12/26/2025
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku wajahan dalka Kenya, halkaasi oo lagu wado in ay kulamo saddex-geesood ah ku yeeshaan Madaxweynaha Kenya Ruto & Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy oo todobaadkan labada hoggaamiye kula kulmay Addis Ababa.
Kulamada Nairobi ayaa mas'uuliyiinta DFS ee la socda tilmaamayaan in looga hadlayo xaaladda amni & siyaasadeed ee dalka iyo xidhiidhka Soomaaliya, Kenya & Itoobiya; balse siyaasiyiinta mucaaridka ayaa dhinacooda tibaaxaya in Villa-Somalia ay damacsan tahay muddo-kororsi ayna Dalalka Geeska ka doonayso in ay ka caawiyaan in hoos-loo-dhigo cadaadiska mucaaridka & dowlad-goboleedyada qaar oo dalalkan xidhiidh dhow la leh.
HOGAAN MEDIA