30/08/2026
Marka — Xogihii ugu dambeeyay ee laga helayo xubnaha shanta ah ee isku magacaabay maamulka Koonfur Bari ayaa tilmaamaya in khilaaf uu soo kala dhex galay xubnaha, kaas oo la xiriira cidda loo magacaabayo jagada Madaxweyne ku-xigeenka kgs ee la sheegay in kooxda loo ballanqaaday.
Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen, Xubnaha ka hooseeya Hogaamiye Cumareey ayaa u sheegay in mataaladiisa ay federaalka taallo isla markaana iyaga uu u daayo go'aanka qofka buuxinaya booskaas.
Wararka ayaa intaas ku daraya in hoggaamiyaha uu aad uga hor yimid habka go'aanka loo wajahayo, isagoo sheegay in haddii uusan isaga qayb ka noqon go'aanka cidda jagadaas qabanaysa uu ballanta uga bixi doono wafdiga dowlada federaalka ee Marka ku sugan.
Khilaafkan ayaa imaanaya xilli ay socdaan wada-hadallo la xiriira mustaqbalka kooxda iyo sida loo xallin karo khilaafaadka ka dhashay maamulka ay dhawaan ku dhawaaqeen.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadallada socda ay diiradda saarayaan sidii xubnaha kooxda loogu heli lahaa xilal kale, iyadoo weli aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono khilaafka ka dhashay jagada Madaxweyne ku-xigeenka.
Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay xubnaha shanta ah ama dowladda federaalka Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlay khilaafkan.