27/05/2024
Ergayga cusub ee Arrimaha Soomaaliya u qaabilsanaan doona QM James Swan ayaa maanta tagey Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayo sidii Soomaalida looga taageeri lahaa nabadgalyada, Horumarka iyo Dawlad dhiska, tan dambe ayaa ah aaga siyaasadeed ee loo diray waqtigan, isagoo dhameyn doonaa mudo xileedka xaafiiska UNSOM oo dib loo eegi doono dhammaadka sannadkan.
Swan, ayaa h**ey Soomaaliya u joogay iyadoo ay ka dhacayaan isbedelo siyaasadeed oo jawi doorasho ah, 2012-kii, 2017 & 2022-kii oo uu maareyey dhammaan doorashooyin dad-ban, imaanshihiisu wuxuu kusoo beegmayaa xili aysan Siyaasiinta Soomaalidu heshiis ku aheyn siyaasadda, gaar ahaana cutubka doorashada 2026-ka.