oo adag, haddii la heli karo
2️⃣4️⃣ Caddeynta aqoonta luuqadda Ingiriisiga sida IELTS/TOEFL, haddii la heli karo
📝 SIDEE LOO CODSANAYAA?
Waxaa jira LABA MARXALADOOD:
TALLAABADA 1️⃣ — Codso Admission-ka Jaamacadda
Dooro barnaamij Master’s ah oo la oggolaaday, kadibna codso admission jaamacadda aad rabto.
⚠️ Jaamacaddu waxay yeelan kartaa application/admission fee u gaar ah. Haddii jaamacaddu lacag codsi leedahay, codsaduhu waa inuu bixiyo.
TALLAABADA 2️⃣ — Codso Deeqda EACSP
Kadib waxaad si gaar ah u gudbinaysaa codsiga deeqda EACSP iyo dukumentiyada loo baahan yahay.
📧 Email-ka codsiga:
[email protected]
[email protected]
📌 Dukumentiyada codsiga waa in lagu diraa hal ZIP folder, iyadoo faylasha lagu kaydinayo PDF, kadibna loo gudbiyo habka rasmiga ah ee lagu sheegay ogeysiiska.
🔗 LINK-YADA RASMIGA AH
📌 Ogeysiiska rasmiga ah ee IUCEA:
https://iucea.org/two-year-funded-masters-scholarships-for-cohort-4/
📝 Foomka codsiga deeqda:
https://ee-eu.kobotoolbox.org/J4W9xHf7
⏰ DEADLINE: 10 SEPTEMBER 2026 — 5:00 PM EAT
⚠️ FIIRO GAAR AH: Kahor intaadan codsan, si taxaddar leh u akhri ogeysiiska rasmiga ah iyo shuruudaha admission-ka ee jaamacadda iyo barnaamijka aad dooranayso.
📢 La wadaag fursaddan qof kale oo u baahan!