25/02/2026
Waxa uu yiri " Waxa aan ahay guuldarradii ugu weynayd ee dhulka lagu arko" .
James Waa oday da' ah hadda.
Waxa la waydiiyay waayihiisii nolosha iyo casharka uu ka bartay.
Waxa uu ka qoomameeyay in uusan ka faa'iidaysan
wakhtigiisii.
dhalinyarnimadiisii.
Waxa uu qarracan ka muujiyay filashadisii yaraanta iyo sida aysan u suurtogelin.
Marnaba muu sawirin in uu da'dan ku soo gaadho
reer la'aan.
Xaas la'aan.
Iyo tan ugu daran oo ah FAQRI.
Waxa uu ka qoomameeyay in uusan hibadii uu lahaa, ka faa'iidaysan. Haddii uu wax baran lahaa, waxa uu noqon lahaa garyaqaan top ah.
( Waa sida uu qabo e )
Doodaha iyo hadalka ayaa uu ku fiicnaa.
Dareenkan waxa keliya dareemi kara qof da' ah, waayeel ah, waayo badanna soo jiray.
Inta aad yartahay, wax kasta oo 60 jirkaaga kaa farxin kara samee.
Adigu wax isku day.
Wax baro.
Wax dhis.
Allen talo saaro.
Ha samayn wax kasta oo 60 jirkaaga qoomamo kugu keeni kara?
Maxaa ka mid ah?
- In aad wakhtigaada dayacdo.
- In aad dadka dhibto.
- In aad dadka kaa tamarta daran caawin waydo.
- In qaraabada xiriirin waydo.
- In aad waalidka fahmi waydo.